Mardaadi oo ka digay dagaalo sokeeye oo ka dhaca Gobolka Shabeellaha Hoose

WAAJIDPRESS – 18 Jul 2014:

Madaxweynaha Maamulka Shabelle State Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi) oo ka soo jeeda (DIGIL & MIRIFLE – GARRE), ayaa si xoogan waxa uu kaga horyimid 18-ka xubnood ee lagu sheegay Guddiga Farsamada, si ay Maamul Kmg ah ugu soo dhisaan Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha wuxuu ku doodayaa inaanu Gobolka Shabeellaha Hoose raaci karin Gobolada Baay iyo Bakool, maadaama dadka Deegaanka aysan rabin buu yiri Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu intaa ku daray in Gobolka Shabeellaha Hoose uu la mataan yahay Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla-markaana uu ka jiro Maamul ka arrimiya oo la yiraahdo buu yiri Shabelle State.

Haddii lagu adkeysto in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu biiriyo Baay iyo Bakool, ayuu tilmaamay inuu sababi doono dagaal sokeeye oo dib kaga dilaaca Gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu yiri.

Isagoo la hadlaayay Warbaahinta, ayaa wuxuu su’aal ka keenay meesha ay ka hawlgeli doonaan xubnaha Guddiga Farsamada, isagoo ku hanjabay inaanay imaan karin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ku dhawaaqida xubnaha Guddiga Farsamada, ayaa waxay markale kicisay dareenka Xildhibaanada Beelaha Hawiye, waxayna si weyn uga horyimaadeen dhismaha xubnahaasi.

Xildhibaanada Cumar Maxamed Maxamuud (Finish) iyo C/laahi Jaamac Xuseen, ayaa waxay ka diggeen in dhibaato hor leh loo horseedo Gobolka Shabeellaha Hoose. Waxayna ku baaqeen in aan Gobolkaasi lagu biirin Baay iyo Bakool.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 49 other followers

%d bloggers like this: