Kororso Aqoontaada Barnaamij Diini ah iyo Aqoon guud: Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.
1-Su’aal Sheeg Asxaabigii dhashay aabihiis oo 12 jir ah?
1-Jawab: Wuxu ahaa C/laahi Bin Cumar Bin Caas Rc.
2-Su’aal Sheeg todobadii Asxaabi ee axaadiista ugu badan ka wariyeen Rasuul-ka (NNKH)?
2-Jawab: Waxay kala yihiin 1-Abuu hureyra Rc, 2-Caa’isha Bintu Abii-bakar Rc, 3-C/laahi Bin Cabaas. 4-C/laahi Bin Cumar, 5-Jaabir Bin C/laahi, 6-Aanis Bin Maalik, 7-Sacad Bin Malik,
3-Su’aal Sheeg Dhaqtaradii ugu horeysay ee Islam-ka?
3-Jawab: Waa Rufeydah Bintu Sacad.
4-Su’aal Sheeg imisa jeer ayuu Nebiga (NNKH) Cumreestay?
4-Jawab: Wuxu Cumreestay 4 Jeer.
5-Su’aal Sheeg xiligii la-aas aasay Magalaada Kuufa?
5-Jawab: Jawab waxa la-aas aasay xiligii Cumar Bin Khadaab Rc.
6-Su’aal Sheeg yaa aas-aasay Magalaada Kuufa?
6-Jawab: Waxaa aas-aasay Sacad Bin Abii Waqaas.
7-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Qaadisiya?
7-Jawab: Wuxu dhacay Sanadkii 14- aad ee Hijriyada.
8-Su’aal Sheeg sanadkii soomaaliya lagu qabtay shirkii Midowga Afrika?
8-Jawab: Waxa lagu qabtay sanadkii 1971-dii
9-Su’aal Sheeg dalalkii ku buuxiyey Xisaabta Eber (0) ?
9-Jawab: Waa Masar iyo Mesopotomia.
10-Su’aal Sheeg xagee bey u martaa cuntada cunuga marka uu ku jiro caloosha hooyadiis?
10-Jawab: Waxay u martaa Xudunta.
11-Su’aal Sheeg maxaa loo-yaqaanaa cudurka ay siddo kaneecada mideeda dhidig?
11-Jawab: Waxaa loo-yaqaanaa Malaariya.
12-Su’aal Sheeg Muruqa ugu xoogga badan jirka Bili’aadam-ka?
13-Su’aal Sheeg waa maxay Xubinta ugu lafaha yar jirka Bili’aadam-ka?
13-Jawab: Waa Dhegta.
14-Su’aal Sheeg wadanka ugu dadka yar. Wadama leesku yiraahdo Igad?
Dhex-taal Gaaban.
Haddii aan dib idin xusuusino 6-dii su’aaladood ee aan idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay
Waxay kala ahaayeen”
1-Su’aal Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay Qur’aanka soo dagaya uruuriyaan?
2-Su’aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Qur’aanka uruuriya?
3-Su’aal Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay quraanka?
4-Su’aal sheeg Magaca Buurta Afrika ugu dheer?
5-Su’aal Sheeg Wax marka ay siyaadaan sii naaqusa?
Jawaabaha waxay kala yihiin”
1-Jawab: Wuxu u doortay Sayid Bin Thaabid, Ubaya Bin Kacab, Mucaad Bin Jabal, Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan, iyo Afartii Khaliif.
2-Jawab: Waa Abuu-Bakar Sadiiq Rc.
3- Jawab: Zayd Binu Thaabit Rc.
4-Jawab: Waa Kalaminjaaro.
5-Jawab: Waa Dayaxa.
Ugu danbeen waxaa u maahad celineenaa dadkii ka soo wada jawaabay iyo kuwii jawaabaha qaar ka soo saxay. Iyo kuwii isku dayey iney ka soo jawaabaan balse aanan haleelin jawaabaha. Dadkaasi waxaanu lee-nahay maanta haddii aad qaladeen Insha’allah beri ayaad sixi doontaan.