War Deg Deg ah: Qaraxyo aad u daran oo ka dhacay Masaajidka ku yaalla Suuqa Bakaaraha iyo Afhaeenka Al-Shabaab oo ka hadlay

Ugu yaraan 30-qof ayaa ku dhintay Qaraxyo is-xigay oo maanta duhurkii ka dhacay Masaajidka Cabdalla Shideeye ee suuqa Bakaaraha, waxaana ku dhaawacmay tiro ku dhow 60-qof.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qaraxyadaas aan laga gaarin hadafyadii laga lahaa oo uu ku sheegay in waxyeello lagu gaarsiiyo Mujaahidiinta iyo dadka kale ee Muslimiinta ah.

Sheekh Cali Dheere wuxuu ku eedeeyay Qaraxyadaas shirkado uu sheegay inay xiriir la leeyihiin Dowladda Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay inay horay uga digeen inay doonayaan inay qaraxyo ka geystaan Masaajidda iyo goobaha kale ee la isugu tago.

Dadka ku dhaawacmay qaraxyadan ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shangole) oo ka mid ah saraakiisha Xarrakatul Shabaab isagoo khudbad ka jeedinaayey Misaajidka , iyadoo la sheegay in dhaawiciisa uu yahay mid fudud loona qaaday goob lagu daweynayo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydadka dad badan oo daadsan hareeraha masjidka markii uu qaraxu dhacay, kuwaasoo isugu jiray kuwo uu qaraxu kasoo saaray masjidka iyo kuwo halkaas maraya.

Madaxa Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah Cali Muuse Sheekh ayaa isna sheegay inay ka qaadeen Masjidka 30-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, loo qaaday intooda badan Isbitaalka Dayniile oo ku yaalla duleedka Muqdisho.

“Hareerihiisa Masaajidka waa daadsan xubno dadeed oo qaarkood guban, waxaan arkay dad badan oo dhaawacyo fudud ay soo gaareen, dadka qaarkood qaraxu wuxuu ka xiray dhegaha” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa Masaajidka oo HOL la hadlay.

Ma jirto koox sheegatay inay qaraxyadaas ka dambeeyeen, iyadoo qaraxan uu ahaa mid argagax weyn ku reebay dadkii ku sugnaa suuqa Bakaaraha, wuxuuna dhacay xilli la isku diyaarinayay tukashada Salaadda duhur.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG ee Soomaaliya Daahir Max’uud Gaale ayaa waxaa uu cabaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay Masjidka kuyaala gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Isagoo u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG ee Soomaaliya waxaa uu Tacsi u diray dhamaan dadkii Shacabka ahaa ee ku nafwaayay qaraxyadii miinooyinka ahaa ee Maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

“Waan ka xunnahay waana ka tacsiyeyneynaa, waa fal muujinyo in ay san jirin caqli wanaagsan iyo diin ka badbaadisa dhibaatada lagula ka cayo goobaha xurmeysan” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: