Madaxweyne Xasan “Shacabka makala garanayaan askariga tuutaha wata inuu Shabaab yahay iyo inuu Dowladda yahay”

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaye xaflad ballaaran oo ay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Biritan ay usameeyeen ayaa wuxuu kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay ciidanka Dowladda Soomaaliya kujiraan.

Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay xafladaasi soo dhaweynta ah ayaa wuxuu sheegay in iminka ciidamada Dowladda Soomaaliya uu usocdo qorshayaal ku aadan in guud ahaan ciidanka xerooyin lagu xareeyo.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in askariga ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo midka Shabaab aysan kala garaneyn shacabka islamarkaana dhamaantood ay wada qaataan hal tuuto qorina ay wataan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in iminka Dowladda ay wado qorshe ciidamada Dowladda Soomaaliya guud ahaan looga saarayo magaalada Muqdisho laguna geynayo xerooyin ku yaala duleedka Muqdisho,Magaaladana ciidamo gaar ah loo sameynayo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa usheegay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska inay dalka dib ugu soo noqdaan ayna ka qeyb qaataan horumarada dalka dib loogu dhisayo.

Ganacsiga ayuu sheegay in looga fadhiyo inay ka sameestaan Muqdisho maadaama iminka Dowladda ay guud ahaan magaalada Muqdisho gacanta ku hayso.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay usheegtay in ciidamada Dowladda laga saarayo Magaalada Muqdisho lana geynayo xerooyin ku yaala duleedyada Magaalada.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers

%d bloggers like this: