Nabadoonada ku dhaqan magaalada Boosaaso oo qarka u saaran in ay ka qaxaan magaaladaasi. February 03 2013

WAAJIDPRESS – 3 Feb 2013:

Wararka ka imaanaaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxay sheegayaan in dhamaan nabadoona ku dhaqan magaaladaasi ay qarka u saaranyihiin in halkaasi ay ka qaxaan ka dib markii uu soo batay ugaarsiga nabadoonada.

Qaar ka mid ah nabadoonadaan ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada Puntland aysan sugi Karin amaanka nabadoona sidaasna ay doorbidaayana in sida ugu dhaqsiyaha badan ay isaga cararaan magalada Boosaaso.

Dhanka kale Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari aas qaran loogu sameeyay Suldaan Muuse Faarax oo shalay rag hubeysan ay ku dileen bartamaha magaaladaasi, iyadoona ilaa iyo haatan dilkiisa aan cid loo soo qaban.

Aaska Suldaanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Puntland, siyaasiin, shacab iyo waxgarad aad u badan, iyadoona maamulka Boosaaso ee Puntland ay sheegeen inay soo qaban doonaan dadka dhibka ku haaya waxgaradka halkaasi jooga.

Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari waxaa sidaan oo kale dilal kala duwan loogu geestay waxgarad aad iyo aad u badan, waxaana waxgaradkii soo haray qaarkood ay noqdeen kuwo ka kala cararay magaaladaasi in kastoo weli kuwo ay harsanyihiin.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers

%d bloggers like this: