Kooxda Al-shabaab ayaa waxay ka digeen daawashada TV-yada ku xiran Settilite-yada ee Dish-ka loo yaqaan oo ay isticmaalaan qoysaska ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii lagu arko gurigooda saxankaas oo saaran.
Qoraallo ay ku dhajiyeen qaar ka mid ah darbiyada Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ku qornaa in Dishash-ka laga daawado TV-yada kala duwan ee caalamka cidii gurigeeda lagu arko lagu weerari doono bambooyin iyo bastoolado, iyagoo ku sheegay qoraalladooda inay toogan doonaan ugu dambeyn mas’uulka gurigaas.
“Waxaan uga digaynaa qoysaska ku dhaqan magaalada Muqdisho inay daawadaan TV-yada, waxaana lagu amrayaa inay dajiyaan saxammada ku xiran Sittilite-yada ee guryahooda dusha ka saaran; kuwaasoo ay ka daawadaan TV-yada; ciddii amarkaan u hoggaansami weydana waxaa lagu wargelinayaa in lagu weerari doono bambooyin iyo bastoolado” ayaa lagu yiri qoraalladaan oo inta badan ka muuqday dhismayaasha ku yaalla laamiyada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay dadku ku badan yihiin.
Kooxda Al-shabaab ayaa waxay sheegeen in TV-yadu ay qayb ka yihiin Shineemooyinkii ay horay u joojiyeen daariddooda, lagana daawado filimaan anshaxa aan ku wanaagsanayn iyo ciyaaraha kala duwan ee Isboortiga.
Arrintaan ayaa waxay dood-weyn dhexdhigtay maanta dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho; iyadoo dadka qaarkood ay ku gacan-sayrayaan go’aankaan cusub, halka dadka qaarkiisna ay sheegayaan inay tahay in la raaco, haddii kale ay dhibaatooyin lagala kulmi karo kooxda amarkaan soo jeedisay.
Dadka ay la kulantay GO ayna wax ka weydiisay sida ay amarkaan u arkaan ayaa waxay u bateen inaysan u hoggaansamayn, ayna sheegeen inay dagaal la geli doonaan kooxda Al-shabaab, haddii ay guryahooda kusoo weeraraan.
Kooxdaan oo ah mid dagaal hubeysan kala horjeeda DF ayaa waxay horay u xireen shineemooyinkii Muqdisho; iyadoo qaar ka ka mid ah shineemooyinka Muqdisho oo lagu weeraray bambooyin iyo rasaas ay kalifeen inay dad ku dhintaan kuwo kalena ku dhaawacmaan.