Amiirka kooxda Al-Shabaab Ina Godane ayaa maanta u direy gabay , qabiilka Ogaadeen waana tan tixda:
1. Ogaden dalkiisii ka carar door ahaan jiraye
2. Dekedii kismaayood ka baqey doora weynuhuye
3. Duuflaale goortii dagaal loola daal jiraye
4. Dul-joogii badnaa baa eryiyo dooyadii qoriye
5. Diide oo fakade waa waxey dir u lahaayeene
6. Kala dide finiinkii sidii deero iyo cowle
7. Derebkiyo oomaarkii ma galo deebluhuu dhaqaye
8. Daaraan ka simay ceelashii dararka weynaaye
9. Darbi baan ka riday wiilashii diinta caasiyaye
10. Waa kaa dagaagii ku tagay dariski gaalaade
11. Waa duqeydiyo suldaan dawar sanaayaaye
12. Darbiyada ha jiifeen ileyn diinti caasiyaye
13. Dabcigeygu uun baan aqoon duulka uu yahaye
14. Sidii dowra muuda ah waxaan dibada meeraabe
15. Dabintuu ku dhacay doqonku waan damac sanaa show’e
16. Dabool igama saareeyn inaan degayo Dhoobley’e
17. Dib waxey ka noqon lama ogeyn deeqa eebahaye’e
18. Daliilkaa nin ragi waa ogaa doqonna moogaaye
19. Dan-u guurka maantaan arlada sahal dawaafaayey
20. Dacwadoodu waa tey aheyd durugyey iidoore
21. Dadow maqal waxaan soo dul degey derebki waamoode
22. Dadwo maqal waxaan soo dul degey derebki waamoode.
U dhaaf Halcelis