Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay deegaanka Buuloguduud ee duleedka magalada Kismaayo.

24 May 07

Ugu yaraan hal qof ayaa geeriyooday labo kalena waa ay dhaawacantay kadib markii qarax uu ka dhacay deegaanka Buuloguduud ee duleedka magaalada Kismaayo halkaasoo fariisin ay ka sameysteen guddoomiyaha gobolka Jubbada hoose iyo kan degmada Kismaayo iyo ciidamadii laga saaray magaalada Kismaayo.
Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay xabad baasuke oo ku qaraxday askari ka tirsan ciidamada DFKMG ee ku sugan deegaanka Buulogaduud taasoo sababtay in uu geeriyoodo askarigii xabadu ka qaraxday isla markaana dhaawaac uu soo gaaro 2 askari oo kale.
Goob jooge ku sugan deegaanka Buuloguduud ayaa sheegay in shilkaasi uu u dhacay si kama’ ah, isagoo xusay in askariga baasukaha ku qarxay uu jirkiisa go’ go’ay halka labada dhaawaca uu sheegay in dhaawacyadooda lagu dabiibayo cusbital ku yaal deegaanka inkastoo dhaawacyo culus ay soo gaareen.
15kii May ayay ahayd markii miinada kaawooyinka ay ku qaraxday nin farsameynayay taasoo sababtay in sidoo kale haweeney ka agdhaweyd ay ku geeriyooto 2 kalena ay ku dhaawacanto qaraxaasi xilli ninkaasi uu farsameynayay miinada.

Faallo u dhaaf