War Deg Deg ah: Dagaal ka socda Guriceel

Wararka laga hellayo degmada Guri-ceel ee Goballka Galguud ayaa sheegaya in saakay Waabarigii hore dagaallo u dhaxeeya Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrkada Mujaahidiinta Al-shabaab ka dhaceen deegaanno hoos taga degmada Guri-ceel ee Goballka Galaduud.

Sida uu HOL u sheegay Wariye jooga Degmada Guri-ceel dagaallka xoogaasi ayaa ka dhacay deegaannka lagu magacaabo Ceel-baxay kadib markii ay halkaa weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ilaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallka saakay la sheegay in uu dhaxmaray labada dhinac, inkastoo Saraakiil u hadashay Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab sheegeen in ay la wareegeen gacan ku heynta goobihii lagu dagaallamay.
Dagaalka saakay ayaa daba jooga dagaalo maalmihii ugu danbeeyay dhinacyada isaga soo horjeeda

Goballada Bartamaha Soomaaliya ee Al-shabaab iyo Ahlu Sunna ku dhaxmrayay deegaanno badan oo ka tirsan Goballka Galgaduud oo ka mid ah goobaha ay ku xooga badan yihiin Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljmeeca.

Waxaana xusid mudan in dagaallkan u danbeeyay ee ka dhacay Goballka Galgaduud qeyb ka yahay doonista Xarrakada Al-shabaab ee ah in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaannada ay Maamulaan Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca iyaga oo horay ula wareegay deegaannada Masago-waay, Galcad, iyo Ceel-dheer oo ka tirsan Goballka Galgaduud.
Saraakill ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo saxaafada la hadashay ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heeynta deegaanka Ceelbaxay ee maanta daagaalka ay kula galeen ciidmada Ahlu Suna Waljamaaca.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: