War Deg Deg ah: Weerar bambaano oo lagu beegsaday xarun ay Somali Post ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya

Kooxo aan la garan ayaa caawa weerar bam gacmeed loo adeegsaday ku beegsaday fariisimo ay ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin deegaanka Somali Post ee ku dhaw Isgoyska Towfiiq iyadoona mar qura xaaladu ay kacday.

 

Waxaa lagu kala cararay dhaman laamiga Suuq Bacaad iyadoona dadkii ganacsiga ka watay ay mar qura lasoo gudboonaatay xaalad aad u cabsi leh taasi oo ka danbeysay qaraxa bambaano.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa rasaas kooban furay iyadoona aan la sheegi karin hadii halkaasi khasaare uu kasoo gaaray maadaama aan loo dhawaan karin halka weerarka lagula beegsaday ciidankaasi.

Xaaladda deegaanka Suuq Bacaad ayaa ah caawa mid aad u kacsan iyadoona albaabada la isugu laabay dhamaan goobihi ganacsiga ee deegaankaasi halka dadkuna ay kala xaroodeen.

Leave a Reply