Seefta Golaha Baarlamaanka DFS oo dul saaran Xassan Sheekh iyo Ra’isulwasaara

WAAJIDPRESS – 18 Jul 2014:

Warar hoose oo naga soo gaarayo dhanka Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegaya inay wadaan Mooshin lagu maja-xaabinaayo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare C/weli oo iyagu lagu eedeeyay inay dayaceen Ammaanka Dalka iyo Hantida Qaran.
Wararku waxa ay nagu soo gaarayaan in ku dhawaad 160 Xildhibaan ay qalinka ku duugeen warqad la sheegay inay saxiixayeen Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Madaxweyne Xassan kuwaasi oo badi ka duulaayo warbixinta ay soo saartay Un-Monitering group, Dayacaada Ammaanka Dalka iyo Beegsiga lagu haayo Xildhibaanada khibrada u ah Siyaasadaha Dalka.
Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan ugu kulmayaan Hoteelada Magaalada Muqdisho ugu caansan ayaa waxa ay halkaasi gorfeeynayaan Damacyada Siyaasadeed ee xiligaani uu lasoo baxay Madaxweynaha, wallow warar hoose ay tibaaxayaan in Xassan uu Habeenimadii xalay Xildhibaanada Mucaaradka oo ku shiraaayay Hotel Jazeera ka dalbaday wada hadal, Hayeeshee uu ku gacan-seyray.
Xildhibaan magaciisa ka gaabsaday oo ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Madaxweyne Xassan Sheekh iyo RW C/weli Sheekh, ayaa inoo xaqiijiyay inay isku raaceen in Mooshin kii horey uga keeneen Xasan Sheekh ay dib usoo cusbooneysiinayaan iyagoo sabab uga dhigay inuu lunsaday hantida shacabka u taalay dibadaha, kuna fashilmay inow sugo Amaanka Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka, halka RW C/weli Sheekh ay isaguna u aaneynayaan inuu iska indha tiro danaha Dadka shacabka iyo u dhaqanka daacadnimo.
Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa waxaa uu Tilmaamay in Mooshinka uu qeyb ka yahay RW Dalka C/weli Sheekh, balse waxa uu Tilmaamay in marka hore ay dhulka dhigi doonaan Xassan Sheekh, kadibna ay ku xijin doonaan RW C/weli oo isagu lumiyay kalsoonidii kala dhaxeysay Golaha Shacabka.
Waxa uu intaa ku daray in Mooshinka laga soo wado Ra’isulwasaare C/weli uu gaarayo Xildhibaanada saxiixay illaa 86 kuwaasi oo go’aan ku gaaray inaysan ka laaban doonin go’aanka ay ku ridayaan Xukuumada hadda jirto.
Dhanka kale, Xasan Sheekh waxaa uu aad uga walwalsan yahay warbixinta UN Monitering group, waxaa uu sheegay Xasan Sheekh in beelo isaga ku kacsan ay ka dambeeyaan warbixintaan oo dhaliilsan siyaasada iyo dalka ku maamulkisa.
Lama oga sida uu ku wajihi doono Xasan Sheekh mooshinkaan cusub ee ay wadaan xildhibaano farabadan, waxaa suuragal ah inow ku joojiyo mooshinka mudanaayasha baarlamaan hantida shacabka, maadaama markasta mooshinada ay soo gudbiyaan lagu fangareeyo hantida dowlada.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 51 other followers

%d bloggers like this: