War Deg Deg ah: Cabdiqaadir Nadaara iyo Xasan Cadde oo soo gaaray London kadib markii ay kasoo carareen Muqdisho

Waxaa Magaaladda London ee xarunta dalkan Britain soo gaaray labo Wariye oo kamid ah Wariyayaashii ugu caansanaa Magaaladda Caasimadda ee Muqdishu kadib markii ay la kulmeen hanjabaado iyo xadgudubyo ay sheegeen in ay kala kulmayeen dhinacyada Siyaasadda isku haya ee soomaaliyeed.
Labadan wariye oo kala ah Cabdiqaadir Caashir Nadaara oo u shaqaynayay Taleefishinka Universal ee Muqdisho iyo Xasan Sheekh Axmed “xasan Cadde” ayaa u sheegay Wariye Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ah Tafatiraha Warbaahinta Onkod News Agency in ay ka soo carareen dalkaasi Soomaaliya kadib markii ay la kulmeen hanjabaado isla markaana lagu dilay Muqdishu Madaxii Idaacadda HornAfrik cali Iimaan Sharmaarke iyo Mahad Axmed Cilmi isla markaana lagu dhaawacay wariyayaal kale.

 

 

 

Cabdiqaadir Nadaara oo soo gaaray London maalmo ka hor waxaa uu sidoo kale uu kamid ahaa wariyayaal lagu xiray Muqdishu mudooyinkii ay shaqooyinka warbaahineed ka wadeen dalka, Waxaa uu intaasi ku daray in ay adagtahay in la amaan galiyo howsha warbaahineed xiligan.

Cabdiqaadir Nadaara oo isagu lagu xasuusan karo barnaamishyadiisi dhiiri galinta in ay dadka ku soo labataan dhulkiisa hooyo isagoona lagu xasuusan karo barnaamishkii ku dalxiis Xeebta jasiira.

¬†Xasan Sheekh Axmed Cadde ayaa sidoo kale isna London jooga Muddo kooban, waxaana uu isaga soo cararay Muqdisho kadib markii lagu dilay Magaaladaasi Mas’uulkii uu u shaqaynayay iyo mid kamid ah Wariyayaashii ay ka wada shaqaynayeen HornAfrik.

Dadka ka soo cararay ee wariyaasha ah ee Muqdisho kuma eka labadooda ee waxaa jira wariyaal badan oo soo cararay sida madaxii Dayniile iyo Qaranimo ee Muqdisho Cabdishakuur Cilmi Xasan oo isagu xiligaan ku sugan Dalka Holond

 

Soomaaliya waxaa ay kamid tahay goobaha sida wayn loogu ugaarsado wariyayaasha ka howlgala hadii ay yihiin Soomaali iyo Ajnabi intaba , waxaana sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya Muqdishu lagu dilay 7 wariye oo labo kamid ah ay ahaayeen Ajaanib u dhashay dalalka Europe.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers

%d bloggers like this: