War deg deg ah: Gudoomiyihi hore ee Barlamanka oo ka digay maamul u sameynta Jubboyinka

WAAJIDPRESS – 21 Feb 2013:

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Sheekh Aadan Madoobe” ayaa ka digay in lagu degdego dhismaha maamul loo sameeyo gobollada Jubbooyibka iyadoo aan lagala tashan dadka dega Gobolladaasi.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay maalin ka hor ka soo laabteen magaalada Nairobi ayaa ka warbixiyay ujeedada safarkii ay ku tageen magaalada Narobi isagoo sheegay in ay halkaasi kula kulmeen qolooyinka ku howlan dhismaha maamul u sameeynta gobolada Jubbooyinka, wuxuuna tilmaamay in ay kula taliyeen inaan lagu degdegin dhismaha maamul ay qolo gaar ah wadato oo aan laga tixgelin dadka dega deegaanadaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay in kooxahaasi ay isku afgarteen in an lagu fududaan dhismaha maamul ay qolo gaar ah wadato, balse dhinaca kale ayuu nasiib darro ku tilmaamay in kulankaasi kadib ay soo baxeen warar sheegaya in 23 ka bishan uu qabsoomidoono kulan maamul loogu sameeynayo gobollada Jubbooyinka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in maamul loo sameeyo gobollada Jubbooyinka uu ku imaankaro oo kaliya wadatashi iyo talawadaag dhexmara dhamaan dadka wadadega gobollada Jubbooyinka.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay meel iska dhigaan wax kasta oo caqabad ku ah wada jirka iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed ayna usoo jeestaan sidii ay u taageeri lahaayeen dowladda Federaalka iyo barnaamijyada ay ku horumarineyso dadka iyo dalka.

About these ads

One Response to “War deg deg ah: Gudoomiyihi hore ee Barlamanka oo ka digay maamul u sameynta Jubboyinka”

  1. Dhaqanka Digil Mirifle Says:

    KKKKK KKKKK KKKKKK WAR NACASKAAN OO KALE WELI MA HADLAYAA KKKK KKKK KKKK.

    IMISAA JAANIS AYEY LUMIYEEN DAANYEERTAAN MAAY MAAY KKKKK KKKK KKKKKK.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 30 other followers

%d bloggers like this: