Shirkii uga socday golaha dhexe ee Isbahaysiga Asmara dalka Jabuuti ayaa soo xirmay
Shirkii uga socday golaha dhexe ee Isbahaysiga Asmara dalka Jabuuti ayaa soo xirmay iyadoo halkaas uu ka jeediyay hadal dheer gudoomiyaha Isbahaysigaas Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Qodobadii shirkaas kasoo baxay ayaa waxaa khudbad dheer ku sheegay Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaana ka mid ahaa:
1. In si dhaqso badan looga saaro Somalia ciidamada Ethiopia
2. In dhinacyadii gaaray heshiiskii Jabuuti ay ka dhabeeyaan
3. In la joojiyo daadinta dhiiga qofka Soomaaliga ah noocuu doono ha ahaadee
4. In UN-ku uu dadajiyo ciidamada uu geynayo Somalia
5. In Isbahaysiga dib u xoreynta laga shaqeeyo midnimadiisa
6. In Dowlada Eritrea ay faraha kala baxdo arimaha Somalia. iyo kuwo kale.
Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa sheegay in isbahaysigu uusan ka laaban doonin heshiiskii ay Jabuuti kula gaareen Dowlada Federalka, isla markaana ay ka go’an tahay inay nabada ka shaqeeyaan.
“Sababaha nagu kalifay inaan nabada qaadano waxaa ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee hoos jiifa geedaha sanad iyo sagaalka bilood, dhalinyarada badaha ku dhamaanaya iyo amaan xumada haysata shacabkeena ku nool gudaha dalka” ayuu ku yiri Sheekh Shariif hadal uu ka jeediyay xiritaanka shirkii golaha dhexe Isbahaysiga.
Mar uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan khilaafka Isbahaysiga ayuu sheegay inay taas aad uga xun yihiin ayna ku baaqayaan in mar la adkeeyo midnimada Isbahaysiga, wuxuuse si weyn u weeraray dalka Eritrea oo uu ku tilmaamay mid xagal-daacinaysa nabad ka dhalata Somaliya.
“Walaalaha fikirka guracan qaatay waxaan ugu baqayaan inay dadkooda dhinac ka soo raacaan ayna iska daayaan mucaaradada” ayuu yiri Shariif Xasan Sheikh Aadan, iyadoo la aaminsan yahay inuu walaalahaas uga jeeday xubnaha ku harsan Asmara.
Shirkaan soo xirmay ayay golaha dhexe ee Isbahaysigu kusoo bandhigeen wax qabadka Isbahaysiga intii uu jiray oo lix bilood dhamayd, waxayna go’aan ku gaareen inay dib isugu soo laabtaan 3-bilood kaddib oo ay ka doodi doonaan dastuurka u yaala.