Sh.Aden Madoobe oo talooyin loo jeedshay diiday

Kulan dhawaantan dhexmaray wasiirka diinta iyo awqaafta ee Jabuuti Md.Xaamud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aden Madoobe oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa looga hadlayay xalinta qilaafka weyn ee xildhibaanada qaar iyo gudoomiyaha Baarlamaanka soo kala dhexgalay.

Kulanka ayaa markale Gudoomiye Aaden Madoobe loogu soo jeedshay in uu aqbalo ka dagista xilka gudoomiyenimo ee Baarlamaanka isagoo markaasna kala dooranaya sadex qodob oo kala ah sida soo socota:

1) in uu qaato xilka wasaaradweyn oo golaha wasiirada ah iyo Ra’iisulwasaare ku xigeen

2) in gudoomiye nimadii Baarlamaankana la siinayo nin ka soo jeeda beesha Sagaal

3) iyo in loo balan qaadayo in uu san xilkan isusoo sharixi doonin Shariif Xasan.

Qodobadan ayaa uu gudoomiye Sheekh Aden ku tilmaamay kuwa lagu qoslo sida aanu ku helnay ilowareedyo gudoomiyaha ku agdhow, waxaana uu si cadaana uu ugu sheegay Jabuutiyaanka in xilalalkan uusan isaga diyaar u aheyn, sidoo kalena waxaa uu sheegay in digil iyo mirifle ay haatan leeyihiin Ra’iisulwasaare ku xigeen balse aanan midkale xaq u laheyn.

Xaaladahan ayaa hadaba cirka isku sii shareeraya iyadoo cabsi weyna laga qabo in baarlamaanku uu laba o ukala qeybsamo iyadoo ay kukala shaqeyn doonaan laba gudoomiye baarlamaan taas oo keeni doonta in waxbadan leyska weydiiyo jiritaanka dowladda oo dhan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: