Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan sheekh Aadan oo soo gabagabeeyay Socdaalkiisii dalka Iran


Af–Hayeenka Golaha BaarlamaankaSoomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo uu ku maraayay qaar ka mid ah wadamadda dalalaka aduunka Gaar ahana Dalka Iiraan oo maaalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa isaga iyo wafdigiisa.

Wafdiga shariifka ayaa soo gaaray haatan Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo xildhibaanadii la socday ay soo gaareen Dalka Kenya kuwaaso soo jeeda magaaladda Muqdisho,
Af-hayeenka golaha Baarrlamaaka ayaa kulamo la soo yeeshay Dhiggiisa waddanka Iiraan sida gudoomaiayaha baarlamaaka Cali Larijani iyo , Madaxweynaha IranAxmadi Najad , Wasiiro ka tirsan Dowladdaasi iyo masuuliyiin kale.

Madaxda waddankaasi ayay ka wada hadleen sidii iskaashi ay yeelan lahaayeen Baarlamaanada laba dowladood, in Soomaalida laga caawiyo Dhinaca Caafimaadka Baarlamaanka iyo shacabkaba iyo in Iran ay kaalin ka qaadato taageerada loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu aafeysay.

Qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka somaliya Ninka lagu magacaabo Cali Seeko oo ka tirsanaa wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in la magacaabay guddo ka kooban Iraaniyiin iyo Soomaali kuwaas oo dardargelin doona waxyaabaha la isku afgartay.oo laga wada hadlay intii ay ku sugnaayeen wadanka Iiraan.

Faallo u dhaaf