War Deg Deg ah: Xildhibaanno kulan ku yeeshay Muqdisho oo sheegay inuusan jirin wax xal ah oo laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Baarlamaanka iyo Ciidamo ka baxsadey Dowlada

Xildhibaanno maanta shir ku yeeshay Muqdisho ayaa kasoo horjeestay hadalkii shalay kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ahaa in xal laga gaaray khilaafkii Baarlamaanka ka dhex taagnaa.

Mudane Cumar Islow Maxamed oo shir jaraa’id qabtay kaddib kulan ay yeesheen 300-Xildhibaan oo kasoo horjeeda guddoonka Baarlamaaka ayaa sheegay inaysan jirin wax xal ah oo laga gaaray khilaafkii baarlamaanka.

“Khilaafkii baarlamaanka Soomaaliya weli waa jiraa mana jirto wax xal ah oo laga gaaray, xalka laga gaari karana waa in sharciga u yaalla baarlamaanka lagu xalliyo khilaafka taagan” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in go’aankooda aysan ka laabanayn, isla markaana aysan ku raacsanayn Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif hadalkii uu shalay ku sheegay in laga gaaray xal khilaafkii u dhexeeyay Baarlamaanka.

Dhanka kale, Mudanayaashan ayaa waxay cambaareyn u soo jeediyeen Ergayga gaarka ee Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah Soomaaliya Axmed Walad Cabadalla iyagoo sheegay inuu doonayo inay burburto Dowladda.

“Hadalkii kasoo baxay Axmed Walad Cabdalla ee ahaa in khilaafka Baarlamaanka uu yahay mid macno-darro ah waxaan u aragnaa inuu yahay mid uu ku doonayo inuu ku burburiyo Dowladda Somalia si shir kale oo dib u heshiisiin ah loo qabto” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow.

Xildhibaannadan ayaa shirkooda wuxuu imaanayaa iyadoo shalay Madaxweyne Sheekh Shariif uu sheegay in la dhameeyay khilaafkii u dhexeeyay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, lana furayo kulammada baarlamaanka iyadoo la mideysan yahay.

Warar kale ayaa sheegaya in Wakaalada wararka ee AP ayaa war ay qortay ku sheegtay in boqolaal askar Soomaaliyeed oo tababarkooda lagu bixiyay malaayiin dollar oo ay bixiyeen dalalka Reer Galbeedka, inay ka baxsadeen ciidanka taasoo sabab looga dhigay ka dib markii ay waayeen mushaharka bishii la siiyo oo gaaraya $100 bishiiba.

Qaar ka tirsan askartaasi waxaa la sheegay inayba ku biireen kooxaha lala xiriirinayo al-Qaacida ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Dowladda Maraykank ayaa bixisay kharash garaya $6.8 Milyan oo dollar oo lagu bixinayo barnaamijyo lagu tababarayo ilaa 1000 askari oo sanadkii la soo dhaafay lagu tababaray dalka Djibouti iyo 1,100 askari oo iyaguna sanadkii la soo dhaafay lagu tababaray dalka Uganda.

Horraantii sanadkan waaxda arrimaha dibadda ee dalkan Maraykanka iyo diblomaasiyiin reer Galbeed ahi waxay sheegeen in qorshuhu uu ahaa in askarigiiba la siiyo $100 bishiiba. Laakiin Korneyl ka tirsan ciidamada miligariga oo lagu magacaabo Axmed Aaden Dhayow oo ka soo jeeda Digil & Mirifle ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in kalabar ciidamadaasi ay mushahar la’aan darteed askarnimada uga baxsadeen, iyagoo u kala qeybsamay kuwo ku biiray al-Shabaab iyo kuwa isaga fariistay askarinimada.

Balse saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa been iyo brobogaando ku tilmaamay inay ka baxseen ciidamo ka tirsan ciidankii dhawaan lagu soo tababaray Djibouti.

Ciidankan dibadda lagu soo tababaray ee la sheegay inay ka baxsadeen xeryaha dowladda waxaa lagu qiyaasay kala bar, tiradaasoo ah tiro aad u ballaaran.

Inkastoo taliyaha ciidamada dhulka ee dowladda KMG ah uu beeniyay warkan baxsashada ciidanka, haddana wasiiru dowlaha amniga ee dowlada Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa qiray in ay jiraan ciidamo ku biiray mucaaradka dowladda, balse wuxuu ka gaabsaday inuu sheego tiro ahaan inta ay la eg yihiin, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Beesha caalamka ayaad mooddaa inay dhankeedana ku fashilantay inay hubiso in mushaar joogto ah loo helo ciidanka DKMG ah, si looga waabto inay baxsadaan ama ku biiraan kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: