Archive for the ‘Uncategorized’ Category

Ninkii isku qarxiyay Hotel Shamow

December 10, 2009

Ninkii isku qarxiyay Hotel Shamow oo lagu magacaabo Mohamed Khaliif,ugana dhiibnaa dalka Denmark Abdi rashiid Artan ayaa markii ugu horeysay waxay Warbaahinta Denmark baahisay Wareysiyo ay la yeelatay inta uusan dalkaas ka bixin ka hor.

Halaagaha u dhashay Somalia wuxuu Denmark ka baxay sanadkii 2008,isagoo degay Magaaladda Markko ee gobolka Shabeeladda dhexe.
Hooyadda dhashay Wiilkaan oo lagu magacaabo Sahro Abuukar ayaa tiri” Wiilkeeyga waxaan mar Somalia u geeynay dhaqan celis,wuxuu ka mid noqday Ciyaalka daroogada aadka u isticmaala ee Denmark,waxaan rumeeysnahay in isqarxintiisa ay ku lug leedahay xaaska uu qabo oo isaga ka fudeed iyo xagjirnimo badan”

Xaaska uu ka dhintay ninka is qarxiyay oo Marko looga yaqaan Jiija Abokar ayaa tiri” Ninkeeyga wuu nool yahay ma dhiman ,wuxuu joogaa alla agtiis,wuxuuna fuliyay camal wanaagsan,ma dhiman oo waa Shahiid”

Gabadha uu ka tegay Mohamed Khaliif ama Abdi rashiid waxaa guursanaya Fuaad Mohamed Khalaf oo loo yaqaan ina Shongole,sida Waagacusub ay u xaqiijiyeen Saraakiisha Al-Shabaab.
Fuaad Shongole wuxuu heeystaa dhalashada Swedishka,wuxuuna Stockholm ka tegay sanadkii 2002

Wafdi oo hogaanimyo Sheekh Mahdi Cumar C/kariin oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Deegaanka Buura Dhuxulle oo saakay soo gaaray Degmada Waajid ee G-Bakool.

December 10, 2009

December 10, 2009 (Waajidpress) Wafdigani oo hogaanimyo SHeekh Mahdi Cumar C/kariin oo ka soo jeeda beelaha Digil & Mirifle oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Deegaanka Buura Dhuxulle oo saakay soo gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Wafdigana oo horkacayo waaliga walaayada Isalamiga ee gobolada Bay iyo Bakool Sheekh Mahdi Cumar C/kariin ayaa waxa ay saacado ka hor ay soo gaaraan degmada Waajid ee gobolka Bakool, iyagoona markii horey ka soo tagay deegaanka Buur Dhuxulle isla gobolkaasi Bakool oo maalmihii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen.

Wafdigana ayaa intii ay socdaalka ay ku soo jireen waxa ay soo mareen Gadar saalay, Caleemow iyo deegaano kale, iyadoona amaanka wadadaasi ay aheyd mid aad u wanaagsan, wafdigani ayaa hadda waxa uu joogaa gudaha Degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in wafdigani uu kulamo gooni gooni ah uu la yeesho maamulka Islaamiga ee Degmada Waajid, Ganacsatada iyo Odayaasha gobolka, walaw ay kulamo horey ula soo yeesheen intii ay soo marayeen deegaanada gobolka Bakool qaar ka mid ah.

Hadafka ugu weyn ee wafdigani uu u yimid degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa waxa ay tahay sidii ay uga wada hadli lahaayeen maamulka Islaamiga ee Degmada Waajid qaabkii ay maamulada ugu sameeyeen deegaanadaasi iyo waliba sidii sidoo loo ogaan lahaa qaabkii ay wada shaqeynayaan maamulada Islaamiga ee Halkaasi ka dhisana, iyo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa haddii ay jiraan qaladaad dhanka maamulka ah, iyo sidii loo ogaan lahaa wax qabadkii intii maamulkani la aas aasay.

Wafdiga oo uu horkacayo waaliga walaayada Islaamiga ee gobolada Bay iyo Bakool Sheekh Mahdi Cumar C/kariin ayaa ah markii ugu horeysay oo maamulka Xarakatul Shababul Mujaahidin ay booqasho ku tagayaan deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Bakool intii looga dhawaaqay maamulka Cusub ee iminka uu leeyahay gobolkaasi.

Ugu dambeyntii, wafdiga ayaa qaarkood waxa ay qaalbilsan yihiin qaabkii loo dhiibi lahaa ama loo bixin lahaa Zakooyinka, iyagoona horey u sheegay qaabkii loo bixin lahaa Zakooyinka, iyagoona loo sameeyey guddiyo loogu talagalay in ay Zakooyinkaasi ay ka soo aruuriyaan Dadka ganacastada,Xoolaleyda, dadka magaalada degan iyo dadka intiisa kale oo maalka heysta.

War Deg Deg ah: Dagaalo Dhimasho iyo dhaawac geystay oo mar kale ka dhacay Waqooyiga Muqdisho iyo Xarakada AL Shbaab iyo Xisbul Islaam oo guulo ka sheegtay dagaalkaasi.

December 10, 2009

Dagaalo Dhimasho iyo dhaawac geystay islamarkaana u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dhinacyada hubaysan ayaa maanta mar kale ka dhacay Waqooyiga Muqdisho iyadoo Xarakada AL Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ay guulo ka sheegteen dagaalkaasi.

Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal oo ku sugan qeybo ka mid ah degmooyinka waqooyi ee Magaalada Muqdisho dagaalka oo ahaa mid culus islamarkaana ay bar bar socdeen madaafiic ay is weydaarsanayeen labada dhinac ayaa waxaa uu dhacay agagaarka Hoteel Golobal iyo qeybo ka mid ah degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay ilaa labo qofood oo rayid ah waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 7 kala kuwaasi oo dhamaantood ku sugnaa Xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan halkaasi oo uu ku haleelay mid ka mid ah madafiicdii la isweydaarsanayay.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo la soo xariiray Idaacada Waajidpress ayaa waxaa ay sheegeen in ay weerar ku qaadeen Dekadda hore ee dekadda C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho waxaana ay sheegene in mid ka mid ah gaadiid dagaal ay kala wareegeen ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Sheekh Max’ed Cusmaan Caruus oo ah afhayeenka howlgalada Ururka Xisbul Islaam oo la hadlayay Waajidpress ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka maanta ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya islamarkaana ay ka dileen dhowr askari ayna ka gubeen mid ka mid ah gaadiidka dagaalka sida uu hadalka u dhigay.

War Deg Deg ah: Qarax ka qasaare geystay oo maanta ka dhacay Gaalkacyo iyo saraakiisha Puntland ee Garoowe oo sheegay in ay qabteen nin sita waxyaabaha qarxa

December 10, 2009

Qarax ka qasaare geystay ayaa maanta lala eegtay Shaqaale ajanabi ah dhexmaratay Magaalada Gaalkacyo iyadoo saraakiisha Puntland ee Garoowana ay sheegeen in ay qabteen nin sita waxyaabaha qarxa.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax miino uu maanta ka dhacay koofurta Magaalada Gaalkacyo kaasoo lal beegsaday gaari yar oo ay leedahay Shirkad Kaluumaysi oo lagu magacaabo Iidaan.

Waxaa ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay ilaa sedax ruux oo mid ka mid ah uu u dhashay wadanka Kenya halka labada kale ee Soomaalida uu mid ka mid ah ahaa ilaalada la socday gaariga qaraxa lala eegtay.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo qaaday isbitaalka Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda Caafimaad waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.
Axmed Baasto oo ah afhayeenka mid ka mid ah madaxweynayaasha Maamulka Galmudug oo Waajidpress la hadlayay ayaa waxaa uu ugu baaqay ciidamada amaanka Maamulka Galmudug in ay wax ka qabtaan dadka ka dambeeya falalka amaan darida ee ka jira Gaalkacyo isagoona uga digay dadka in aysan fiirsan waxyaabaha ka dhacay Magaalada si ay ugu foojignaadaan qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo kale.

Dhanka kale saraakiisha amaanka ee Maamul Goboleedka Puntland ee ku sugan Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen nin sitay waxyaabaha qarxa oo ay sheegeen saraakiisha amaanka in uu ka mid ahaa dadka falalka amaan dari ka wada Magaalooyinka waweyn ee Maamul goboleedka Puntland.

Gudoonka Barlamanka Soomaaliya oo sheegay in ruuxii ka dambeeyay qaraxii Muqdisho uu ka mid ahaa Caruurtii lagala cararay dagaalada Soomaaliya.

December 10, 2009

Gudoonka Barlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ruuxii ka dambeeyay qaraxii Magaalada Muqdisho uu ka mid ahaa caruurtii horay lagala cararay dagaalada Soomaaliya.

Gudoomiayah Barlamanka KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ugu horeyn shirkiisa ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dad iyagoo yar yar lagala cararay dhibaatad ka jirta dalka Soomaaliya haatan loo soo dhoofiyo wadanka Soomaaliya si ay isugu qarxiyaan taasoo uu ula jeeday qofkii ka dambeeyay qaraxii dhawaan ka dhacay hoteelka Shaamoow ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in ninkii dhawaan qarax ka geystay Magaalada Muqdisho uu ka mid ahaa dad iyagoo yar yar la qaaday gudaha Magaalada Muqdisho kuwaasi oo dalka dibadiisa lagu soo bar baariyay waxaana uu carabka ku dhiftay in ay saarneyd maskax shisheeye sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha ayaan carab baabin cid rasmiga ee uu ka tirsanaa ninkaani uu sheegay in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho isagoo kul cel celiyay in uu ahaa dhalinyaradii lagala cararay dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale gudoomiyaha Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in kulankii Barlamanka ee lagu balansanaa in 5-ta bishaan uu ka furmo magaalada Muqdisho uu u baaqday qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho isagoo sheegay in talaada soo socdota kulan ay isugu imaan doonaan gudiyada Barlamanka KMG si ay u iclaamiyaan xiliga Fahdhiga Barlamanku uu furmayo.

Allaha u naxariiste Cali Barduuro Xubintii u dambeysay Halgamayaasha SYL oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

December 10, 2009

Allaha u naxariisto waxaa dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ku geeriyooday Cali Xasan Cali oo ku magac dheeraa Cali Barduuro oo ahaa xubintii u dambeysay ee 13-kii dhalinyaro ee halgamayaashii SYL ee gobanimo doonka ahaa.

Cali Barduuro oo lugaha la galay da’da sagaashamaadka ayaa waxaa horay howlo caafimaad u joogay Magaalada Nairobi, inkastoo uu ka boogsooday, waxaana geeridiisa aheyd mid lama filaan ah.

Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Nairobi Maxamed Cismaan Edson ayaa xaqiijiyay geerida Halgame Cali Barduuro, isagoo sheegay in Marxuumka uu muddo ku sugnaa Nairobi oo horay caafimaad ahaan loogu keenay balse markii dambe ka bogsooday.

Cali Barduuro ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii hore, waxaana uu noqday Safiirada Soomaaliya u fadhin jiray Washington, Addis Ababa iyo dalkii la oran jiray Midowga Sofiyeed.

Waxaa uu ku dhashay Deegaanka EYL ee gobolka waqooyi bari Soomaaliya, ma cada taariikhda uu dhashay, hase yeeshee waxaa uu kaga soo tallaabay magaalooyinka Galkacyo iyo Muqdisho, isagoo ku soo waxbartay dalka Talyaaniga oo Kulyada Siyaasada uu uga soo baxay.

Allaha u naxariistee Cali Barduuro waxaa uu mudooyinkii u dambeeyay ku noolaa Degmada Khoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana uu ahaa halgamihii u dambeeyay ee ka noolaa dhalinyaradii SYL ee sanadkii 1943 la aas aasay.

War deg deg: Kooxo Hubeysan oo goor dhow ku dilay Magaalada Jowhar shaqaale ka tirsan Shirkada Farjano

December 10, 2009

Kooxo Hubeysan ayaa goor dhow Bartamaha Magaalada Jowhar ku dilay shaqaale ka tirsanaa Shirkada biyaha siisa Magaalada ee Farjano, iyadoo kooxaha dilay ay cagta wax ka dayeen.

Ninkan la dilay ayaa lagu magacaabaa Saciid Axmed Xuseen Gurey oo loo yaqaanay Saciid Jilbool waxaana uu ahaa sarkaal ka tirsan Shirkada Farjano, waxaana la sheegay in dhowr xabadood ay madaxa kaga dhifteen Dhalinyaro ku hubeysan bastoolad.

Ma cada ilaa iyo hada sababta loo dilay, iyadoo dilkan uu ka dhigayo kii labaad oo ka dhaca Magaalada Jowhar muddo bil haatan laga joogo.

Kooxda Shabaab oo ka talisa Magaalada Jowhar ayaa wali wax war ah ka soo saarin dilalka ka soo cusboonaaday, waxaana magaalada ku soo batay kooxo hubeysan oo dadka ugaarsada, kuwaasoo aan la ogeyn siyaasada ka dambeysay qorshayaasha ay fulinayaan.

Janaqow oo ka hadley Al-Shabaab

December 10, 2009

MUQDISHO:-Wasiirka Garsoorka Dowladda KMG Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa ku tilmaamay Ajaaniibta ku sugan Soomaaliya ee ka bar bar dagaalanka Xarakada Alshabaab kuwa aan lagu aamini karin Diinta Islaamka, isagoo sheegay in ay yihiin dad islaamay labo sano ka hor.

Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa sheegay in Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ka mid ah ajaaniibta ka dagaalanta Soomaaliya uu yahay nin soo islaamay labo sano ka hor, waxaana uu sheegay in aan la aqbali karin inuu Hogaamiyo Umad waligeed islaam aheyd.

“Dadkaan Ajaaniibta oo aan ogsoonahay in qaarkood ay labo sano ka hor soo islaameen, sidee uga yeelnaa in ay na hogaamiyaan ama aan Diinteena ugu aaminaa”ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Janaqow.

Isagoo ka qeyb galayay Barnaamij dood aheyd oo ka baxeysay Radio Muqdisho ee Codka Dowladda ku hadlay ayaa sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay yihiin kuwo dadka gaaleeya markii ay fikradooda raaci waayaan.

Waxaa uu sheegay in qof muslim ah aan la gaaleysiin karin, ilaa laga hadlo sifaadka uu qofkaas uu uga baxo Islaanimada, waxaana uu cadeeyay in arrinta gaaleysiinta ay markii ugu horreysay sameeyeen Kooxdii Khawaarijta aheyd ee xitaa Saxaabiyadii jaliilka ahaa ee Cusmaan iyo Cali ku sifeeyay Gaalnimo sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh C/raxmaan Janaqow oo ka mid ahaa Xubnihii ugu sareeya Maxkamadihii Islaamka ee asal u ahaa jiritaanka kooxo diimeedyada iyo firqooyinka ay u kala baxeen Islaamiyiinta ayaa hada waxay is wajahayaan ragg ay shalay isku jaal ahaayeen, balse haatan ku kala irdhoobeen dhanka Fikirka iyo siyaasada.

Culimada oo la dhihi karo waa ay ka gaabiyeen doorkooda saliimka ah ayaa horay gacan ugu taagtay fikradaha qalafsan ee ka hana qaaday dalka Soomaaliya, waxaana dadka odorasa siyaasada ay ka deyriyaan halka ay ku socoto Soomaaliya oo ah dal boqolkiiba boqol Muslim ah.

DANJIRE MAXAMED CALI AMEERIKA: “Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho ka dhacay waxaa dhaawacooda loo qaadi doonaa Dalka Sacuudiga”

December 10, 2009

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo dhaawacooda culus yahay loo qaadi doono dalka Sacuudiga, si halkaas loogu soo daweeyo.

Safiirka waxaa uu sheegay in Dadkaas dhaawaca ah hadda lagu daweynayo Isbitaalka Aga Khan ee Magaalada Nairobi, wuxuuna caddeeyay in uu ka mid yahay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga oo dhaawac culus qaba.
“Dadkii ka dambeeyay qaraxaas foosha xumaa waxaa cambaareynaya oo aad uga xun dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan xubnaha bulshada rayidka Soomaaliyeed ka socda ee shirkan ka qeybgelaya”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameerika oo khudbad ka jeediyay shirka isu keenidda codadka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Mombasa ee dalka Kenya

Danjire Maxamed Cali Ameerika waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabaddii iyo xasiloonidii ka jiri jirtay, wuxuuna caddeeyay in ay taasi ku dadaaleysi qiimo kasta oo ay ugu kaceyso.

Safiirka oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya oo tan iyo markii la soo dhisay wajaheysa caqabo dhinaca amniga ah oo uga imaanaya kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda haddana ay intii karaankeeda ah ku dadaali doonto in ay dalka dowladnimadiisii iyo nabaddiisii ay soo celiso.

Waxaa uu u mahadceliyay beesha caalamka oo uu sheegay in ay taageero u muujisay Dowladda Soomaaliya, wuxuuna codsaday Beesha Caalamka in ay taageeradeeda kordhiso, si buu yiri ay Dowladda Soomaaliya ugu sahlanaato in ay horay u dhaqaaqdo.

Golaha Amaankaoo ka hadlay arrimaha Soomaaliya, kana deyriyay Xaaladda Ammaanka Soomaaliya.

December 9, 2009

Golaha Amaanka Qaramada Midoobe ayaa fadhigiisa ugu dambeeyayuga hadlay arinta Soomaaliya gaar ahaan dhanka ammaanka guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho, wuxuuna Golaha Ammaanka ka deyriyay Xaaladda Soomaaliya ee dhinaca Ammaanka.

Madax kala duwan oo fadhiga ka hadashay ayaa badankood soo hadal qaaday arimaha Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay in qarka u saaran tahay Soomaaliya inay gacanta u gasho kooxaha ka soo horjeeda Dowlada KMG Soomaaliya.

Golaha Ammaanka fadhiga uu yeeshay ayaa markii ugu horeysay waxaa laga sheegay in Soomaaliya la gaarsiiyay Muqaadaradaadka ka soo baxa Dalka Afgaanistaan ee dunida loo safriyo iyagoo ku eedeeyay in arintasi ay ka danbeeyaan dhinacyada ka soo horjeeda Dowlada KMG Soomaaliya.

Qaramada Midoobey waxay qiratay in dhaqaale badan oo Mareykanku siin lahaa Dowlada KMG Soomaaliya uu u hakiyay iyadoo mareykanku ka cabsi qabo in dhaqaalahaasi ay si fudud gacanta ugu dhigi karaan Xoogaga ka soo horjeeda Dowlada KMG Soomaaliya.

Waxay digniin ka soo saareen in Soomaaliya ay qabsan karaan xoogaga islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda Dowlada KMG Soomaaliya iyagoo qoraal ka soo baxay Golaha Amaanka lagu sheegay in xoogaga mucaaradka ku ah Dowlada Soomaaliya ay halgan ugu jiraan sidii ay ula wareegi lahaayeen Soomaaliya guud ahaan.

Dhanka kale Dalalka Geeska iyo Afrika iyo Bariga Afrika ayaa loogu baaqay inaysan faraha ka laaban arinta Soomaaliya islamarkaana ay aad muhiim u tahay inay caawimaad deg deg ah siiyaan Dowlada KMG Soomaaliya