Madaxweyne C/laahi yuusuf oo sheegey in ay dowlada tageynin xitaa haddii uu waqtigeeda dhamaado

Haddii Dadka qaarkiis is-leeyahay Dowladda Federaalka Shanta Sano ka dhameeya, taasi ma dhaceyso, annaguna meesha ka tegi meyno iyadoo aan xal loo helin Soomaaliya”Sidaasi waxaa yiri  madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed  Sabti, June 30, 2007(HOL):  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay shidada iska daayaan oo ay gartaan danahooda iyo Mustaqbalkooda, isagoo carrabka ku dhuftay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed uu waqtigeeda kooban yahay, isla markaana aysan meesha iska joogi doonin. “Dowladdani waqtigeeda waa kooban yahay, mana sii jireyso, sidaas darteed waxaan Shacabka ugu baaqayaa in ay Shidada iska daayaan oo ay Danahooda iyo Mustaqbalkooda gartaan” ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in haddii fowdada iyo shidada ay sii socoto aysan jiri doonin doorashooyin dhaca iyo Xisbiyo la sameeyo. “Haddii Dadka qaarkiis is-leeyahay Dowladda Federaalka shanta sano ka dhameeya, taasi ma dhaceyso, annaguna meesha ka tegi meyno iyadoo aan xal loo helin Soomaaliya”ayuu mar kale madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho. Arrimaha Amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay amni darrada jirta ka dambeeyaan kooxo sida uu yiri magacyo kala duwan la baxay sida Muqaawamo iyo Ansaar, wuxuuna sheegay in ay Dowladda horay arrimaha Amniga wax uga qabtay, haatanna ay ka qaban doonto. Wuxuu ka hadlay Madaxweyne Yuusuf Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qaban doono, wuxuuna si cad u sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu heshiisiinayo Beelaha Soomaaliyeed ee colaadaha dhexmareen,”Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Shirkii Kenya ayay ku soo heshiiyeen, shirkanna waa mid loo qabanayo Beelaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. Madaxweynaha waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay shirkaasi ka qeybgeleyso cid kasta oo ay beesheeda soo dirsato, wuxuuse diiday in ay shirka ka qeybgeli karaan Dad uu sheegay in ay ku jiraan Liiska Argagixisada. Madaxweynaha waxaa uu laalay oo uu diiday in dalka Soomaaliya ay heystaan Ciidamada Itoobiya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya jooga ay ku yimaadeen si sharci ah iyo rabitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in marka laga maarmo ay bixi doonaan. Dhanka kalena, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo, isagoo ugu hambalyeeyay munaasabadda 47 guuradii ka soo wareegtay markii ay Soomaaliya xornimadeeda ka qaadatay Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, wuxuuna u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed in ay munaasabaddan teeda kale ku gaaraan Nabad, Horumar iyo Baraare. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan wuxuu cafis u fidiyay xubno ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka iyo kuwo ka soo horjeeday Dowladda Federaalka oo xabsiyo ugu jiray, iyadoo cafiskaasna ay si weyn u soo dhaweysay Beesha Caalamka oo ku tilmaantay tallaabo loo baahnaa. 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: