Xubin ka tirsanaa 5-tii Golaha sare ee Kacaanka oo la qorsheynayo in xil looga magacaabo dowladda federaalka

Warar la isla dhex marayo oo lagu kalsoonyahay kuna dhow dhow dowladda federaalka Soomaaliya ah ayaa sheegaya in mid ka mid ahaa xubnihii ugu sareeyay xukuumadii Maxamed Siyaad Barre, kana mid ahaa 5-tii xubnood ee ugu sareysay golihii sare ee Kacaanka la qorsheynayo inuu ku soo biiro, xil muhiim ahna looga magacaabo Dowladda federaalka ah .

Sida warku sheegayo Jen. Maxamed Cali Samatar ayaa la filayaa dhowaan in Xil looga Magacaabo Dowlada federaalka Soomaaliya, waxayna wararku sheegayaan in Maxamed Cali Samatar loo magacaabayo Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga.

Arintan ayaa la sheegay in muran badan ay ka dhex dhalisay golaha wasiirada Dowladda ku meel Gaarka ah ka dib markii qaar ka mid ah wasiirada ka soo jeeda Gobolada waqooyi ay ku doodeen in uu Jen. Maxamed Cali Samatar uu ka mid ahaa Madaxdii dowladii Maxamed siyaad Barre ee ka qeyb qaatay Xasuuqii Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ka dhacay 1988-dii, Hase ahaatee ma jiraan in Maxamed Cali Samatar laftiisu uu ogolyahay xilka loo magacaabayo, iyadoo mar dhow ay soo gaba gabowday dacwad ay ku soo oogeen dad u dhashay gobolada waqooyi ee la baxay Somaliland, taasoo ka furantay Dalka Maraykanka.

Inkasoo xilal ay ka qabteen wasiiradii la soo shaqeeyay marxuum Maxamed Siyaad Barre maamuladii dalka soo maray 16-dii Sano ee ka soo dhaafay ayaa hadana Maxamed Cali Samatar waxaa uu noqonayaa haddii xilkan loo magacaabo mas’uulkii ugu soreeyay ee ka tirsanaa dowladdii burburtay ee milateriga aheyd oo xilka qabta dowladihii abuurmay 16-kii sano.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers

%d bloggers like this: