War Deg Deg ah: In ka badan 20 haween ah oo ku naf waayey qarax xooggan oo saaka gilgilay wadada Maka Al-Mukarama (WARBIXIN DHEER)
Ilaa 20 haween ah oo ka tirsanaa shaqaalaha nadaaafada ayaa ku geeriyooday ku dhowaad 30 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka so gaaray qarax xooggan oo saaka gilgilay nawaaxiga Hotelka Ambasador oo ku yaala wadada dheer ee Maka Al mukarama ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo dhacay abaarihii 8:00-dii subaxnimo ee saaka ayaa yimid ka dib markii haween fara badan oo tiradoodu ay gaareysay illaa 70 ay goobtaasi iskugu yimaadeen si u sii wataan howlo nadaafadeed oo maalmahanba halkaasi ka socday, waxaana mar kaliya goobtii ay ku sugnaayeen ka dhacay qaraxan oo u muuqday miino dhulka ku aaseyd, inkastoo aan la ogeyn iney aheyd mid si toos ah loola beegsaday iyo iney aheyd mid iskeed u qaraxday, hase ahaatee goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa aheyd mid dareen murugo leh oo aan la qiyaasi karin uu ka jiray.
Haweenkaasi uu qaraxu haleelay oo iskugu jiray gabdho yar yar iyo kuwo da’ah ayaa la sheegay in qaarkood uu hilibkoopdu googoo’ay oo laga soo aruuriyey goobo ka baxsan halka uu qaraxu ka dhacay, halka kuwo kalena ay sida kawaan xoolo badan lagu gowracay oo kale ay isu dul saarnaayeen iyo dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo dhiiga ka baxayeyna uu goobtaasi wada qariyey, waxaana markaa ka dib bilaabatay gurmad loo sameynayo dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay oo ay sameynayeen dadkii goobtaasi ka dhowaa oo ay markii dambe ku soo biireen ciidano ka tirsan Booliska DF, kuwaasoo gawaari ku daad gureeyey haweenkii dhaawaca ahaa oo qaarkood ay u geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaaray inti isbitaalka loo sii waday halka kuwo kalena ay naftu deysay markii la gaarsiiyey isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Haweenkan oo ahaa kuwo kamsoo jeda qoysas sabool ah ayaa la sheegay iney ka shaqeyn jireen barmaamij cunto shaqo ku bedelasho ah oo ay iska kaashadeen maamulka gobolka Banaadir iyo barnamnaij cuntada Adduunka WFP, waxaana bil walba la siin jiray cuntooyin ay ka mid yihin Mesego Salid iyo Digir, kaasoo ka socday qaar ka mid ah degmooyinka nabdoon ee gobolka Banaadir, waxaana haweenkan saaka ku waxyeeloobay qaraxa ay dhamaantood ahaayeen kuwa ka soo wada baxay xaafadahaa ay ka kooban tahay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaaan saaka xaafadaaaasi iskugu soo baxay dad aad u fara badan oo baadi goob ugu jira haweenka eheladooda ah ee ka mid ahaa haweenkii nadaafada ka waday wadada amauala Mukarama, iyadoo wejiyadooda ay ka muuqdeen murugo iyo dareen naxdin leh oo aan la qiyaasi karin, waxaaana qeybo ka mid ah xaafada la soo gaarsiiyey meydadka haweenkaasi geeriyooday, halka kuwo kuwo kalena la waayey hilibkoodii oo iney geeriyoodeena ay calaamad u noqotay oo kaliya markii la arkay dharkii ay xirnaayeen oo googoo’ay iyo kabahooda oo laga helay agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay oo sidoo ku dhow goob ay fariisin ka dhigteen ciidamada Itoobiya.Illaa hadda ma jiro cid ka hadashay qaraxan hadii ay ahaan laheyd mas’uuliyiin DF iyo kooxaha ka soo horjeeda, hase ahaatee qaraxan ayaa ah kii labaad ee qasaare uu ka soo gaaro haweenka nadaafada gobolka Banaadir wixii ka dambeeyey tan iyo markii ay DF soo gaaray magaalada Muqdisho sanado iyo bar ka hor, waxaana qaraxii hore oo ka dhacay nawaaxiga masaajidka Biyo maaalow oo ku yaala wadada wadnaha gaar ahaan inta u dhexeysa labada isgoys ee H/wadaag iyo bakaaraha ku geeriyooday lix haween ah halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen.