Ugaas Nuur “Waxa baydhabo ka dhacay waxaa masuul ka ah Madaxweyne Xasan”

October 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Oct 2014:

Maamulka Lixda Gobol ayaa Qasaaraha ka dhashay rabshadahii baydhabo masuuliyadeeda dusha uga tuuray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiye jawaari oo shalay xiligii ay rabdhsahda dhacayeen shir ka furay Magaalada.

Ugaas maxamed nuuroow oo ka mida golaha guurtida Maamulka Lixda gobol ayaa sheegay in masuuliyada Dadka ku waxyeeloobay Rabshadahii shalay ka dhacay ay masuul ka yahiin madaxweyne Xasan iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan jawaari, waxaan uu intaasi ku daray in Maamulka ay doonayaan in K/Galbeed laga hir galiyo uusan socon doonin.

Shalay ayaa dibad baxayaal ka mid ahaa taageerayaasha maamulka lixda gobol oo horay looga dhawaaqay Baydhabo, waxaa ay dhigeen dibad baxa ay kaga hor jeedaan maamulka beenta ah ee sadexda gobol.

Rabshadahaasi ayuu sheegay ugaas nuur in ay ku geeriyoodeen Laba ruux 17 kalana ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Baydhabo ayaa lasoo sheegayaa inay xaaladdeedu weli kacsan tahay.

Ahlu Sunna oo ka digtay in Madaxda Dowladda ay dalka u horseedaan gumeysi cusub

October 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Oct 2014:

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxay walaac xoogan ka muujisay khilaafka ka dhex tolan Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo ka mid ah Masuuliyiinta sar sare ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa wax aan wanaagsanayn ku tilmaamay khilaafka dibadda u soo baxay, ee u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, ayaa waxa uu ka digay in gacmahoodu ku burburiyaan Dowladnimada Somaliya, isla-markaana ay dalka u horseedaan gumeysi cusub, sida uu yiri.

Waxa uu ka digay in ay khilaafkoodu soo fara-geliso waxa loogu yeero buu yiri Qaramada Midoobe, wuxuuna labaduba ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay kaga gudbi lahaayeen waxa ay isku hayaan.

Isagoo maanta Magalaada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud kaga qaybgalaayay kulan ay ku lahaayeen Masuuliyiinta Ahlu Sunna, ayaa wuxuu ka sheegay in dalka ay dhibaato ka jirto, mid kalana ay ku soo fool lee dahay, haddii Madaxda Dowladdu waxba ka bedelin waxa ay isku saluugsan yihiin.

Macalin Maxamuud, ayaa waxa uu ku celceliyay in uu ka digaayo dib u dhac Madaxda Dowladdu u horseedaan dalka iyo dadka Somaliyeed, sida uu yiri.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxay Axadii sheegtay in ay ka xun tahay khilaafka soo baxay maalintii Sabtida, iyadoona ku talisay in Madaxtooyada Somaliya wax ka qabato khilaafka ka dhex jira.

DEG DEG: Kullan uu albaabada u xiran yahay oo dhexmaray RW C/weli, Jawari & Faarax C/qadir

October 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Oct 2014:

Mid kamid ah golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Kullan aan caadi aheyn uu goor dhow Garoonka diyaarada Aadan Cadde ku dhexmaray Ra’isulwasaaraha Xukuumada Somalia C/weli sheekh axmed, Gudoomiyaha baarlamaanka Jawaari iyo Faarax C/qaadir.
Wasiirka ayaa waxa uu inoo sheegay in kullanka uu ahaa mid Gudoomiyaha baarlamaanka uu ku dhex dhexaadinaayay Ra’isulwasaare C/weli iyo Wasiir faarax c/qaadir, waxaana la tilmaamayaa in shirkaasi uu ahaa mid socday Laba saac oo xiriir ah.
Kullanka ayaa waxa uu ka dhashay sagootin ay Seddexdaasi Mas’uul u sameynayeen Madaxweyne Xassan oo ka dhoofaayay Garoonka Aadan Cadde.
Sidoo kale, Seddexda Mas’uul ayaa lasoo sheegayaa inay isku fahmi wayeen qodobada uu Khilaafka ka dhashay, kadib markii RW C/weli iyo Faarax c/qaadir Cuskadeen qodobo ka fog heshiiska labada mas’uul.
Kullanka oo socday Labasaac iyadoo aan xal laga gaarin ayaa waxa uu Ra’isulwasaare C/weli codsaday in wada-hadalka lagu dhameeyo Xarunta madaxtooyada maadama aysan munaasab aheyn goobta uu kullanka ka dhacay oo aheyd hoolka garoonka.
Kullanka ayaa waxaa hadda lagu dhameystirayaa Villa somalia waxaana la soo sheegayaa in labada Mas’uul ay isku mari la yihiin kullanka, iyadoona uu Jawari ku dhex wareeray xalinta labada Mas’uul.
Dhanka kale, Wax natiijo ah kama soo bixin kulanka waxa ayna labada Mas’uul ku andacoonayaan in midba midka kale uu il gaar ah ku hayo.

War deg deg ah: Madaxweynaha OO shaqada ka joojiyey dhamaan Garsoorayaashii la saftey Mr. Ilka Xanaf IYO RAISUL Wasaare CABDIWELLI

October 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Oct 2014:

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shaqada laga joojiyey 21 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda sare ee dalka.

Axmed Cali Daahir xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo saxaafadda u akhriyay digreetada ayaa xusay in garsoorayaasha shaqada laga joojiyay ay isugu jiraan kuwa cusub iyo kuwa horey u soo shaqeyn jiray, kuwaasi oo laga bilaabo maanta aan wax shaqo ah u haynin dowladda.

Madaxda sare ee dalka oo kulan la qaatay Ban-Ki Moon iyo madax kale

October 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Oct 2014:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Kooxda Bankiga Adduunka, Jim Yong Kim, kuwaasi oo Muqdisho soo gaaray.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa ay halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka AMISOM, halka kooxda booliska ee baambeyda ay muusik ku soo dhaweeyeen, iyadoo ay hallaasi ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyay Muqdisho, isagoo sheegay in tani ay u tahay booqashadiisa labaad ee uu dalka ku yimaado, kaddib saddex sano oo uu dalka ka maqnaa, isla markaana ay wax badan iska badaleen, ayna kala duwantahay sanadkii 2011-ka.

Isla maanta Mr. Ban Ki-moon ku laabtey Kenya.

War deg deg ah: Dowlada UGANDA OO ASBUUCA SOO SOCDA 2700 ASKARI oo ilaaliya MADAXDA Soomaaliya u soo direysa

October 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Oct 2014:

image


Taliyaha Ciidamada Uganda, General Katumba Wamala, ayaa sheegay in ay bilabeen in ay soomaaliya usoo diraan 2,700 oo Askari kuwaas oo tababaro qaas ah ay soo siiyeen macalimiin u kala dhashay
wadamada Mareykanka iyo Fransiiska.

Taliyaha Ciidanka Ugnada iyo Afhayeenka Militeriga ayaa si wada jir usheegay in ciidamadaasi ay xoojin doonaan amaanka dalka Somaliya,gaar ahaan Dhismayaasha Madaxtooyada,Barlamka,Garoonka diyaaradaha iyo Dhamaan wasiirada Xukuumada somaliya.

General Katumba mar uu la dar daarmayay ciidankaas gaaraya 2,700 waxaa uu yiri fadlan ka taxdira weerarada aad la kulmeysaan,kuwaasoo idin saameyn kara udiyaar gaba in somaliya aad tageysaan.

Daawo Warsaxaafadeed Looga Soo Horjeedey Wixii Shaley Ka Dhacay Magalada Baydhabo

October 29, 2014

WAAJIDPRESS – 28 Oct 2014:

XILDHIBAANADA Federaalka BAARLAMAANKA OO eedeeyey dhiigii ay maanta BAYDHABA ka rideen Madaxweyne Xassan IYO JAWAARI:

DAAWO SHACABKA KOONFUR GALBEED WAXA ka go’an taageerida u dhimashada DOWLAD GOBOLEEDKA LIXDA GOBOL EE KOONFUR GALBEED:

War sir ah: Raisul WASAARE CABDIWELLI OO is casilaadiisa ku XIREY Hal arin

October 28, 2014

WAAJIDPRESS – 28 Oct 2014:

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha oo cadaadis badan kaga yimid madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh iyo qaar ka mid ah Beesha Caalamka uu kala laba labeynayo labo arimood oo kala ah in xilka uu isaga dego inta aan xaalku sii xumaan iyo waliba inuu go’aankiisa ku adkeysto.
Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan xafiiska ra’iisal wasaaraha aya u sheegay Shabakada Gaarisa.com in ra’iisal wasaaraha uu shuruud ku xiray inuu is-casilo,isagoona madaxweynaha ka dalbaday in la siiyo marba haduu iscasilayo Lacag gaareysa 5-million hadii kalen uusan xilka ka tageyn.
Xasan Sheikh Maxamuud arintaan ka biyo diiday ,isagoona tilmaamy inuu ku siinayo C/wali Sheikh iscasilaadiisa Lacag gaareysa 3-million o dollar-ka Mareynkanka ah.
Wuxuu sheegay in Lacagtaasi ay tahay mid xaddhaaf ah kana bixin qasnada Dowlada,laakiin uu u balan qaaday haduu ku dhawaaqo iscasilaad Lacag dhan 3-million.
C/wali Sheekh ayaa shaaciyay inuusan rabin lacagtaasi,hadii sidaasi ay tahayna ku adkeynsanayo go’aankiisa.
Warkaan dadkaan ka soo xiganay ayaa inoo diiday inaan isticmaalno magacooda sababo amaankooda la xiriira.
Xiisada Xasan Sheikh iyo C/wali Sheikh ayaa cirka isku sii shareereysa,waxaana socda haatan kala jiidasho dhanka xildhibaanada ah.

DHAGEYSO: MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA LIXDA GOBOLE Dr. MADOOBE NUUNOW OO HADDA WAREYSI KULUL BIXIYEY

October 28, 2014

WAAJIDPRESS – 28 OCT 2014:

 

nuunet-e1410286251245

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr.  Madoobe Nuunoow oo ah halyay  yaqaano sida loola dhaqmo shaqsiyaadka magaca Saxaafada ku makarafooneeya ayaa waxa uu taariikh lama ilaabaan ah ku dhigay wariye Mooryaan Dhaga Cade – HOOS KA DHAGEYSO:

 

Ku dhegayso Moobilkaaga

SIR Culus: Maxay kuwada Hadleen Madaxweyne Xasan sheekh iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

October 28, 2014

WAAJIDPRESS – 28 Oct 2014:

??????????????????????????????? m5

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa markii uu kasoo laabtay socdaalka uu kutagay Beydhabo uu gaaray Safaarada Dowlada Turkiga ku leedahay Agagaarka Isgooska Nambar Afar ee Magaalada Muqdisho , waxa uuna Halkaasi kulan kula yeeshay Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweyne Xassa markii uu la kulmayey Safiirka Turkey waxaa la socdey Wasiiro kala ah: Faarax Cabdulqaadir, Godax, Mustafa Dhuxulow iyo Cabdikariin.

Waxyaabaha ay kawada Hadleen Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ah qodobo la isku AF-gartey OO ah:-

1- Taageero siyaasadeed inuu ka helo dowlada turkiga iyo Garab dhameystiran oo dhanka diblumaasiyada ah

2- In madaxweynaha uu taageero dhaqaale kahelo dowlada turkiga.

3- Khilaafka baahsan ee udhexeeya madaxweynaha iyo reysal wasaaraha iyo sida looga guuleysan karo xildhibaanada kudhinaca reysal wasaaraha

4- In beesha caalamka lagu cadaadiyo sidii loo casili lahaa reysal wasaaraha oo Go’aan keligii talisnimo ah lasoo baxay iyo Awood siyaasadeed oo sharciga waafaqsaneyn.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers