War deg deg ah: Ciidamo Ethiopian oo ka gudbay Degmada Balcad kuna sii jeeda Magaalada Jowhar.

War deg deg ah oo goor dhow na soo gaaray ayaa sheegay in Ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah ay u ruqaansadeen Magaalada Jowhar,iyadoo daqiiqado ka hor ka gudbay Magaalada balcad oo 30km u jirta Caasimada Soomaaliya.

Ciidamada oo ku hubeysan 14 baabuurta oo isugu jira kuwa saaran Madaafiicda Bm-ka iyo kuwa Ciidamada xambaara ayaa ka baxay waabarigii saaka Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa sida la sheegay saldhigan doono Magaalada Jowhar oo bishoo hore ku sugnaa muddo shan cisho, deetana ay isaga soo baxeen.
Magaalada Jowhar oo maalmahan ay Kooxaha kacdoonka ku soo laabanayeen, isla markaana maamulkii horay ugu sugnaa ay isaga soo carareen ayaa dad badan waxay walaac ka muujinayaan imaanshaha Ciidamada Ethiopia ee Magaalada Jowhar.

Lama oga in ay Ciidamada Ethiopianka wehliyaan Xubnaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ee horay Magaalada uga soo baxay, waxaase warar qaar ahi sheegayaan in saraakiil ka tirsan maamulka ay la socdaan Ciidamada.

Leave a Reply