WAAJIDPRESS – 18 Feb 2013:
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
GOBOLADA JUBOOYINKA
KU: dhamaan safaaradaha Muqdisho
Ku: Xafoosla IGAD ARR. Soomaaliya muqdisho
Ku: Xafiiska qaramada midoobay ee arimaha soomaaliya Muqdisho
Ku: waiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Muqdisho
Og. Raiisulwasaaraha Dowladda Federalka soomaaliya Muqdisho
Og.Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka soomaaliya Muqdisho
Ujeedo: war murtiyeed ka soo baxay beelaha jubooyinka
Maal mihii lasoo dhaafay waxaaa magaaladalada muqdishu lagu qabtay shirweyne ay kasoo qayb galeen dhamaan beelaha jubooyinka dega , (180 xubnood) oo isugu jira waxgarad, salaadiin, siyaasiyiin, culumaaudiin, xubno ka socda Ahlu sunna wal jameca, ururka haweenka iyo dhalinyarada.
Waxuuna shirweynahu ka dooday xal u helidda maamul u sameynta gobolada jubooyinka ( jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo) dood iyo falanqeyn dheer ka dib waxuu shirku soo saaray war murtiyeedkaan:-
1- Maadaama aysan xor ahayn goboladaas , shirku waxuu ku talinayaa in la xureeyo ayadoo lala kaashanaayo shacbiga soomaaliyeed, ciidamada Q. S iyo AMISOM.
2- In maamul usameynta goboladaas si wada jir ah looga wada tashado dhamaan bulshada gobolada deggan, ayada oo hogaan u yihiin odayaasha dhaqanka , xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo dhamaan qaybaha bulshada . Dowlada fedaaralkane hogaanka u qabato shirka.
3- In dhismaha maamul u sameynta goboladaas saldhig looga dhigo wadatashi, sinaan iyo cadaalad.
4- In dowlada federalka ah ay dowrkeeda siyaasadeed ka abaarto maamul u samaynta goboladaas, si loo helo xal waara.
5- Shirku wuxuu ku talinayaa in aysan manaba koox gaar ah sameysan Karin maamul aan loo wda dhameeyn.
6- Shirka waxcuu dowladda federalka ah usoo jeedinayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay talaabo deg deg ah ugu qaado walaahowga ka jira gobolada jubboooyinka si aysan umada soomaaliyeed dib ugu noqonin dagaaladii sokeeye ee dhaxal siiyay baaba’a iyo halaaga.
7- Dowlada Kenya ee aan nahay dal saaxiib ah daris wadaagne nahay waxuuu shirku ugu baaqayaa in ay ka fugato wax kasta wixii umadda soomaaliyeed carqalad u keeni kara isla markaasna aysan la safanin koox gaar ah.
8- Adduun weynaha waxaan ugu baaqeeynaa in markasta umada soomaaliyeed loo garab istaago si dhax dhaxaad ah, cidii isku daydana in ay koox gaar ah la safato talaabo laga qaado.
9- Shirku waxuu taageero buuxda usoo jeedinayaa dowlada federaalka ah, guulihii ay ka soo hoysay gudaha iyo Debadaba, waxaana cambaareynaynaa cid kasta oo isku dayda burburka umadda soomaaliyeed.
Mahadsnidiin
Magacyada shir guddonka shirka oo ka kooban shanta beelood ee soomaaliyeed
1- Suldaan Sh.Aden Macalin Sugow MALAAQ
2- Gen.. Maxamed C/qaadir Xassan
3- Dr. C/raxmaan M. Malaay
4- Suldaan Nasib Cabdi Nasib( nasiib Buunde)
5- Nabadoon C/kariin Siyad Maxamed
February 19, 2013 at 11:03 am |
Dowladda Sommaaliya waa in ay si cad uga soo hor jeesato damaca
waalan ee Kiinya iyo olf-ta Axmed Madoobe. .