Dowladda Mareykanka oo hub cusub siisay dowladda KMG Soomaaliya

Warar aynu ka helnay ilo ku dhow dhow dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegaya in hub cusub uu Mareykanku ugu deeqay dowladda KMG Soomaaliya.

Hubkaas oo ay ka mid yihiin gantaalo kala duwan oo qaarkood ay madaafiic ka dhacdo, hubka fudud iyo rasaastooda iyo saanadao kale oo ciidan ayay wararku sheegayaan in dhinaca ururka midowga Afrika loo soo marsiiyey looguna soo dhiibay ciidamada AMISOM.

Hubkan cusub ee dowladda Mareykanku siisay dowladda KMG Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay eedeymo kala duwan u jeedinayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, ciidamada dowladda KMG iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda, kuwaasoo lagu eedeynayo inay hub culus ku dhex ridaan shacabka.

Qaar ka mid ah hay’adaha eedeynta u soo jeediyay dhinacyadan ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay hub culus u isticmaalaan goobaha ay degan yihiin dadweynuhu.

Dhinaca kale Midowga Afrika oo eedeynta iska difaacay ayaa sheegay inaysan ciidamadooda wax madaafiic ah ku ridin goobaha ay dadka shacabka degan yihiin, waxayna ku doodeen in ciidamadoodu ay hubsadaan meelaha ay hubka ku ridayaan.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho aysan dadka shacabka hub ka dhex ridin, balse sida uu yiri ay kooxaha ka soo horjeeda shacabka dhexdiisa hubka ka soo dhex tuuraan, kana soo weeraraan.

Hadalkan Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ah mid xaqiiqada aad uga fog, iyadoo dadka Muqdisho ku sugan ay ogyihiin xaqiiqda, wariyeyaashuna ay ka soo weriyaan warar sugan, waxaana lawada ogyahay in ciidamada AMISOM ay duqeeyaan goobaha ay shacabku degan yihiin marka weeraro culus ay kala kulmaan kooxaha hubeysan ee dagaallada kula jira.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: