WAAJIDPRESS – 3 Feb 2013:
Madaxweynaha Punland C/raxmaan Faroole ayaa si kulul mar kale u Weeraray alshabaab oo uu ku sheegay Bahalo dadka laaya.
Faroole aya dusha u saaray Dilkii shalay bartamaha magaala Boosaaso loogu geystay Suldaan Muuse Faarax Muuse (Onkod) oo ka mid ahaa wax garadka ugu waawayn Puntalnd.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa saacad kadib saxaafada la hadlay markii uu dhacay Dilka nabadoonka waxa uuna dusha u saaray shabaab, mana jiraan hadal ka soo baxay shabaab oo ku aadan eedaynta loo Jeediyay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in dilka Nabadoonka ay ka dambeysay Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray inay qeyb ka tahay dilalkii Al Shabaab ay ka geysan jirtay Deegaanada Puntland.
C/Raxmaan Faroole ayaa Tacsi u diray Nabadoonka dadkii uu ka geeriyooday Waxa uuna sheegay in ay ka mid tahay arintaan Dilalka ay shabaab ka gaystaan halkaas.