Wasaarada Maaliyada dowlada KMG Soomaaliya oo maanta sheegatay in ay gudi baara hantida soo gasha dowlada KMG ay saameeyeen

Wasaarada Maaliyada dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay sheegatay in ay gudi  baara hantida soo gasha dowlada KMG ay saameeyeen islamarkaana ay howlgali doonaan mar dhow.

 

Wasiirka Maaliyada dowlada KMG ee Soomaaliya Max’ed Cali Xaamud oo maanta saxaafada kula hadlay hoyga Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa uu sheegay in kulan ay yeesheen kadib  ay sameeyeen gudi ka kooban 6 xubnood  kuwaasi oo u kuur galaya canshuuraha u soo xarooda dowlada KMG Soomaaliya.

 

Wasiirka waxaa uu intaa ku daray in gudigaas ay u kuur galyaan hubinta iyo bixinta hantida dowlada ee canshuurta ah iyo in ay baarayaan daqliga soo gala dowlada in uu si toos ah ugu xarodo bangiga Dhexe ee dowlada iyo in kale.

 

Max’ed Cali Xaamud wasiirka maaliyada dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu war saxaafadeed uu aqriyay waxaa uu ku sheegay in diyaaradaha qaadka ay ka soo xaroodaan canshuuraha ugu badan islamarkaana loo baahanyahay in ay ku soo dagaan meel ay maamusho dowlada KMG Soomaaliya si halkaasi looga qaado canshuuraha.

 

Hadalka wasaarada maaliyada dowlada KMG Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili uu is qab qabsi dhinaca canshuuraha ay ka taagantahay gudaha xildhibaanada Baarlamanka iyadoo bayaan ay dhawaan soo saareen Baraalamanka KMG ahna ay ku sheegeen in loo baahanyahay in la baaro halka ay ku baxdo canshuraha ay dowlada u soo xarooda.

Leave a Reply