Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda KMG ah ee Somalia in ay wada hadalo la gasho kooxaha ka dagaalamaya magaalada Muqdisho ka hor inta aan lagu dhawaaqin Ra’isulwasaaraha cusub ee badalaya Ra’isulwasaarihii xilka iska casilay ee Cali Max’ed Geedi.
Mareykanka waxa uu ugu baaqay dowladda KMG ah ee Somalia in ay ka faa’iideysato fursadda is casilaada ra’isulwasaarihii hore ee Somalia Cali max’ed Geedi isla markaana ay furto albaabka wada hadalka ay la yeelaneyso kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowladda KMG ah gaar ahaan kuwa ka dagaalamaya ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka Sean Macckomack oo war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan dowladda KMG ah in ay ka faa’iideysato fursaddaan isla markaana ay wada xaajood la gasho dhinacyada la dagaalamaya dowladda gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho si loo helo jawi munaasab ah oo dib loogu soo magacaab karo Ra’isulwasaare cusub oo suurto gal ay tahay in kooxaha mucaaradka ah ay ku qancaan in ay xilka ra’isulwasaarenimo ee wadanka ay iyagu qabtaan.
Waxa uu intaasi ku daray baaq uu u jeediyay guud ahaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ee Somalia iyo waliba dhinacyada siyaasadda ee ka jira dalka in ay sii labo laabaan dadaaladooda ku aadan in ay dhaqaajiyaan wada hadal dhinaca siyaasadda ah isla markaana aaneey kabixin axdiga qaranka KMG ah.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in wada hadal miro dhal leh iyo dib u heshiisiin ay aas aas u tahay in la damaanad qaado doorashooyin xor ah oo cadaalad ku saleysan oo sanadka 2009 ka ka dhaca dalka Somalia iyo waliba in dhidibada loo taago xasilooni iyo amaan lagu soo dabaalo dalka Somalia.
Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay si aad ah ugu hanweyn tahay in booska Ra’isulwasaaraha uu ka baxay uu soo galo Ra’isulwasaare ay soo sharaxdaan kooxaha ku kacsan dowladda ee ka soo horjeeda dowladda, waxaana Baaqaan uu si toos ah ugu wajahan yahay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed oo Mareykanka uu ku war galinayo in aanu la soo dag dagin magacaabista Ra’isulwasaare cusub ka hor inta aan wada hadalo la galin mucaaradka dowladdiisa ku kacsan gaar ahaan kuwa ka dagaalamaya magaalada Muqdisho.