Xildhibaan Cabdi C/lle Siciid (Jiniboqor) oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo, kana mid ah xildhibaanada fara ku tiriska ah ee aan la gamban fikirkooda, ayna siyaasad ahaan aad isaga soo horjeedaan madaxweynaha dowladda federaalka Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ku tilmaamay in inta badan xildhibaanadii shalay ka qeybgalay fadhigii baarlamaanka ay daw u arkayeen in Cabdullaahi Yuusuf ay mucaaradaan, wuxuuna sheegay in ragga ka soo horjeestay siyaasada Cabdullaahi Yuusuf ay isugu jiraan raggii ay isku fikirka ahaayeen oo u arkayey in lagaga adkaaday heshiiskii lagu soo saxiixay Itoobiya & xildhibaanadii 100-ka xubnood ahaa.
“Waxaa jirta in iyada oo aan heshiiskiiba la hor keenin baarlamaanka in Isbaheysigii uu Cabdullaahi ku lahaa baarlamaanka oo u badan reer Puntland in ay wadaan qorshe ay ku riixayaan mooshinkii ay geysteen baarlamaanka, taasina waxay khilaafsan tahay heshiiskii ay soo kala saxiixdeen Nuur Cadde iyo C/llaahi, waayo mooshinkii dacwada ahaa wuu socdaa, waxaana wada raggii Cabdullaahi taasina waxey khilaafsan tahay heshiiskii dib u heshiisiinta labada ee nin waana dhaqanka Cabndullaahi ee khiyaanada iyo balan furyada ah ee uu leeyahay” ayuu yiri Jinniboqor.
Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jiniboqor wuxuu kaloo sheegay in madaxweynaha iyo raisul wasaaraha ay maanta u dhoofeen Muqdisho, maalinta berri ahna baarlamaanka loo qeybin doono qodobada heshiiskii Itoobiya, markaa kadibna ay baarlamaanku ansixin doonaan ama diidi doonaan.
“Labadii nin (Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha) maanta Xamar ayey aadeen iyaga oo aan niyad fiicneyn, berri baana laga hadlayaa mooshinadii labadooda laga keenay, Baarlamaankuna shalay dharkuu ka dhigay (Revalution) Kacaan baa lagu kiciyey” ayuu yiri Jiniboqo wuxuuna intaasi sii raaciyey.
“Kacdoonkii shalay waa loo dhammaa waxaa ku jiray raggii boqolka ahaa ee ka soo horjeeday Cabdullaahi iyo raggii saaxiibadiis ahaa oo ka xanaaqsanaa heshiiskii Nuur Cadde oo qabay in Cabdullaahi heshiiskaas looga adkaaday, marka saaxiibadiis baa Kacdoon ka waday”
Jiniboqor mar uu ka hadlayey hadalkii uu shalay baarlamaanka ka yiri madaxweynaha, wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa mid uu ugu gefay xildhibaan Macalin Jiis.
“Hadalkaas waa daciifnimo uu diciifay oo uu dulqaadkii ka dhammaaday nin xildhibaan ah oo hadlay inuu yiraa dhulkaagii baa la haystaa oo uu ula jeeda degmada Walaweyn , marka siyaasad ahaana waa liidnimo Cabdullaahi ku dhacday.