Bandowgii saarnaa Muqdisho oo la qafiifiyay, iyadoo la maqlay qaraxyo xoogan

Bandowgiii Saarnaa magaalada Muqdisho ayaa la qafiifiyay caawa munaasabadda 1da Lulio owgeed, iyadoo Qaraxyo xoogan ay gil gileen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay.Afhayeenka dowladda KMG ah ee Somalia, Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa hadalkani ka sheegay xarunta Villa Somalia in la qaaday Badowgii saarna caasimadda caawa oo kaliya, laakiin habeen dambe uu sidiisa ku soo laabanayo.

Waxa uu sheegay in dowladda KMG ah ay u sameysay arinkaan munaasabadda 1da Lulio oo xaflad lagu weyneynayo ay ka soconeyso xarunta madaxtooyada.

Sidoo kale Bandowgii saarnaa magaalada Baydhabo ayaa iyana la qafiifiyay munaasabadda 1da Lulio owgeed.

Dhinaca kale Qaraxyo xoogan ayaa laga maqlay caawa fiidkii wadada u dhaxeysa isgoysyada Bakaaraha iyo H/wadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

Ilaa 2 qarax ayaa laga maqlay halkaasi, iyadoo sidoo kale la maqlay rasaas goos goos ah oo aan la ogeyn cidda is weydaarsatay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: