M.Dhere oo Puntland cambaareyay shegayna Baydhabo iyo Xamar in ay joogaan Sharmarke iyo Shongale.

hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa ka hadlay qafaalka kasoconaya Puntland ee lagu daad gureynayo dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ay haatan magan galyo u fidisay maamulka Galmudug.

Maxamed Dheere ayaa cambaareeyay falkaasi ay Puntland kula kacday dadka xoogsatada ah ee jooga Puntlandoo ka soo jeeda Digil & Mirifle & Hawiye, isagoo sheegayna in ay hada Baydhaba iyo Muqdisho ku sugan yihiin dad kasoo jeeda Puntland kuwaasoo mucaarad iyo muxaafidba leh, Maxamed Dhere waxaa uu yiri “waxaa hada nala jooga Cumar Cabdirashiid iyo Fu’aad Shongale oo reer Puntland ah, ha ogaadeen in Raxanweyn iyo Hawiye ay ka soo ceerin karaan nimankaas iyo wax la mid ah Magaalooyinka Xamar iyo Baydhaba’ “.

Warar kale ayaa sheegaya, Dowladda Mareykanka oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Kenya. Dowladda mareykanka ayaa muwaadiniinteed uga digtay in ay u safraan dalka Kenya , iyadoo sheegtay in hanjabaado is daba joog ahi ay ka dambeeyeen qaraxyadii dhiigga badanii ku daatay ee goor hore oo bishan ah ka dhacay dalka Kenya la dariska ah ee Uganda.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa iyaduna ku boorrisay muwaadiniinta Ameerikaanka ah in ay feejignaadaan marka ay joogaan goobaha dadku ku badan yihiin , waxa ayna ka dalbatay in ay ka fogaadaan shirarka waaweyn iyo bannaanbaxyada .

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku sheegtay war ay soo saartay” tan iyo qaraxyadii 11 July ka dhacay magaalada Kampala , ayna mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda argagixisada ah ee Alshabaab , goobaha dadku isugu yimaaddo waxaa soo food saartay khatar sii kordheysa”.

Digniinta Mareykanka ayaa timid iyadoo toddobaadkii hore uu iska hor imaad hubeysani xadka Somalia iy Kenya ku dhex maray ciidammada ilaalada xadka Kenya iyo maleeshiyaadka Shabaab ee gacanta ku heysa deegannada ku teedsan labada dal.

Maamulka Puntland oo Itoobiyaanka ku soo dhaweyneysa deeganadeeda xili Soomaalida Koonfurta ay rafayaan.

One Response to “M.Dhere oo Puntland cambaareyay shegayna Baydhabo iyo Xamar in ay joogaan Sharmarke iyo Shongale.”

  1. waloos Says:

    webkaan aad ayaan u jeclahay waayo wuxuu wataa magaaladii aan ku dhashay magaceeda ilaahay waxan uga baryaayaa dhamaan dadka wajid degan iyo ehelkisaba inuu barwaaqo iyo nabadgalyo waarto ku nooleeyo waana salaamayaa dhamaan dadka reer waajid

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 57 other followers

%d bloggers like this: