DAAWO: FAYSAL CALI WARAABE OO FAROOLE U JAWAABEY KUNA YIRI WAXBA HA ISKU KEEN DHAJININ

WAAJIDPRESS – 3 Feb 2013:


Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa jawaab cad ka bixiy hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha maamulka Puntland Dr, Cabdiraxmaan Faroole.

Hadalka Faroole kasoo yeeray ayaa ahaa inay jiraan wadahadalo u socda iyaga iyo Somaliland kaasi oo ay dhici karto inay kasoo baxaan go’aano ay wada-jir u qaataan labada maamul.

Waxaana uu si gaar ah Faroole u sheegay inay wadahadaladaasi kasoo bixi karaan inay Somaliland iyo Puntland kuwada biiraan Soomaaliya ama ay gooni uwada istagaan. Waa sida uu sheegay Faroole.

Laakiin hadalkaasi ayaa waxaa halgool-dheer ku fogeeyey inay dhici karto Gudoomiye Feysal Cali Waraabe kaasi oo sheegay inaysan marna gogol la fariisan doonin Abdiraxman Faroole iyo maamulkiisa. Isagoona dhinaca kale u sheegay inuu Faroole iyo Puntland u aqoonsan yahay inay Soomaaliya ka mid yihiin.

” Faroole waxaan ku leeyahay waxba ha isku kaaya dhejin anaga, hadaad go’itaan u baahan tahay gaarkaaga u go’ ama dowlada Soomaaliya ee aad ka mid tahay isaga jir, Kolleey socon meyso maamulkaaga reereysan ee aad madaxda u tahaye” ayuu yiri Guddoomiye Feysal Cali Waraabe.

Feysal Cali Waraabe oo jooga wadanka Holland ayaa arrintan wax ka weydiiyey. Feysal waxaa uu arrintaasi uga jawaabay ka daawo muuqaalka hoose.

 nasro on February 03 2013 · Print
About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 51 other followers

%d bloggers like this: