Muqdisho: Khilaaf soo kala dhexgalay Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo Shariif Sheekh Axmed

Dawladda KMG ah oo maamusho 2 KM oo kamid ah caasumada dalka Soomaaliya, ayaa hada dhex taagan Badweyn khilaaf ah oo ay adag tahay sida lugu xaliyo, marka laga tago Is jiidjiidka Siyaasadeed ee ka aloosan guryaha iyo Hotelada magaalada Muqdisho.

Khilaafkii ugu dambeeyey ayaa udhaxeeyay baarlamaanka KMG ah iyo Gudoomiyahooda oo ay sheegeen in uu ka dhamaaday waqtigii sharciga ahaa, looga baahan yahay qabashada doorasho cusub oo ay ka qeybgalaan mudanayasha baarlamaanka Soomaaliya, laakiin taasi waxaa diiday Aaden Madoobe.

Khilaaf hor leh oo cusub ayay ogaatay APL in uu ka dhex curtay Madaxweynaha KMG ah iyo Wasiirka Maaliyada oo ay mudo dheer ahaayeen saaxiibo aan kala harin, xataa marka la aadayo Safarada dibada ah, waxaana hada laga dareemay khilaafkaas gudaha Aqalka madaxtooyada.

Shariif ayaa ugudbiyey Shariif Xasan Sheekh Aaden in looga baahan yahay soo xirida Miisaaniyada dawladda KMG ah ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo udhaxeeya labadan masuul,balse Shariif Xasan ayaa ka dhago adaygay fariinta uga timid Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Maaliyada oo lakulmay Madaxweynaha kMG ah ayaa ubandhigay qorshaha Siyaasadeed & Miisaaniyada,wuxuuna iska difaacay eedaha uga imaanayay baarlamaanka KMG ah oo ahaa in uu lunsaday lacago badan, isagoo shegay in aysan waxba ka jirin arrimahaasi, laakiin Madaxweynaha KMG ah ayaa ku adkeeyey Wasiirka Maaliyada in uu keeno Xisaab xir qoran.

Shariif Xasan oo larumeysan yahay in uu saldhig wanaagsan uyahay mooshinka looga soo horjeedo Aaden Madoobe, ayaa diiday dhamaanba fariimihii uga yimid Madaxweynaha KMG ah, taasoo keentay in ay labada masuul oo horay saaxiibo isku dhaw uahaa ay ku kala tagaan arrimaha Siyaasadeed ee dawladda KMG ah.

Shariif Xasan oo sannadkii 2004-tii loo dhiibay gudoomiye-nimada baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii uu khilaaf adag soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynihii dawladdii waqtigaas, waxaa uu sababay in shaqada laga qaado isagoo dibad joog ah, markaasna lajoogay Shariif-ka ay maanta is hayaan, waxaana ragii waqtigaas ole-olaha dheer ugalay in shaqada laga qaado kamid ah Aaden Madobe oo ay maanta heysato mid la mid ahtii Shariif Xasan.

Wasiirka Maaliyada ayaa lasheegay in uu bixiyay lacag badan oo ku aadan sidii Afhayeenimada baarlamaanka looga qaadi lahaa Aaden Madoobe,isagoo doonaya in uu ka aarsado rag badan oo ay waqtigaas Siyaasada si xun iskugu qabteen.

Saxiixidii heshiiskii magaalada Addis Ababa ee kooxda Ahlu Suna ayaa sidoo kale la xaqiijiyey in ay isku khilaafeen labada masuul, iyadoo uu Shariif ka cago jiiday hirgalinta heshiiskaas,ayaa hadana Shariif Xasan oo ahaa budhigihii heshiiska ee dhinaca dawladda KMG ah uu dhawaan codsaday in lahirgaliyo oo jagooyin lasiiyo kooxda, uu la saxiixay heshiiska, balse ma aysan suuragalin, markii uu yimid Khilaafka dawladda KMG ah.

Lama garan karo waxa lugu xalin doono khilaafka adag ee udhaxeeya Madaxweynaha KMG ah iyo Wasiirka Maaliyada oo ay mudo dheer ahaayeen saaxiibo aan kala harin, waxaana adag in la xaliyo, madaama qodobada ay hada kala heystaan dhinacyadu ay adag yihiin.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: