Madaxweynaha Somaliya oo safar kedis ah ku tagey Magaalada Garbahaarey

WAAJIDPRESS – 31 Jul 2014:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay maanta safar aan horey loo sii shaacin ay ku taggeen Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo diyaarad gaar ah ka raacay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay kaga cago dhigteen Garoonka macmalka ah ee Magaalada Garbahaarey.

Ka hor intii wefdiga Madaxweynaha aynaan gaarin Magaalada Garbahaarey, ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee Magaalada, iyadoo Ciidamada Amisom, Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna lagu arkaayo qaybaha kala duwan ee Garbahaarey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa socdaalkaan ku wehlinaaya Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan, sidoo kalana waxaa la socdo qaar ka mid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdigiisa waxay hadda ku sugan yihiin Xarunta Degmada, halkaa oo ay kulan kula lee yihiin Saraakiisha Dowladda, Ahlu Sunna iyo Amisom.

Suxufi ku sugan Magaalada Garbahaarey, ayaa Dhacdo.com u sheegay in ujeedada Madaxweynaha ee Garbahaarey ay la xiriirto, sidii uu ugu kuur-geli laheyd arrimo bini’aadanimo oo ka jirta Gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa Arbacadii shalay sheegay in xaalad adag oo xagga nolosha ah ay ka jirto Gobolka Gedo, iyadoo uu ku qaylo dhaamiyay in dadka reer Gedo loo soo gurmado.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa muddooyinkaan dambe lagu eedeynaayay in Dowladdiisu ka gaabisay, xaalada adag ee ka jirta qaybo ka mid ah Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

Faallo u dhaaf