BARO: ABTIRSIIMADA IYO TAARIIKHDA QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE

WAAJIDPRESS – 10 DEC 2012:

Waxa ay Soomaalidu inta badan is weyddiisaa ayna isu sheegaan in DigilMirifle aan aheyn qowmiyad jirta oo iskeed u taagan, qaarkoodna waxa ayba aaminsan yihiin in qowmiyaddan DigilMirifle ay gasho Daarood, Hawiye iyo Isaaq, ee aan qeyb iskeed u taaganba laga heleynin ee seddexdaan qabiilood ee aan soo sheegnay laga wada helo, islamarkaana ay yihiin uun dad isu wada yimid oo ka kala tirsan seddexdaas qabiilood oo aan soo sheegnay ee aysan aheyn DigilMirifle hal qowmiyad keliya. Kuwa fikirka noocaas ah qaba ayaan u sheegeynaa in ay xaqiiqdu ka fog yihiin ayna heystaan qaladkii aabayaashood ka dhaadiciyey, ayagoo meel marinaaya fikraddoodii aheyd dhul balaarsi, islamarkaana ay ka dhigaan DigilMirifle waxaan jirin, ayna yiraahdaan waa uun dad isu tegey. DigilMirifle waa dad walaalo ah oo dhalay hal odey, ninkii yaqaan wuu yaqaan ee waxaan halkan ugu faa’ideyneynaa dadka aan aqoon ee si fiican u la soco sheekada.

Qowmiyadaha ku nool dalka Soomaaliya 60% waa dad isku luqad ah inkastoo ay leeyihiin lahjado kala duwan, waxaase jirta in 40% la heli karo luqado kale oo aan aheyn luqadda Soomaaliga sida ay taariikhdu tilmaantay.

Deegaanka ay Soomaalidu maanta deggen tahay waxaa deggenaan jiray ama ku noolaan jiray dadkii ay ka soo faracmeen qowmiyadaha hadda jooga.

Nabi Ciise (C. S) kadib, ayna aheyd mar ay muddo yar ka harsaneyd soo diriddii nabi Muxamed (S. C. W) waxaa ay aheyd xiligii ay jireen jaahiliyadda iyo diintii nabi Ciise(C. S) oo diin Islaam aheyd, walow ay faraha ka bateen dadkii sanamyada caabudi jiray oo uu fisqigii iyo faajirnimadii ku badatay, waxaa aad u yaraaday dadkii qumanaa ee wan-wanaagsanaa ee heystay diintii nabi Ciise (C. S) oo ayaga ahaa dad Muslimiin ah.

Markii dhulka ay buuxisay xumaan iyo fisqi ayna la imaadeen dadkii intooda badnaa diiman aan xaq aheyn oo aan xag ALLAAH ka imaan oo baaddil wada ahaa, ayna dadkii badidooda ka yeesheen sanamyo ilaahyo, ayaa uu ALLAAH soo saaray nabi Muxamed (S. C. W) si looga yeelo dunida mid u hoggaansan ALLAAH kaliya, markaas ayuu nabi Muxamed (S.C.W) bilaabay inuu fidiyo diintii loo soo dhiibay ee aheyd diin Islaam ah taasoo fareysa in la caabudo ALLAAH keliya lagana tago sanamyada ilaah ahaan loo caabudaayo iyo waxyaalaha kalaba oo laga dhiganaayo ilaahyo, kuwaasoo ilaahyo baaddil ah.

Boqortooyadii Galadi waxa ay qaaday talaabooyin ay ku dar-dar galineyso xukunkeedaan cusub, waxayna isugu yeertay dhamaan qabaa’iladiii deegaankaas ku dhowaa si ay ugu soo qeyb galaan xukunkeeda, wixii ka yeelay baaqeedii waa ay soo dhoweysay, qolooyinkii ka madax adeegeyna waa ay la dagaalantay ilaa ay ka noqdeen shacab ka tirsan boqortooyada Galadi. Qolooyinkaas hoos imaan jireyna boqortooyada Galadi waxaa ka mid ahaa:
1} Subuge (waa dadkii boqortooyadii Geledi).

2} Maalinle (waxaa soo eryey Abggaal, waxaana ka dhiciyey boqortooyadii Galadi ka dibna waxa ay ku sii biireen boqortooyadii Geledi).

3} Seddex iyo Sagaal (waa Murunsade, waxa uuna ka mid noqday shacabkii hoos imaan jiray boqortooyadii Geledi).

4} Ma-liixaan iyo Ma-qalaan (waa Silcis Gurgaate oo ah Hawiye, waxa uu isna ka mid noqday shacabkii hoos imaan jiray boqortooyadii Geledi)

5} Maana iyo Madarkicis (waa reer Xamarka cad cad, waxa ay iyagana ka mid noqdeen shacabkii hoos imaan jiray boqortooyadii Geledi)

6} Laba Garre (waa qolooyinka loo yaqaan Tiif iyo Quraanyow, waxa ay iyagana ka mid noqdeen shacabkii hoos imaan jiray boqortooyadii Geledi)

7} Afar Bogade (waxa ay iyagana ka mid noqdeen shacabkii hoos imaan jiray boqortooyadii Geledi )

8} Laba Jiilaal iyo Laba Baalcadde (waxa ay iyagana ka mid noqdeen shacabkii hoos imaan jiray boqortooyadii Geledi).

Waxaa meeshaas ka jiray maamul leh dastuur iyo xeer lagu maamulo shacabkan aan soo sheegnay, waxeyna ku noolaayeen dhulka uu DigilMirifle gacanta ku hayeen ilaa uu ka yimaado gumeystihii kaas oo markaas bur-buriyey maamulkii DigilMirifle, asagoo gumeystaha la kaashaday burburka maamulkaas burcaddii ka soo horjeedday boqortooyadii Geledi, waxayna ahaan jireen kuwo aan waxba sameyn karin isticmaarkaas ka hor, ayagoo ka helay isticmaarka gacan inkastoo uu isagaba ku watay dano gaar ah, kuna fushaday waxa uu rabay.

Taariikhda umadda ku abtirsata DigilMirifle:

Hadaan ka soo bilowno labada wiil ee walaalaha ahaa ee la kala oran jiray Ciise iyo Cusmaan, labadan wiil waxaa dhalay Axmed oo loogu naaneysi jiray Hiil, kaas oo ahaa ina Fiqi.Yoonis, Fiqi.Yusuf, Fiqi.Muxamed, Fiqi. Cumar, F.Yacquub, F.Yaxye, F.Ciise, F. Muuse, F. Zakariye, Yatiim, Jamalu-diin, Maxamed, Cabdullahi, Maxamed, Abubakar Al-Siddiiq.

Ciise; Caruurtiisu lama xusin waxaa keliya oo laga xusay Cumar, sidoo kale caruurta Cumar-na laguma wada xusin qoraaladan, keliya waxaa caruurtiisa laga xusay Daysan. marka faraca Daysan ma naqaan oo aan ka aheyn wiilkiisa Digil.

Aw-Digil caruurtiisa waxey ahaayeen todoba, sida taariikhda ay ku xusan tahay, caruurtii Aw-Digil waxaa la kala yiraahdaa sidan hoos ku qoran:

1} Sheekh Maxamed Digil
2} Maatey (Dabare, Iroole) Digil
3} Cali (Jiiddo) Digil
4} Cumar (Garre) Digil
5} Ciise (Tuni) Digil
6} Cusmaan Digil (Faraciisa waxey ku kala biireen Hariin iyo Dabare, inta kalana waxey deggen yihiin Iimeey ee dalkaas Itoobiya)

7} Dagiin Digil (Faraciisa sidey uwada dhan yihiin waxey deggen yihiin magaalada Iimeey ee dalkaas Itoobiya)

Caruurta Aw-Digil sidooda ayey yihiin oo aan ula jeedo tarankooda ma sii fidin, keliya waxaa tarankiisu fiday Sheekh Maxamed, kaas oo noqday midka tarankiisu aad iyo aad u batay. waxaan hadana guda galeynaa tarankiisa.

Sheekh Maxamed Digil:

Sheekh Maxamed Digil waxa uu dhalay wiil la yiraahdo Talmadar, Talmadar-na waxa uu dhalay Kalmuge, Kalmuge-na waxa uu dhalay Sifir, Sifir-na waxa uu dhalay Reewing(Raxweyn),

Reewing ama Mirifle (Raxweyn) asagana waxa uu dhalay Maxamed.

Marka hada hadaan isku xirno sida ay isu dhaleen waxa ay noqoneysaa sidan:

Maxamed Reewing ama Mirifle (Raxweyn), Sifir, Kalmuge, Talmadar, Sheekh Maxamed Aw-Digil, Deysan, Cumar, Ciise, Axmed, Fiqi Yoonis, Fiqi Yusuf, Fiqi Muxamed, F. Cumar, F.Yacquub, F.Yaxye, F.Ciise, F. Muuse, F. Zakariye, Yatiim, Jamalu-diin, Maxamed, Cabdullahi, Maxamed, Abubakar Al-Siddiiq.

Intaas waxaan ku joojineynaa halka uu ka yimid Maxamed Reewing (Raxweyn).
Hadana waxaan u guda galeynaa faraciisa oo ku abtirsada asaga iyo awowgiisa Aw-Digil, weliba faraca Maxamed Reewing ay si gooni ah ugu abtirsada wiilkiisa oo la yiraahdo Mirifle, kaas oo faraciisa ay la mid dhigeen awowgiisa aabaha Mirifle, taas waxaan ula jeedaa waxaa hada la yiraahdaa DigilMirifle, ma xuma in sidaas la yiraahdo, laakiin waxaan meesha laga saari karin in Mirifle uu ka yimid Digil, yahayna awowgiisa lixaad, Mirifluhuna uu ku abtirsado Digil, Digil-kuna uu ku abtirsado Ciise, Ciise-na uu ku abtirsado Maxamed Bin Abuu-Bakar.

Hadaba marnaba lama simi karo Digil iyo Mirifle, lamana oran karo DigilMirifle, waayo waa wiil iyo awowgiis. Kuwa abtirsiimada DigilMirifle been ka sheegi jirayna waxaan leeyahay kooda sidan ha u soo saxaano. Hadaan u guda galno faracii Maxamed Reewing (Raxweyn), wuxuuna dhalay afar wiil oo magacyadoodu la kala yiraahdo

1} Mirifle
2} Caleemo
3} Jambaluul
4} Bagadi (Waxaa sidoo kale loogu wacaa Mucajab)

Mirifle iyo Caleemo waa isku hooyo, hooyadooduna waxaa la oran jiray
Degey Macalin Sabdhowe, waxeyna aheyd Garre.

Maxamed Reewing (Raxweyn) xaaskiisa Dagey Macalin Sabdhowe, markey u dhashay labada wiil ee kala ah Mirifle iyo Caleemo wey ka geeriyootay waxaa xigsiisan loo siiyey walaasheed, taas oo la oran jiray Dawran Macalin Sabdhowe oo iyadana u dhashay labada wiil oo la kala oran jiray Jambaluul iyo Begedi.

Wiilashan afarta ah ee uu dhalay Maxamed Reewing (Rax weyn) waa walaalo xag aabo ah, xag hooyana waxey isku yihiin ilmo habreed, waayo labada hooyo ayaa walaalo ahaa waxeyna la dhasheen ama u dhasheen Garre. Caruurta Maxamed Reewing (Rax weyn) waxaa abti u ah Garre.

Wiilka Jambaluul la yiraahdo faraciisa waxey ku biireen Shanta Caleemood, kuwaas oo dega Daafeed waxeyna ku abtirsadaan Digil.

Wiilkii ahaa Begedi faraciisa oo dhan hada waxaa lagu xisaabaa Digil oo hadda ah todoba qabiilood oona kala yihiin:

Geledi, Begedi, Shanta Caleemood, Tuni, Garre, Jiiddo iyo Dabare.

Odeygii Aw-Digil waxa uu dhalay oo kaliya todoba, oo laba ka mid ah mid uu degey Iimey, midna uu ku biiray Hariin iyo Dabare qeybna ay aadey Iimey, shanta soo hartay mid waa Sheekh Maxamed oo faraciisa loo yaqaan Reewing (Rax-weyn ama Mirifle), afarta soo harteyna waxey kala yihiin:

A) Maatay oo Dabare Iroole ah
B) Cali oo Jiiddo ah
C) Ciise oo Garre ah
D) Cusmaan oo Tuni ah

Todobada hada la isku yiraahdo Digil afartaan kore mooyee sedexda kale laba ka mid ah waxaa dhalay Mirifle Sheekh Maxamed Reewing (Rax weyn), midka kalena waa reer Cumar Diini (Galadi).

Halkan waxaan u maleynaayaa in qof walba uu fahmi karo sida ay umadan Reer DigilMirifle u wada dhasheen ama isu wada dhaleen iyo meesha uu nasabkoodu ka soo jeedo. waxaan hadana sii kala dhig-dhigeynaa faracii Reer Mirifle.

Mirifle, Reewing(Rax weyn), Sifir, Kalmuge,Talmadar, Sheekh Maxamed, Digil, Deysan,Cumar, Ciise.

Odeyga Mirifle wuxuu dhalay laba wiil oo la kala yiraahdo

1} Cadde Mirifle
2} Madoobe Mirifle

A} Cadde Mirifle Maxamed Reewing (Rax weyn) wuxuu dhalay lix caruur oo lakala yiraahdo

1} Heledi Cadde
2} Yantaaroow Cadde
3} Daawane Cadde
4} Oor labi Cadde
5} Quraabane Cadde
6} Barbaar Cadde

HELEDI: waxa ay degan yihiin Buur Gigis oo u dhow Buur Heybe.

YANTAAROOW: waxa ay degenaan jireen “DHAA” oo ka tirsan gobolka Bakool, ka dibna waxey u soo guureen “HAGARKI MADI GERI” oo ka tirsan gobolka BAAY.

QURAABANE: waxey degan yihiin “AW-DHEEGLE” oo ka tirsan gobolka Shabeelada hoose.

BARBAARE: waxa ay degan yihiin degmada WALA-WEYN “DAAFEED”.

Halkan waxaan ku soo koobney caruurtii Cadde Mirifle iyo meesha ay ku kala nool yihiin, waxaan hadana guda galeynaa caruurta uu dhalay Madoobe Mirifle Mahamed Reewing.

Madoobe Mirifle: waxa uu dhalay laba wiil oo la kala yiraahdo:
1} Ali Eelaay
2} Dhergane

A} Eelaay Madoobe Mirifle Maxamed Reewing (Rax weyn): sida la wada ogsoon yahay Eelaay waa kan ugu caansan caruurtii Ciise, sababtuna waxa ay tahay waxaa u duceeyey Imaamkii la oran jiray Imaam Sheekh Xaaji Muumin Cabdullaahi oo ku aasan dagmada Buur Hakaba. Waxaa kaloo taa u dheer ishaaradii Sheekh Xaaraan Ma-daare, taasoo aheyd isaga oo u soo martiyey ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen ayna karaameeyeen, wuxuuna Sheekhu ku yiri laba mid doorta oo aan idin ku duceeyo.

B} In ay idin dhashaan boqol wiil.
T) Ama boqol rag ah oo wata warmahooda oo adinka idinku soo biira.

Eelaay waxey doorteen inuu ugu duceeyo in boqol rag ah oo warmahooda wata inay ku soo biiraan, marka Eelaay sidaa bey waxey ku noqdeen Sayidul Qabiil. Waxeyna degen yihiin “Buur Hakaba iyo Baydhaba agagaarkeeda. Sidaan ku arki doono markaan gaarno Begedi caruurtiisa oo afar ah, seddex ka mid ah waxa ay ku biireen Eelaay.

B} Dhergane Madoobe Mirifle Maxamed Reewing( Rax weyn ): waxuu dhalay sideed caruur, laba ka mid ah ayaa waxa ay noqdeen kuwa tarmay oo iskooda u taagan, lixda kalana waa kuwa aan tarmin oo waxey ku biireen qabaa’ilada kale. Caruurtii Dhargane Madoobe Mirifle waxa ay kala yihiin:

1} Hinjinle
2} Hariin

Lixda kalena waxa ay ku biireen qabiilo kale waxaana magacyadooda la yiraahdaa:

3} Dhimbile: wuxuu ka mid noqday laf ka mid ah Hariin
4} Gibili: wuxuu ka mid noqday Disow, ayaga waxa ay u yaqaanaan Habar Gubul.
5} Oor midooli: waxey ka mid noqdeen Eemid
6} Goorbilib: waxey ka mid noqdeen Dabare
7} Han-qaafoow: waxey ka mid noqdeen Reer Dumaal
8} Han-qaasow: waxey ka mid noqdeen Macalin Weyne

Labada la kala yiraahdo Hinjinle iyo Hariin, Hariin ayaa waxa uu noqday mid weli taagan oo wata magaciisa , waxaase tarmay Hinjinle.

A) Hinjinle Dhergene Madoowe Mirifle Maxamed Reewing(Rax weyn), caruurtiisa waxey ahaayeen todoba, afar ka mid ah waxaa la isku yiraahdaa Boqol Hori, todobadana waxaa la kala yiraahdaa:

1} Disoow: asalkiisii hore waxa uu degenaa “Godowni” oo ka tirsan gobolka Bakool.
2} Qoomaal: waa la mid
3}Eemid: waa la mid
4}Yalali: waa la mid
Afartoodan waxaa la isku yiraahdaa Boqol Hori

5}Haraaw:
6}Bari: macnaha magacan waa Barax, waana yaraanka Hinjinle.
7}Daa’uud: oo aanan xusi karin faraciisa
Caruurtii Hinjinle waxey u kala baxaan afarta la isku yiraahdo Boqol Hori, oo ah kuwa ilaa iyo hada jira oo macruufna ah.

Haraaw: oo isagana weli jira, tarmayna, afar wiil oo uu awoowe u yahayna ay caan ku yihiin gudaha DigilMirifle, afartaas oo la yiraahdo afar Reer Bay, anaga ayaana magacyadooda xusi doono.

Hinjinle duqoobay ayuu isugu yeeray lixdiisa caruur, waxa uuna ku yiri ha la igu daro gabar, waayo weli jirkeyga waxaa ku jira xoog yar, caano iyo biyo la isku daray, ALLAAH waxaan ka rajeynaayaa inuu wax Riga dhigo.

Wiilkiisii Haraaw ayaa gabar u guuriyey, markiiba waxey u qaaday uur, waxeyna u dhashay wiil, kaasoo loo bixiyey Bari oo u taagan ama la macno ah barax. Wiilka la yiraahdo Bari caruurtii uu dhalay waxey qaarkood ku biireen Disoow oo adeerkoodna ahaa, qaarka kalena waxey ku biireen Leysaan, sidaas ayeyna u qeybsameen ilmihii Bari oo ma noqon qabiil gaar ah ama iskii u taagan oo magac wata.

Haraaw oo ka mid ahaa wiilashii Hinjile ayaa wuxuu dhalay laba wiil oo la kala yiraahdo:

1} Lawli
2} Garjeeli.

A) Garjeeli waxa uu dhalay seddex caruur ah, kuwaasoo la kala yiraahdo:

1} Garseed
2} Xasan
3} Irir

A) Garseed wuxuu dhalay afar caruur ah, kuwaas oo la kala yiraahdo:

1} Macalin weyne
2} Reer Dumaal
3} Jiroon
4} Garwaale Afartan waxaa la isku yiraahdaa afar Reer Baay

Hinjinle faraciisa waxaa ka soo baxay toban qabiil oo waaweyn, kuwaasoo weliba caan ah, lagana yaqaano gudaha qowmiyadda DigilMirifle, waxeyna kuwaasi kala yihiin:

1} Disow
2} Qoomaal
3} Eemid Afartan waxaa la isku yiraahdaa Boqol Hori
4} Yalal

5} Macalin Weyne
6} Reer Dumaal
7} Jiroon
8} Garwaale Afartana waxaa la yiraahdaa afar Reer Baay

9} Haraaw: oo uu afarta Reer Bay u yahay awoowe

10} Bari: oo uu ku biiray Disow iyo Leysaan.

Anigoo intii badneyd soo bandhigay ayaa waxaan jeclahay hadana inaan si fiican u soo koobo intii ii hartay, anigoo weliba tusaalooyin ka bixin doono qabiil walba sida ay abtirsiimadiisu tahay iyo qof walboo DigilMirifle ah meesha uu galayo, iyo weliba si ay ugu cadaato ama uu u fahmo ruux walba oo buugan akhrisanaaya, waxaana tusaale u soo qaadaneynaa laba qabiil abtirsiimadooda, kuwaas oo kala ah Jilible iyo Jiroon.

Jilible iyo Jiroon waxay u abtirsanayaan sidatan, qabaa’ilada kalena la mid:

1} Jilible Ceel qode, Warantable, Subuge, Dab, Omar Diin (Galadi) Khuduub, Fiqi Cumar, Fiqi Shamsi, Fiqi Maxamed, F.Yoonis, F.Yusuf, F.Muxamed, F. Cumar, F.Yacquub, F.Yaxye, F.Ciise, F. Muuse, F. Zakariye, Yatiim, Jamalu-diin, Maxamed, Cabdullahi, Maxamed, Abubakar Al-Siddiiq (RALIYA LAAHU CANHU).

2} Jiroon, Garseed, Garjecle, Haraaw, Hinjinle, Dhergane, Madoobe, Mirifle, Maxamed Reewing (Raxweyn), Sifir, Kalmuge, Talmadar, Sheekh Max’ed Digil, Daysan,Cumar, Ciise, Axmed, Fiqi Yoonis, Fiqi Yusuf, Fiqi Muxamed, Fiqi Cumar, F.Yacquub, F.Yaxye, F.Ciise, F. Muuse, F. Zakariye, Yatiim, Jamalu-diin, Maxamed, Cabdullahi, Maxamed, Abubakar Al-Siddiiq (RAILYA LAAHU CANHU).

Intaa waa tusaalihii abtirsiimadii DigilMirifle, qofkii yaqaana wuu yaqaanaa kaan aqoonina sidaa u baro.

Intaa waxaa ku dhamaaday abtirsiimadii caruurta Max’ed Reewing (Rax-weyn) mid ka mid ah kaas oo ah Mirifle, waxaana harsan sedexda kale oo la kala yiraahdo Caleemo, Jambaluul iyo Begedi.

A) Caleemo: waxa uu dhalay laba wiil oo lakala yiraahdo:

1} Kasaanle Weyne
2} Kasaanle Yare

Kasaanle Weyne: magaciisu waa Erdho, Kasaanle Yarana magaciisu waa Hiifmuge, labadaba hada waxey ka tirsan yihiin Digil oo si gooni ah waxey ka mid yihiin Shanta Caleemood, waana laba ka mid ah shantaas qabiilood oo la isku yiraahdo Shanta Caleemood.

Magaca Shanta Caleemoodna waxa uu ka yimid odeyga la yiraahdo Caleemo Max’ed Reewing (Rax-weyn).

B) Jambaluul: waxa uu dhalay Magalaan iyo Madi Gesi, waxeyna degaan Daafeed.

C) Begedi: wuxuu dhalay afar wiil oo la kala yiraahdo.

1} Maxamed
2} Hasan
3} Cali
4} Jibriil

A) Maxamed: Caruurtiisa waxa ay degan yihiin degmada Aw-Dheegle

Sedexda kalena waxay ku biireen Eelaay sidaan horeba u soo sheegnay, waxeyna degan yihiin Buur Hakaba.

Hasan iyo Cali caruurtooduna waxa ay wataan magacii awowgooda Begedi, waxeyna la degan yihiin Waraasili.

Caruurta Jibriilna waxa ay la degan yihiin Bo’horaad.

Hadaan in yar wax ka iraahdo sababta igu keliftay inaan qoro abtirsiimada DigilMirifle waxa ay tahay anigoo soo maray wadamo badan oo aduunka ka mid ah aan ka aheyn Asiya (Asia) iyo Austaraaliya (Australia), lana soo kulmay dad badan oo DigilMirifle ah, kuwaas oo aan aqoon abtirsiimadooda taasna ay ugu wacan tahay waaliddiintooda oo aan haba yaraatee barin abtirsiimadooda, waxaa taasna u sii dheer tashwiish ay ku fureen dadka u dhashay lahjadda Mahaatiri, tashwiishkaas oo salka ku hayo si ay u kala qeyb- qeybiyaan DigilMirifle, ka dibna ay dhaxlaan dhulkooda ayagoo iska dhigaayo iney hal meel ka soo wada jeedaan iskuna abtirsadaan, waxaana taa daliil u ah anigoo arkay qof Mirifle ah oo aan kula kulmey Waqooyiga Ameerika oo uu sheeganaayo Daarood.

Waxaan sidoo kale kula kulmay Galbeedka yurub “West Europa” qof Digil ah, kaasoo aan is wareysaney anagoo weliba ku wada hadleyno luqadda May-maayga, ruuxaas oo igu yiri anigu ma ihi Rax-weyn, markaana aan ku iri halkee u kala wadaa DigilMirifle, waxaana ku iri Mirifle sow caruurtii Digil ma aha? Waxaan kaloo ku iri ayadoo aan Digil la oran Mirifle ma la oran karaa?. Ninkii wuu gareystay, xiriir ayaana yeelanay, waana qof aan isku abtirsano, laakiin aan isaga abtirkiisa wax fikrad ah ka heysan. Aniga hada laba tusaale keliya ayaan soo qaatay ee waxaa ka badan inta ka xishooneysa iney sheegtaan DigilMirifle, sabatuna waxa ay tahay maba garanaayaan abtirsiimadooda. Waxaan kuwaasi leeyahay ha xishoonina, idinkaa dhalad ahee oo la idin yimid, marka ogaada ninka idin yimid baa shaki ku jiree.

Abtirsiimada Mirifle waxaan u kala saareynaa laba qeybood, oo kala ah meesha uu Mirifle ka yimid iyo faraciisa sida ay kala yihiin ama u farcameen.

Mirifle: Waxaa dhalay Reewing, Miriflaha waxaa la dhashay seddex wiil oo la kala yiraahdo Caleemo Reewing, Begedi Reewing iyo Jambaluul Reewing, Aabihii Reewing waxaa dhalay Sifir, Sifir-na Kalmugi, Kalmugi-na Talmadar, Talmadar-na waxaa dhalay Shiikh Maxamed.

Shiikh Maxamed oo awoowe afaraad u ah Mirifle am Reewing waxaa la dhashay lix wiil, waxaana todobadoodaba dhalay odeygii Digil.

Lixda wiil oo Sheekh Maxamed la dhalatay waxaa la kala yiraahdaa:

1) Ali Digil (Jiiddo)
2) Mataay Digil (Dabare, Iroole)
3) Cumar Digil (Garre)
4) Ciise Digil (Tuni)

5) Cusmaan Digil (Duub dheere): wuxuu asaga ku biiray Hariin iyo Dabare
6) Digiin Digil: waxa uu faraciisa oo dhan degan yihiin Iimay, Itoobiya.

Odeyga Digil waxa uu ku sii abtirsadaa Ciise, Ciise-na waa awoowaha labaad ee Digil, waana sidan abtirkiisu:-

Aw Digil, Deysan, Cumar, Ciise, Axmed,

Ciise-na waxa ay wada dhasheen oo ay isku aabe yihiin Cusmaan, aabahoodna waa Axmed

Inta aan kor ku soo sheegnay waa meesha uu Mirifle Reewing ka yimid, hadana waxaan wax ka taabaneynaa sida uu Mirifle Reewing u farcamay, anagoo weliba kala saareyno dadka ay wada dhasheen iyo ruuxa waalid ahaa iyo ruuxa wiilka ahaa.

Mirifle Reewing waxa uu dhalay laba wiil oo kala ah Cadde iyo Madoobe.

Cadde Mirifle Reewing waxa uu dhalay lix wiil oo la kala yiraahdo:

1}Quraabane Cadde
2}Barbaar Cadde
3}Daawane Cadde
4}Qorlabi Cadde
5}Heledi Cadde
6}Yantaar Cadde

Madoobe Mirifle Reewing waxa uu dhalay laba wiil oo la kala yiraahdo:

1}Cali Madoobe (Eelaay)
2}Dhargane Madoobe

Eelaay iyo Dhargane waxaa adeer u ah Cadde, waxeyna ilmo adeer ay yihiin caruurta Cadde.

Eelaay-na waaba la yaqaan waa aabihii Reer Mirifle Reewing.

Dhargane Madoobe waxa uu dhalay asagana laba wiil oo la kala yiraahdo:
1}Hariin
2}Hinjinle:

Labadan wiil waxaa adeer u ah Ali Eelaay, waxaa kaloo adeer labaad u ah caruurta Cadde sida: Heledi iyo Yantaar.

Hinjinle waxa uu dhalay todoba wiil oo la kala yiraahdo:

1}Disoow Hinjinle
2}Qoomaal Hinjinle

} Eemid Hinjinle
4}Yalali Hinjinle
5}Haraaw Hinjinle
6}Bari Hinjinle
7}Daa’uud Hinjinle

Bari Hinjinle waa Leysaan Bari, Daa’uud-na lama hayo faraciisa.
Caruurtan Hinjinle waxaa adeer u ah Hariin, waxaana awoowe u ah Eelaay.
Disoow, Qoomaal, Eemid, Yalali, (Hinjinle) waxaa la isku yiraahdaa Boqol Hori.

Haraaw Hinjinle waxa uu dhalay laba wiil oo la kala yiraahdo Lawli iyo Garjeele, waxaana adeer u ah dhamaan caruurta Hinjinle oo ah awoowgood Garjeele Haraaw kaas oo uu dhalay sedex wiil oo kala ah Garseed, Hasan iyo Irir. Wiilashan waxaa awoowe u ah Haraaw, waxaana adeer u ah Lawli.

Garseed Garjeele Haraaw waxa uu dhalay afar wiil oo la isku yiraahdo: Afar Reer Baay, waxa ayna kala yihiin:

1) Macalin Weyne
2) Reer Dumaal
3) Jiroon
4) Garwaale.

Afartan ugu danbeeya ee sil-silsiladda faricii Sheekh Mahamed Digil ee kala ah Macalin weyne, Reer Dumaal, Jiroon iyo Garwaale, isla markaana ah kuwa ugu da’da yar waxaa la isku yiraahdaa Afar Reer Baay.

Reer DigilMirifle waxaan ka soo sheekeynay meesha ay ku abtirsadaan oo aheyd laba qof, DigilMirifle, qabiilada qowmiyadda DigilMirifle todobo ka mid ah waxey ku abtirsadaan Cumar Diini oo ahaa Imaamkii guursaday gabadhii Aw Digil oo la oran jiray Caasha bintu Caleema Maxamed Digil, inta soo hartayna waxay ku abtirsadaan odeygii Aw Digil oo uuna dhalay 7 wiil oo laba ka mid ah mid uu degan yahay Iimeey, Itoobiya, meeshaasna uu ku tarmay ayna tarankiisu ilaa iyo hada degan yihiin, midna faraciisa wuxuu ku dhex darsamay Hariin iyo Dabare.

Shanta soo hartayna afar ilaa iyo hada waxaa loo yaqaanaa Digil, midka todobaadna waa kan ay ka faracmeen dadka loo yaqaan hada Mirifle, qofka ay ka soo faracmeena waxaa la yiraahdaa Sheekh Maxamed Digil, faraciisuna waan idin soo sharaxay, hadana looma baahno inaan dib u sharaxo.

Umadda DigilMirifle waxa ay u qeybsameen laba qeybood, qeyb waxa ay heystaan magacii awoowgood oo ahaa Aw-Digil lana yiraahdo Reer Digil, qeybta kalena ay qaateen Mirifle oo ahaa wiilkii Reewing, Reewing-na awowgiisu waaba Sheekh Maxamed Digil.

Qowmiyadda DigilMirifle sidaa ayey walaalo u yihiin waxeyna ka soo wada jeedaan hal odey waana odeyga Aw-Digil.

“””Kuwa taariikhda beenta ka qora ayaa iska dhaadhiciyey in ay marin habaabiyaan qowmiyadan DigilMirifle, ayna ahaayeen kuwii soo dhaweeyey, dejiyeyna dhulkooda. Waxaan leeyahay kan soo fara gelinaayo abtirka qowmiyaddan DigilMirifle marka hore soo sax taada oo meel isa soo saar, hadii kale waxaad wadaa “intaan adiga wecel lagu dhihin dadka kale wecel dheh”, hadaadan isa soo cadeyna anagaa ku caddeyn doona”””.

Waxaan kaloo rabaa in aan sii kala dhig-dhigo Miriflaha, asagoo u kala baxaaya Sagaal iyo Sideed, sagaalka iyo sideedana ay ugu kala baxeen sida ay u kala degen yihiin, inta isla degtaaba loo yaqaan ama ay leedahay magac lagu garto, waxaan arintaa ku bayaaninaynaa qoraal iyo muujin gaaban si loo wada fahmo.

Hadaan ku horeysiino Sideeda, Sideedu ma aha Sideed qabiil oo keliya ee magaca uun ayaa sidaa noqday, in badan oo Soomaalida ka mid ah waxey u fasirteen oo ay ka dhigaan Sideed qabiilood, hadaba arintu sidaa ma’ahee ee ogow in ayan aheyn sideed qabiilood ee waa sidan soo socota:

Siddeed:

1) Eelaay
2) Hariin {Sedexdaan waxaa la isku yiraah Sedi Boqol dembi}
3) Helledi

4) Disoow
5) Eemit
6) Qoomaal {Afartaan waxaa la isku yiraah Afarta Boqol Hori}
7) Yalali

8) Jiroon
9) Garwaali
10) Reer Dumaal
11) Macalin Weyne { Afartaan waxaa la isku yiraah Afarta Reer Baay}

12) Haraaw
13) Leysaan Lami Harqaan

14) Waanjal

Asharaaf oo ay ka wada dhaxeyso {Digil iyo Mirifle}.

Sagaal:

1) Hadami
2) Luwaay {Labadaan waxaa la isku yiraah Lami Baroosili}

3 ) Jilible
4 ) Geelidle {Labadaan waxaa la isku yiraah Lami Ceelqode}

5 ) Hubeer
6 ) Yantaar {Labadaan waxaa la isku yiraah Lami Dhaa}

7 ) Gasaar Gude
8 ) Gawaawiing
9 ) Eeyli {Sedexdaan waxaa la isku yiraah Sedi Ganaani}
.

Sidaas ayey kala yihiin Sideed iyo Sagaal (Mirifle) oo weliba inta isla degtayba magacyo loo bixiyey, waloow ay ku jiraan kuwo isku aabo ah sida Afar Boqol Hori, Afar Reer Bay, iyo lami Eel-qodi, Afar Boqol Hori waxaa dhalay Hinjinle, waxaa kaloo la dhashay seddex wiil oo kale, kuwaas oo aan la degin, seddexda la dhalatayna waa Haraaw, Bari iyo Daa’ uud. .

Hadaan wax ka sheegno Digil dadka hada la isku yiraahdo waxey ka koobmaan todoba qabiil oo macruuf ah lana kala yiraahdo:

Shanta Caleemo, Begedi, Geledi, Garre, Dabare, Jiiddo iyo Tuni.

Todobadan la isku yiraahdo Digil, afar ka mid ah waxaaba dhalay oo aabe u ah odeyga Aw-Digil.

Sidaan hore u soo sheegnay Aw-Digil wuxuu dhalay todobo wiil, mid ka mid ah waxaan ku sheegney in uu degey Iimeey, Itoobiya. Midna uu ku biiray Hariin iyo Dabare, midna uu ahaa Shiikh Maxamed oo ka farcameen umadda la yiraahdo Mirifle afarta soo hartay waxa ay yihiin:

1) Garre oo magaciisa ahaa Cumar (Garre)
2) Dabare oo magaciisu ahaa Mataay (Dabare, Iroole)
3) Jiiddo oo magaciisu ahaa Cali (Jiiddo)
4) Tuni oo magaciisu ahaa Ciise (Tuni)

Sedexdan kale oo hada ku todobada ah waa faraca Sheekh Maxamed Digil oo la walaalo ah, afartan korena ay isku aabe iyo hooyaba yihiin, hadase waxey ku biireen qolada loo yaqaano Digil. In kastoo awoowgooda ay ku abtirsadaan yahay Aw-Digil.Waxaana muujineynaa sida ay u degan yihiin aan ku biloowno Shanta Caleemo:

1) Shanta Caleemo oo ka kooban shan qabiil oo kala ah:

Jambaluul
Hiifmuge
Erdhi Intoodaba waxey deggen yihiin Shabeelada hoose gaar ahaan
Barbaare
Hubeer magaalada Daafeed waana beeraley iyo xoolo dhaqato

2) Mataay oo uu dhalay Dabare iyo Iroole oo ay degan yihiin Diinsoor iyo Dooy, badankooduna waa beeraley iyo xoolo dhaqato.

3}Cumar Digil waxa uu dhalay Garre, garahana wuxuu u kala baxaa labo kuwaas oo kala ah:

A}Tuuf
B}Quraanyoow

Waana xoolo dhaqato deegaankiisuna waa shan Garre oo ka tirsan degmada Aw Dheegle iyo degmada Daafeed (Wanle Weyn).

4) Cusmaan Digil caruurtiisa waxa ay ku faafsan tahay Hariin gudihiisa iyo Dabare, waxaana loo yaqaan Duub ama Duub Dheere, badanaa caruurta Cusmaan Digil waxa ay dagen yihiin Iimeey oo ku taal Itoobiya.

5) Digiin Gigil waxa ay dagen yihiin degmada Iimeey ee Itoobiya, wadankeena gudihiisna maba joogaan qof qof mooyee.

6) Ali Digil waa qolo caan ah oo loo yaqaan Jiiddo, waxeyna u kala baxaan laba oo kala ah:

a. Sifri
b. Wiji

Waana dad xoolo dhaqato ah, waxeyna dhaqdaan lo’da, waxeyna degen yihiin gobolka Shabeelada Hoose, waxeyna caan ku yihiin cilmiga xidigaha.

7) Ciise Digil waa qolo macruuf ah oo laga yaqaan dhulka Soomaalida oo dhan, waxaana loo yaqaan Tuni (oo lagu naaneeso BAAJUUN), waxayna u kala baxdaa shan, shantaasna waxaa loo yaqaan Shan Gamaas, magacyadooduna waa sidan:

1) Wariili
2) Dacfaraad
3) Daaq-Tiro
4) Gooy-Gaay
5) Hayuubi

Waxeyna wada degan yihiin degmada Baraawe, Kismaayo iyo Jubada hoose, Jubada Dhexe oo dhan iyo agagaarkeeda, waana beeraleey.

Fiiro gaar ah: Caruurta Maxamed Reewing oo aheyd afar wiil oo ay kala dhaleen laba gabdhood oo walaalo ah, lana kala oran jiray:

Degey Macalin Sabdhoow
Dawraw Macalin Sabdhoow

Maxamed Reewing waxa uu hor guursaday Degey Macalin Sabdhoow oo u dhashay labada wiil oo lakala yiraahdo:

1) Mirifle Maxamed Reewing
2) Caleemo Maxamed Reewing

Labadan wiil hooyadood markey dhimatay, aabahood wuxuu guursaday gabadhii ka yareyd, taasoo labadaa wiil u aheyd habar yar, lana oran jiray Dawraw Macalin Sabdhoow, taasoo Maxamed Reewing xigsiisan ahaan loogu guuriyey, waxeyna u dhashay labo wiil kale, kuwaas oo la kala yiraahdo:

3) Bagadi Maxamed Reewing
4) Jambaluul Maxamed Reewing

Afarta wiil ee uu dhalay Maxamed Reewing ee la kala yiraahdo:

1) Mirifle
2) Caleemo
3) Begedi
4) Jambaluul

Waxaa abti uu ah Garre, sababtoo ah Maxamed Reewing gabdhaha caruurtan u dhaleen waxa ay ahaayeen Garre.

Taariikhdan waxaa diyaariyey oo qoray culimada Reer Digil, kuwaas oo aad iyo aad loogu kalsoonaa, anigana waxaan raacay jidkii ay jeexeen, waxaana runtii ku sameeyey baaritaan aad u dheer, waxaana ugu dambeyntii aan helay dhabtii jirtay markaas ayaana door biday in aan u soo gudbiyo qowmiyadda DigilMirifle ku abtirsata ee dhibaateysan, kana dhibaateysan abtirsigooda, ayagoo hadba dhan loo jiido ayna garaneyn sida loo abtirsado ayna noqdeen dad lagu tartamo qeybsigooda.

Hadaba anigoo dib ugu noqonaaya tusaalihii aan ka soo bixiyey abtirkii labadii qabiil ee aan soo qaatay, hadana waxaan xoogaa faah-faahin ka bixin doonaa tusaalihii, anigoo weliba soo qaadanaya qabiilka Jilible iyo sida uu yahay abtirkiisa, waana sidan hoos ku cad:

Jilible, Ceel qode, Jarsame, Minjamaaye, Raafil, Warantable, Subuge, Dab, Cumar-Diini, Khuduub, F.Cumar, F.Shamsi, F.Maxamed, F.Yoonis, F.Yusuf, F.Muxamed, F. Cumar, F.Yacquub, F.Yaxye, F.Ciise, F. Muuse, F. Zakariye, Yatiim, Jamalu-diin, Maxamed, Cabdullahi, Maxamed, Abubakar Al-Siddiiq.

Ruuxa Jiliblaha ah sidaas ayuu u abtirsanaayaa, inta Jilible ka hooseeyso ilaa laga soo gaaro magaciisa, asaga ayaa ka mas’uul ah raadinteeda, anigu xilkeyga waa uun wixii Jilible ka koreeya, ruux walbana waa inuu isku taxluujiyaa siduu u dhameystiran lahaa abtirkiisa uuna isaga iska bilaabo gaarsiiyana meesha uu ka soo jeedo, aniga oo ah qoraaga Abtirkan DigilMirifle, aniga ayaa iska bilaabi doono, qof walbana waa inuu sidaas sameeyaa Inshaa ALLAAH, yuusanna is oran waa la dhameeyey abtirkaaga oo kaamil ah, ee lama dhameyn ogow, weli waxaa dhiman ilaa adiga lagaa soo gaaro, intaasna qof walbaa asaga ayaa u xil saaran, wuxuuna u abtirsan karaa laba siyood, mid waa asagoo kor ka soo bilaaba, midna waa asagoo ka bilaabo magaciisa ka dibna ku xijiyo aabihiis ka dibna kusii xijiyo awoowihiis, saana ku wado ilaa laga gaaro meesha uu galo qabiilkiisa.

Reewing (Raxaweyn) waxa ay ku maahmaahdaa “Ajuusi Tiriyaase Aada Ku Bilaaw” taaso oo aan ula jeedo in aan aniga iska bilaabo abtirka maadaama aan aniga wado sheekadan abtirka ah.

waxaan soo kala dhig dhigay qabaa’ilada DigilMirifle, hadana laga rabo inuu abtirsado ruux walbo oo DigilMirifle ah, anigana aan ahay qof u dhashay DigilMirifle. Waxaan runtii soo xusuustay maahmaahdaas ka dibna aan go’aansaday inaan iska bilaabo aniga abtirkayga, abtirkeygana waa sidan hoos ku qoran:

Ugu horeyntii magaceyga waxaa la yiraahdaa Isaaq Aadan Xasan
(Isaak Doolow). Waxaana bilaabayaa Abtirsiimadeyda waana sidan soo socota:

Marka hore waxaan ahay nin Mirifle ah, waxaana ka ahay Jiroon, Jiroona waxa ay u kala baxdaa labo qeybood oo kala ah:

Shang (5) Rireeji iyo Lami Garwaali.

Waxaan Jiroon ka ahay Laami Garwaali, kuwaas oo kala ah Maadey iyo Masuusi, labadan waxaan ka sii ahey ahay Maadey, Maadey-guna waxa uu ukala baxaa Sedex kuwaas oo kala ah

1) Riinle Maadey
2) Shaabey Maadey
3) Kulmis Maadey

Anigana waxaan sedexdan ka sii ahay Riinle Maadey, sida soo socto ayaana u abtirsadaa:

Isxaaq Aadan Xasan Maxamed Cali Maxamed Aadan Iyaanle Sheekhow Riinle Maadey Jiroon Garseed Garjeele Haraaw Hinjinle Dharggene Madoobe Mirifle Reewing(raxweyn) Sifir Kalmuge Talmadar Sheekh Maxamed Digil Deysan Cumar Ciise Axmed Maxamud, F.Yoonis, F.Yusuf, F.Muxamed, F. Cumar, F.Yacquub, F.Yaxye, F.Ciise, F. Muuse, F. Zakariye, Yatiim, Jamalu-diin, Maxamed, Cabdullahi, Maxamed, Abubakar Al-Siddiiq (RALIYA LAAHU CANHU).

Sidaas ayaan u Abtirsadaa, qof walbana sidaas oo kale ha isugu taxlujiyo, si aan tashwiish laguugu abuurin oo aadan haye raac noqon ama aadan is dhihin sidee u Abtirsataa?.

Aniga oo ah Jiroon, ka sokoow Maadey, ka sokoow Riinle, ka sii ahay Reer
Aw-Sheegow hadana waxaa la inoo yaqaanaa Reer Aw-Hasing, kaas oo ahaa awoowgeen.

Waxaan kaloo leeyahay ruuxii ah Reer Aw-Hasing sideyda oo kale ayuu u Abtirsanaayaa, wuxuu ku darayaa keliya Magaciisa iyo kan Aabihiis. Qeybaha kale ee Jiroonta ah waxaan dabcan isugu imaaneynaa Jiroon. Laga bilaabo Jiroon sideyda oo kale ayey u Abtirsanayaan. Intaas waxaan ooga baxayaa Abtirsigeygii, sidaas ayaana uga baxsaday maahmaahdii Reewing “‘Reegay’” ee aheyd “Ajuusi tiri aadani ku biloow”.

Nin walbana haka bilaabo Abtirsigiisa, hana sugo asagoo raacaaya silsilada qabiilkiisa uu ku jiro.

Culimada Abtirsiimada DigilMirifle qorey waxaa ka mid ah, Dr: Hussein Musse Abdi iyo Sheekh Mohamed Omar Al-jambaluuli.

Waxaan kaloo farayaa qof walba oo u dhashay DigilMirifle uu raadsado inta ka harsan Abtirkiisa iyo sida uu u kala baxo, Tusaale: Mirifle, Eelaay: wuxuu u kala baxaa (3) Sedy Gember:-

1) NAASIYI
2) BO`HORAAD
3) GEED FADI

Tusaale kale oo mid Digil ah: TUNNI: Waxay u kala baxdaa oo loo yaqaan (5) shan Gamaas

1) WARIIRLI
2) DAAQ-TIRO
3) GOOY-GAAY
4) DAL-FARAAD
5) HAYUUBI

Labadan tusaale waxaa ay qof walba oo DigilMirifle ah tuseysaa in uu helo qabiilkiisa inta jilib ee uu u kala baxo, qofkaan raadsan karin hanala soo xiriiro, waa loo heli doonaa.

Waxaan kaloo isku dayeynaa in aan qorno taariikh goos-goos ah oo ku saabsan habka (Daarood) ay u soo galeen dhulka DigilMirifle, anagoo ka soo xiganay culimadeena DigilMirifle aana ku xoojinay buugaag ay qoreen shisheeye Reer Galbeed ah oo aan aheyn kuwo u kala eexda, ama been ka sheega taariikhda Soomaaliya, lagana heli karo meel Soomaliya ka baxsan sida:- Auckland Puplic Libraries, oo ku yaal dalka Newzealand.

6 Responses to “BARO: ABTIRSIIMADA IYO TAARIIKHDA QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE”

  1. Rsq Ali Says:

    mahadsanid bro

  2. mohamedsamir Says:

    waa mashaAllah aad u mahadsanid

  3. raxmo xassan Says:

    mashaallah

  4. raxmo xassan Says:

    waxan rabi laah inad igu kalmese erdho itu uka baxa.

  5. raxmo xassan Says:

    waxa ahay erdho lkn waxalaidahe rer ciise ayad kasi taha lkn wax maigi fafahin karta walal

  6. abdi Says:

    maashaa allaaah wlhi ninkaan soo qorey abtirsiimadaan waa nin taariikhyahan ah baaritaano badan aan sameeyey waxyaabihii aan kala kulmey ayaa ku cad qoraalkaan tusaale ahaa waxaan arkey hada ka hor taariikhda soomaali gaar ahaan dadkii daganaa zoneka wabiga jubba nin boortaqiis ahaa xiligii axmed gurey ay la dagaalamaayeen ayaa wuxuu qorey magacyada qabaailkii deganaa waxaa kamid ahaa MATAAY, DUBDHEERE WARAASILE, mida kale aan ku arkey walaalkey qoraalkiisa waxaa kamid ah qabiilka layiraahdo GURRE oo degan ethiopia waxey ku abtirsadaan DABARRE qabiilka GARIIRE isna waxey ku abtirsadaan HARIIN

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 49 other followers

%d bloggers like this: