DHAAYOW 9 JIR BAYDHABO KUNOOL, ANIGU SANADKAAN DHAR CIID MA RABO

Dhaq dhaqaaq ganacsi oo aad u xoog badan ayaa laga dareemayaa Suuqyada magaalada Baydhabo kuwaasi oo loogu diyaar garoobayo Munaasabadda Ciidul Fidriga ee dhawaan curanaysa.
Magaalada Baydhabo oo ah meel aad u nabdoon waayahaan dambe ayaa dadka ku dhaqan magaaladaasi waxay isku diyaarinayaan sidii ay u gelin lahaayeen xafladaha iyo munaasabadaha maalinta ciida oo inooga harsan maalmo qura.

Suuqa Bacaadlaha Baydhabo oo ah suuqa ugu weyn ganacsiga magaaladaasi ayaa shacab farabadani buux dhaafiyeen kuwaasoo inta badan dharca maalinta ciida loo iibinayo caruurta aan qaan gaarka ahayn iyo dadka waa weyn si maalinta ciida loo weyneeyo.

Goobaha lagu Iibiyo Dharka qeybihiisa kala gedisan ayaa Zazmada laga dareemayaa waxaana jira wax kala gadasho saa’id ah waloow magaalada muqdisho oo dhaq dhaqaaqii gacni ay la laheyd magaalada Bayhdhabo uu yeraadey waayahaan dambe maadaama suuqii bakaaraha ay ku socotay duqeymo xoogan.

Isu soo wada suub duub dhaayow oowiil 9 jir ah Baidoanews.com ay wax ka weydiisey sida uu u arko bilashada dhowaan ciida ayaa waxa uu sheegey in sanadkaan uusan ciideynin maadaama ay caruur badani oo muqdisho kunool aaney ciideynin sanadkaan dagaalo halkaa ka socda awgeed, asaguna aan rabin lebiska ciida wuxuuna dhaayow sheegow oo sheegey in uu murugta la qeyb sanaayo caruurta soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.

Warar kale: Talaado, August 31, 2010(HOL): Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ka qaraxday inta u dhaxeysay Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo Ex-Koontarool Afgooye ayaa waxay ku qaraxday seddex gaari oo nooca dadweynaha ah, kuwaasi oo ay la socdeen dad rayid ah oo u sii kala hoyaadayay Degmada Madiina iyo Ceelasha biyaha oo ah meelaha ay haatan baaqiga ku sii yihiin dad badan oo ka qaxay gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxaas miino oo aan la ogeyn in uu iskiis u dhashay iyo la qarxiyay ayaa wuxuu geystay dhimashada 9 ruux iyo dhaawaca 25 ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah. Seddexda gaari ayaa mid ka mid ah wuxuu ku socday degmada Madiina, halka labada kalena ay ku sii jeedeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaas oo qaarkood uu dhaawacooda aad u daran yahay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Madiina oo inta badan la dhigo dadka ku dhaawacma gudaha magaalada Muqdisho.

Jidka uu qaraxa Miino ka dhacay ayaa waxaa uu yahay midka kaliya ee ay isticmaalaan dadka isaga kala goosha magaalada Muqdisho, waana markii ugu horreysay oo uu ka dhaco qarax waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah. Waxaa mar mar dhici jirtay in Waddadaas qarax miino loogu geysto ciidamada Amisom ee ku jira Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo Ciidamada Dowladda.

Dhanka kalena, waxaa galabta si aad ah loo duqeeyay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha iyo Xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere iyo Yaaqshiid. Waxaa la soo sheegayaa in duqeyntaas ay waxyeello u geysatay dad rayid ah oo aanan waxba galabsan.

Faallo u dhaaf