Archive for February, 2011

Abuu Mansuur iyo Sh. Fu’aad Maxamed Khalaf oo gaaray Buulo Xaawo, shacabka gobolka Gedo-na ugu baaqay iney is difaacan

February 28, 2011

Saraaakiil sar-sare oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ay ka mid yihiin Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur iyo madaxa dacwada Shiikh Fu’aad Maxamed Khalaf ayaa booqasho ku tagay shalay degmada B/xaawo ee gobolka Gedo xili shantii maalmood ee la soo dhaafay ay dagaalo ku dhexmarayeen gudaha iyo hareeraha degmadaasi xoogaga Xarakada Al-Shabaab iyo ciidamad dowlada Somali oo kaashanaya Ahlu sunna Waljamaaca iyo ciidamo Itoobiyaan ah.

Wararka naga soo gaaraya degmada B/xaawo ayaa sheegaya in markii ay halkaas gaareen Saraakiishan ay bartamaha degmadaas kula hadleen dad kooban oo weli ku sugan gudaha degmada iyagoo ku dhiirageliyey inay dagaalada socda ka qayb qaataan iskana celiyaan ciidamada ku soo duulay.

Abuu-Mansuur wuxuu u balanqaaday shacabka inay Xarakada Al Shabaab u aargudi doonto shacabka ay guryahooda ku gubteen duqeymaha ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Itoobiya ka geysteen halkaas isagoo xusay inay u gudbi doonaan guryo ka qurux badan kana wanaagsan kuwa laga burburiyey “Waxaan idinku amaanayaa sida geesinimada leh ee aad iskaga difaacdeen cadowgii idinku soo duulay ee Itoobiya iyo kooxihii la socday” ayuu yiri Abuu Mansuur.

Madaxa dacwada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Shiikh Fu’aad Maxamed Khalaf oo dadkii isu soo baxay la hadlay ayaa sheegay in cid walba oo duulaan ku soo qaada ay ka adkaan doonaan, wuxuuna la yaab ku tilmaamay in kooxaha dagaalka ku haya degmada ay sheegtaan inay iyagu haystaan B/xaawo, wuxuuna dadweynaha ku dhaqan gobolka Gedo ugu baaqay iney u diyaar garoobaan dagaal looga difaacayo gobolkaasi wax uu ugu yeeray cadow ku soo duulay oo lidi ku ah ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Dhinaca kale xaalada degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta degan inkastoo ciidamada dhinacyada dagaalamay ay isku hor fadhiyaan duleedka degmadaasi daqiiqad walbana la filan karo in dagaal kale uu halkaas ka qarxo lamana oga ilaa hada halka uu ku dambeyn doono loolanka adag ee loogu jiro gacan ku heynta degmada B/xaawo oo dadkii degenaa intooda badan ay uga cararreen dagaalada.

Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku Nool Gothenburg ee dalka Sweden oo gurmad Daawo Gaarsiiyay Isbitaalka Degmadda Daafeed ee Gobolka Shabeelaha Hoose

February 28, 2011

Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden ayaa waxay soo garsiiyeen kharash lacageed oo dhan $1000. Dollar, si wax loogaga qabto Cudurkasi shuban biyoodka ah ee soo ritay caruurta ku dhaqan gobolkaasi Shabeelada hoose, gaar ahaan. Degmadda Daafeed iyo Tuulooyinka hoos tagga.

Lacagtaan ayaa waxa ay u soo wakiisheen jaaliyadda Dalka Sweden Mahad Xuseen Axmed , waxaana lagu iibiyay Dawadii gurmadka ahayd ee loogu tala galay, iyadoo cadadkii loo iibiyayna lagu wareejiyay Maamulka Isbitaalka Degmadda Daafeed ee gobolkaasi Sh/Hoose.

Munaasabad kooban oo lagu qabatay xarunta cusbitaalka ayaa waxaa lagu wareejiyay Dawadaasi Agasimaha Isbitaalka Dr. C/Qadir Shiikh Cumar, waxaana uu sheegay in uu isbitaalka aad iyo aad ugu baahnaa daawada Noocaasi ah ee looga hor tago cudurka Shuban biyoodka, waxaana uu intaasi ku daray in isbitaalka la soo gaarsiiyay kiishash gaaraya ila 35 Kiish oo uu soo ritay Cudurkaasi, kuwaasi oo laga kala keenay sida uu sheegay Degmadda Daafeed iyo deegaanadda hoos tagga.

Agaasimuhu waxaa kaloo uu intaasi ku darey in xiligan lagu jiro uu yahay xiligii kuleylaha, sidaasi darteedna ay qayla dhaan ka soo yereyso 80- Tuulo oo ku dherersan Degmada Daafeed maamulka isbitaalkana aysan awoodiisa garsiisnayn in si deg deg ah wax loogaga qabto.

kiishashkasi iska soo dabadhacaya, isagoo mahad celin guud u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden oo soo gaarsiiyay gurmadkaasi Dawada ah, waxaana uu sidoo kale codsi u jeediyay Jaliyadaha kale ee ku nool dalalka kale in ay ku daydaan oo ay u soo gurmadan
dadkaasi.

isbitalka degmadda Daafeed ayaa waxaa la furay sanadku markuu aha 2009-kii,waxaana uu ka koban yahay 16 Qol oo ay taallo 25 Sariir, waxana ka hawl gala 35 Shaqaale oo iskugu jira mamul iyo shaqaale, waana Cusbitaalka kaliya Degmadaasi leedahay.

Daawooyinka gurmadka ah ee lagu wareejiyay ayaa waxa ka mid aha.
1.Erythoromycine syr.
2.Ringle solution
3. Chlorophinicol.
4. metrinidazol.
5. Gentimycin Inj.20+40 +80.
6. Cortagine Inj, !00 mg+50mg
7. loperamide Cop.
8. Doxyciline Cop
9.ORS Orange.
10. Canol.22+23
11. Peterfly iyo kuwo kale

Midoowe Nuunow Oo Ka Hadley Qilaafka Madaxweynaha Iyo Shariif Xasan

February 27, 2011

Mudoowe Nuunow maxamed ayaa markii ugu horeysey ka hadley go`aankii madaxweynaha dib ugu soo celiyay mudanayaasha baarlamaanka soomaali.

Xildhibaan Mudoowe ayaa waxaa uu madaxweyne shariif ugu baaqey inuu tixgeliyo baarlamaanka soomaali kaasoo uu sheegey in baarlamaanka uu yahay kii madadaxweyne shariif doortey sanadkii 2009 kii.

Sidoo kale mudoowe nuunow ayaa waxaa uu sheegey madaxweyne Shafiif ay baarlamaanka markii Jabuuti ay ugu xiiliyeen musharaxiintii markaas la tartamayay taasna ay u baahan tahay in la tixgeliyo.

Ugu dambeyntii Mudoowe Nuunow waxaa uu u mahadnaqey ciidamada qalabka sida ee dowlada KMG iyo kuwa Amisom oo Dagaal xoogan kula jiraan Xarakada shabaabul mujaahidiin.

Xogta Dagaalka Ee Buulo Haawo

February 27, 2011

3dex Ciidan oo kala duwan oo kala ujeedo ah ayaa soo weeraray Balad Xaawo balse leh ujeedo oo ah in ay Shabaabka jabiyaan, laakiin wax ka badan 4 duulaan oo midkood ay hal mar wada qaadeen, midna ugu yaraan ay labbo kooxood dagaalka wada qaadeen intuba iyaga ayaa lagu jabiyey dagaalka.

Sedexdooda, kooxda aadan meesha ka fileynin waa ciidamo laga keeney magaalada Mooyaale ee dhanka Ethiopia oo hal beel oo sooc ah oo ay Ethiopia soo abaabushey, soona hubeysan, runta lagama reystee waxa ay kasoo gudbeen magaalada Suuf ee dhanka Ethiopia.
Kooxdani markii lagu jabiyey labbo duulaan oo ay qaadeen waxa ay iyaga oo qulqulaya dhex qaadeen magaalada Mandhera oo ay heeb wadaagaan dadka degen, halkaas ayayna difaac ka galeen, maalintii shalay oo dhan halkaasi ayay kasoo ganayeen gantaalo iyo garneelo ay ku basbeeleen guryo Balad Xaawo ku yaala. Waa isla ciidamadani kuwa dhaawacooda lagu daweynayay isbitaalka bisha cas ee Mandera ee maalin dhaweyd ay Shabaabka ku duqeeyeen iyagoo isbitaalka ku jira.
Waxaa xusid mudan in Shabaabka ay kooxdani ka qabsadeen labbo gaari tikniko ah oo uu ku jiro mid dhashiiko ah. Waxay qaadeen duulaan rogaal celis ah laakiin KismaayoNews waxbo kama sheegi karto xogta ku saabsan dagaalkaasi oo aan wali faahfaahintiisa ka war dhowreyno.
Sheegashada Shabaabka ee ku saabsan in ciidamada Luyuu Police-ka ay dagaalada ka qeyb qaateen waa mid waxbo kama jiraan ah sida ay KismaayoNews ku ogaatay dabogal ay arrintaasi ku samaysay, cadaynta koowaad waxa ay tahay in magaalada Suufka ee ay ciidamadani kasoo gudbeen aysan joogin ciidamada Luyuu Police-ka ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaa halkaasi jooga Police-ka Ethiopia iyo Militariga Ethiopia ee caadiga ah, laakiin waxaa xaqiiq ah in ciidamada Ethiopia ay duqeyn joogto ah ka geeysanayaan Balad Xaawo, islamarkaasina taageerayaan ciidamadan sedexda qolo ah ee magaalada soo weeraray.
Qolada kale ee magaalada soo weerartay waa xarakada Suufiyada ee Ahlu Sunnah Waljamaaca oo iyaguna u badan beelo sooc ah, ka sokow in ay diin u dagaalamanayaan hadane waxa ay doonayaan in gobolada Bay iyo Bakool oo ay taageerayaal baddan ku leeyihiin la wareegaan, Shabaabkana gacantooda ka saaraan, sidaasi darteed ayuu Sheekh Murtaar Rooboow Abu Mansuur dagaalada si shaqsiyan ugu soo biirey, waxaana cadayn u ah in uusan isku mashquulin ka qeybgalka dagaalada Muqdisho, kuwa Hiiraan iyo kuwa gobolada dhexe sababtuna waa si uu Baydhabo u difaacdo.
Caqabada ka hor timid Suufiyada taasi oo kaliya ma aha nee sidoo kale gobolka Gedo aad ayay ugu yaryihiin dadka Suufiyada ah, waxaa intaasi dheer in ciidamada magaca Suufiyada ku dagaalamaya ay yihiin beelo sooc ah oo aanan deganayn Gedo, marka la’isku daro labbadaasi arrin waxa ay keentey in Shabaabka ay helaan dagaalyahano badan oo reer Gedo ah oo si niyad ah u difaaca Balad Xaawo.
Kooxda sedexaad waa ciidamada uu wato Barre Hiiraale oo Dooloow ka yimid, waxay ahaan lahaanyeenba waxaa muuqata in Col. Barre Hiiraale uusan tallo badan ku lahayn dagaalka hadda socda, islamarkaasina si dabo-ka-riix ah uu dagaalka ku galay, shaqsiyan isaga kama hadlo dagaalada ee waxaa ka hadla Maxamuud Sayid Aadan oo xildhibaan ah.
Shabaabka ku sugan Balad Xaawo waxaa hogaaminaya Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur, waa maskaxda dajisey kaartada dagaal ee magaalada lagu difaacayo iyadoo aysan micnaheedu ahayn in Shabaabka ay ka awood badanyihiin ciidamada soo duuley, Abuu Mansuur waa nin horey uga dagaalamaya Gedo Xiligii Jeneraal Inaa Xaaji Masale sagaashameeyadii, magaalada waxaa laga qodey dhufeysyo waaweyn oo aanan fooda la galin karin.
Dhanka shacabka qasaaro lixaad leh ayaa gaarey, dadka inta badan waxa ay u qaxeen magaalada Mandhera oo masaafo fogaan arag ah u jirta Balad Xaawo, waxaa gubtey guryo badan oo magaalada ku yiiley waxaana ugu wacan madaafiicda Ethiopia ay soo rideyso, dadka dhintey lama xaqiijin karo tiradooda.
Guud ahaan magaalada Balad Xaawo waa laga guurey, waxaa ku haray kaliya ciidankii Shabaabka ee magaalada Difaacaya.

Hagardaamo Mahaatiri Iyo Foojignaan Darada DigilMirifle “Deyo DigilMiriflow” Q-20aad

February 26, 2011

06-03-1971-di Maxamed Siyaad Barre wuxuu heshiis dhan walba ah la galey dowladii Shuuciga aabaheed aheyd ee soofiyeedka “Soviat” Ruushka.

06-03-1971-di Waxaa Maxamed Siyaad Barre xabsiga uu u taxaabey koox ay ka mid ahaayeen:-

(1) Jen: Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Isaaq)
(2) G/sare: Salaad Gabayare Kediye (Abgaal)
(3) G/sare: C/risaaq Dheel Cabdulle (Majeerteen)

Waxaana lagu eedeeyey in ay inqilaab abaabuleen sidey u dhan yihiin, waxaana lagu xukumey dil toogasho ah, waxeyna noqdeen kuwii ugu horeeyey ee dil toogasho ah lagu xukumo, waxey kaloo ahaayeen kuwii xukunka Siyaad Barre si ku meel gaar ah ugu dhiibey, ka dibna ayaga ayuu ku bilaabey dilka si uu u helo dad ka cabsada oo u hogaansama maamulkiisa, sedexdana wey yaqaaneen asagana waa uu ka baqaayey in mar un ay xukunka kaga takhalusayaan.

Dilka sedexdaas waxey u noqotey in nin walboo hami u lahaa xukunkiisa uu candhuufta dib u laqo, waxaana isla markii bilaabatey cabsi oo aan horey u jirin, nin walba naftiisa ayuu raadiyey siduu u bad-baadsan lahaa.

Ogosto 1971-di Waxaa golihii sare soo saarey qaraar dowlada awood buuxda u siinayo in ay iibsato wixii masago ama geley ah oo beeraha dalka ka soo go’a, ayadoo taa macnaheedu ahaa in si bilaash ah loogu quudiyo qowmiyadooda waa Mahaatiriye, dadka tacabka beeraha ku dhimanaayana ay yihiin qowmiyadda DigilMirifle.

Waxaa kaloo halkaasi ka muuqatey in loo horseedayey in aysan shaqeysan oo fadhigooda lagu quudiyo, hadaad u fiirsatana qof Mahaatiri ah ma rabin in uu is dhibo oo uu wax soo saarto, wuxuuse rabey, rabaana in uu ina adeerow ku noolaado, waana loo yeeley maxaa jira qof ayaa loo dhacaayey, looguna geyn jirey guryahooda, halka kuwa beeraha qodayana ay ka muuqato dhib iyo rafaad, sida caadada ay tahayna waxaa la rabey in beeraleyga lagu dhiiro gelyo hawshan muhiimka ah uu u qabanaayo dalka, iyo siduu kor ugu qaadi lahaa wax soo saarkiisa, halkii ay ka sugaayeen in lagu dhiira geliyo, waxaa loogu bedeley dhac la dhacaayo hantidoodii yareyd, waxaana la wada ogsoon yahay ilaa iyo hadda oo aan dowlad jirin in la dhacohoyo, lana ogsoon yahay yer iyo weynba in beerihii qowmiyadda DigilMirifle lagu heysto xoog iyo qori caaradiis.

Ogosto 1971-di Waxaa la soo saarey qeynuun oronaaya qofkii wax qarsada oo loo wado beeraleyda, ama leexsada wuxuu mudanayaa ciqaab xarig ah iyo ganaax “lacag” laga qaadayo, sidaa darteed dadkii ayagoo arintaa ka careysan ayaa waxey beerihii ku beereen qudaar iyo digir, sida qaraarku uu sheegayana waxey aheyd in dowladdu ay la wareegeyso oo keliya geley iyo masago.

In loo dan lahaa qowmiyadda DigilMirifle waxaa kuu daliil noqonaya, ma jirtaa meel aan dhul DigilMirifle aheyn oo ka baxaan Mesego iyo Geley.
Maxamed Siyaad Barre waxa uun ku raad taagnaa kuwii hore waa Leego’e, hadana wax walba ha isaga soo hor jeedaane waxa ay ka wada mideysnaayeen curyaaminta qowmiyadda DigilMirifle.

Jan 1972-di Jen: Xuseen Kulmiye Afrax oo khudbad ka jeediyey furitaankii shir sanadeedkii taliyeyaasha guutooyinka iyo hor joogeyeyaasha horimaha, waxa uu khudbadiisii ku amaaney Hanti wadaaga, waxa uuna hadalkiisii ku darey ereyo kaftan ah, oo uu ku yiri qofkii ka hor yimaada wadada kacaanka yaxaas ayaa cunaya.

Waxaa la yiri libaax baa dawoco ku yiri “dawacoy maxaa qeybinta ku barey” markaas bey tiri waxaa qeybinta i barey isha durwaa oo banaanka taal, hadalkan waxaan ooga dan leeyahay Xuseen kulmiye hadalkiisii kama aheyn mid uu daacad nimo ka keentaye, waxaa ka keeney toogashadii lagu xukumey ragii sar-sare ee muhiimka ahaa “Ceynaanshe, Salaad Gaba-yare, iyo Dheel” IWM.

Isla Jan 1972-di Waxaa la qaadey olole ballaaran oo lagu hir gelinaayo Hanti wadaaga, waxaana la ballaariyey maamulkii dowladda iyo awooda wazaaradaha, iyo ciidanka nabad sugidda.

Abriil 1972-di Waxaa la soo saarey qeynuun nambarkiisu ahaa “38”, oo ahaa mid awood buuxda siinayo si ay gacan ugu yeeshaan, ama ugu yeelan karaan maamulka arimaha garsoorka.

Waxaana la furey maxkamad sare oo loogu magac darey “Maxkamadda Garsoorka Ee Madaxtooyada Golaha Sare ee Kacaanka” ula jeedaduna ay aheyd si aan sharci u qaban dadka maamulka hayey, sababtoo ah mid aan wax xadi jirin ma laheyn, hadii dacwad lagu soo oogo mid ayaga ka mid ahna waxaa la wareegi jirey maxkamaddan been abuurka aheyd ee loo sameeyey difaac maamulka sare dhexdooda ah, si loo yiraahdo qofkan xaalkiisa waa uu fog yahay, arintiisana waxey gaartey golaha sare.

Isla Sanadkii 1972-di Waxaa la sameeyey wax la yiraahdo Af-Soomaali, sababtoo ah waxaa wadanka ka jirey laba luqadood oo ay kala ahaayeen MAY iyo MAHAATIRI, xitaa dadku waxey u kala qeybsanaayeen May iyo Mahaatiri, Siyaad Barre-na waxa uu la yimid in uu yiraahdo waxaan sameynayaa af-Soomaali, taa waa hadal fiican hadii uu Soomaalida u sameynaayo hal luqad oo Central “dhex-dhexaad” ah.

Waxaana lama huraan aheyd in uu u diro dad soo ururiya xogta ka jirta magaalo walba ama qolo walba, oo aan ka wado luqadaha looga hadlo wadanka, ka dibna ay sameeyaan wax dadku ay isku fahmaan, lamana sameyn taa ee waxaa si khasab ah qowmiyadihii kale ee aan u dhalan Mahaatiri lagu khasbey in ay bartaan, islamarkaana waxaa hoosta laga wadey in la baabi’iyo luqadihii iskuulaadka lagu qaadan jirey sida Carabiga, Ingriiska, Teliyaaniga, waxaa kaloo si rasmi ah loo dar-dar geliyey in qofkii aan Mahaatiri ku hadlin khasab looga dhigo in uu ku hadlo, hadii uusan ku hadlinna uu noqdo mid aan wadanka xuquuq ku laheyn.

Raadiyo Moqdhisho waxa uu ku baxaayey labada luqadood ee Soomaaliya ugu weyn ee kala ah Maay iyo Mahaatiri, ka hor xukunkii meleteriga, talaabooyinkii ugu horeysey ee uu qaado Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa ka mid ahaa in uu Radio Mogadisho ka joojiyo luqadda Maayga, tan xigteyna waxey aheyd in qowmiyadda DigilMirifle ay wada bartaan afka- Mahaatiriga, waxaa kaloo taas hoos socdey in qofkaan Mahaatiri ku hadlin aan shaqo la siinin, iyo weliba waxaa qorshahooda ku jirey in cadaadis laga saaro xafiisyada dowladda hadii ay wax ooga soo baahdaan, laguna oran jirey waryaa kaagaas Af-Soomaali ku hadal ama ka bax xafiiska, intaan hadaladan la isla gaarina waxaa ka horeeyey, in qof DigilMirifle u dhashey uusan xafiis dowladeed kabihiisa la soo galin jirin, sababtoo ah waxaa lagu oran jirey kabahaaga hala soo gelin xafiiska, kaan Af-Mahaatiri ku hadli karinna xaqiisii ma uusan doonan karin, hadii la dhacaayana ma uusan dacwoon karin, hadaba waxaa xaqiiqo ah gumeysigii wadanka gumeysan jirey waxaa sedex jeer ka xumaa kii Mahaatiri ay ku hayeen qowmiyadda DigilMirifle.

Qore:isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

Hagardaamo Mahaatiri Iyo Foojignaan Darada DigilMirifle “Deyo DigilMiriflow” Q-19aad

February 17, 2011

Hadaba gobolkaas bay waxaa loogu tala galey in loo dhameeyo, aana la helin dhaqaale asaga u gaar ah, ama dhismo qurxiya magaalada, sababta ay taa u dhaceyseyna waxey aheyd ayadoo had iyo jeer loo dhiibayey dad aan deegaanka u dhalan, islamarkaana aan laheyn aqoon wax lagu kala wado.

22 may 1970-ki wuxuu jeediyey khudbad kale oo uu ku yiri qof kasta oo uu mas’uul meel ka yahay oo aan la socon ujeedada kacaanka waxaa waajib ku ah in uu isag tago shaqada uu hayo.

Sep 1970-ki waxaa la soo saarey qaynuun loogu magac darey “ Ilaalinta Nabad-gelyada Qaranka”, hase yeeshee ujeedadiisu aheyd in loogaga gaashaanto af-gembi kaga yimaada ciidamada iyo shacabka oo wada jira.

17 sep 1970-ki waxaa la soo saarey xeer waajib ka dhigaya in shaqaalaha dowlada kuwii hore iyo kuwa cusub-ba la mariyo tababar ciidan, waxaana laga bilaabey macalimiintii, waxeyna ku mari jireen “XALANE” meeshaas oo aheyd dugsiga tababarka ciidamada, markii danbena la hir geliyey in qofkii “BIIBI” raba in uu noqdo la soo marsiiyo Xalane, waxaana la sharciyeeyey in uu qofka biibiga ah uu ku soo jiro xalane sedex bilood, ka dib ayaa loo ogolaa in uu macalim iskuul noqdo.
Nin macalimiinta dugsigaa tababarka xalane ku jirta ka mid ahaa, asagoo gabar fariin u diraya ayaa waxa uu yiri:-

(1) Ma ogtahay badweynta hindiya baan ku ag wareegaaye.
(2) Ma ogtahay askari jaahil ahaan ka amar qaataaye.
(3) Ma ogtahay anfacadaa cunaa ma laha ii daaye.
(4) Ma ogtahay waxaan eedsadaa odeyga weeyaane.

21 Okt 1970-ki waxaa la gudoomiyey oo lagu dhawaaqeyin la qaato, laguna dhaqmo cilmiga “Hanti Wadaaga Ku Dhisan”.
Islamarkiiba waxaa ooda laga qaadey dad laga cel-celin jirey xoolo dad in ay dhacaan, waxaase loo fududeeyey habkey wax u boobi lahaayeen, waxaana islamarkiiba si isdaba joog ah loo soo degey dul beereedkii, oo dadkii lahaana lagu qasbey in ay dadkaas soo dhaweeyaan, qofkii arintaa ka soo hor jeestana uu muteysan doono ciqaabteeda, dadka boobka ku soo degey dhul beereedka waxa ay la yimaadeen qaacido ah, hanti wadaag baynu nahay, sidaa darteed hantidan waan isla leenahay, hadaad ii diidana sharciga ayaan isla tageynaa, oo waxaad ka soo hor jeedaa kacaanka u jeedooyinkiisa, waxaadna noqoneysaa kacaan diid.
Waxaana dhacdey in ragii guryahooda lala maamulo, haweenkooda iyo gabdhahooda galab walba looga waco orteeshimada, hadey imaan waayaana guryahooda laga gaba-gabeynaayo, ninkii guriga lahaana uusan ka hadli karin waxa gurigiisa ka dhacaaya, haweenka qaarkoodna ayagaa ragooda ugu hanjabi jirey waxaad tahay kacaan diid, waana ku dacweyn doonaa, qaarkoodna waa ay aamusi jireen, qaarkoodna xarigey ka doorsan jireen.

10 Nov 1970-ki waxaa dadkii askarta ahaa ee xukunka xooga ku qabsadey dejiyeen qaynuun ay ku magacaabeen “Difaaca Bulshada” oo lagu tir-tirayey darajooyinka madaxda xagga qabaa’ilada ee soo jireenka ahaa, laguna bedeley “Nabad-doon”, sidoo kalena laga xarimey xeer Soomaali iyo Xaal mastuur.

Dec 1970-ki waxaa la bilaabey olole joogteyn ah oo loogu magac darey ololihii “Aaska Qabyaaladda, Dulmiga iyo Musuqmaasuqa”.
Sida la wada ogsoon yahayna qabyaaladda waxaa laga duugey oo keliya dadka degan inta ka hooseysa BELED-WEYNE, inta Beled-weyne ka koreyseyna sideeda ayaa looga dhaqmaayey, waxaana si toos loogu dhaqmaayey gudaha xukuumadda, oo dadkuna oran jireen qabyaaladda waa la duugey, ayaguna waa ay u nooleyd,
Dhinac kale waxaa looga dan lahaa in lagu baabi’iyo is aqoonsiga Qowmiyadda DigilMirifle, maadaama ballantii Mahaatiri ka dhexeysey ay aheyd in si wada jir ah loo cadaadiyo loona baabi’iyo jiritaanka Qowmiyadda Digil iyo Mirifle dhan walboo suuro gal ah.
Waxaana lagu yiri qabiil waa la duugey ifkana laguma hayo nin REEWING ah oo Governatore ka noqdey Gobolka Bay, amaba gobolada soomaaliyeed, haduu noqdeyna wuxuu amar ka qaadan jirey dadka ka hooseeya, awoodna kuma laheyn jegadiisa, waxaase cad in gobolka Bay Mahaatiri un isku bed-bedeli jirtey, waxaa kaloo jirta in qeybta 60-aad ee Baydhabo laga maamuli jireyna taliye qeyb iska daaye uusan nin REEWING ah abaanduule xitaa ka noqon, marka su’aasha la is wediinaayo ayaa ah xagee bey ka timid qabyaaladii mar hore la aasey?.

Jan 1971-di Waxaa la soo saarey qeynuun mamnuucaya dhamaan qoraalada aan soo marin xafiiska “Faaf Reebka”.
Waxaana halkan aan ka garaneynaa in ay bilaabatey caburin shacabka iyo Diktaatoornimo, Keligii talinimo.

04-03-1971-di Waxaa la soo saarey qeynuun maxkamadda bad-baadada awood u siinaya in dil toogasho ah ay ku xukumi karto qofkii laaluush qaata, ama hanti dowladeed lunsada ama qofkii wax la qabsada hay’ad madax banaan ee dalalka shisheeye.
Qodobka maxkamadda awooda siinaya waxa uu qabtaa oo keliya dadka dan-yerta ah oo aan heysan meel ay cuskadaan, waxaana inoogu filan guyihii la oran jirey “BOOLI QARAN”, sida la wada ogsoon yahayna xoolahaas waxey ahaayeen xoolo la lunsadey, mase la arkey qof loo toogtey.
Tusaale kale warshadii Mareerey waxaa la degey hal qof oo keliya, lacagtuu ka dhaceyna waxey gaareysey $5,000,000 oo Doolar, maxaa loo toogan waayey qofkaas, ilaa iyo wuu nool yahay.
Waxaase la arkey dad badan oo shaqaale ahaa oo u dhashey Digil iyo Mirifle loo toogtey SH.So 100,000, baqol kun oo shiling Soomaali ah, halka dadna ay lunsadeen shan malyuun oo doolar, ayna weli nool yihiin, qaynuunkaas dadka lagu tooganaayo wuxuu u soo baxey oo keliya dadka ku abtirsada qowmiyadda DigilMirifle, looguna dan lahaa si lagu xadido dhaq-dhaqaaqooda maaliyadeed iyo aqooneedba, sababtoo ah kuwa la toogan jirey waxey ahaayeen kuwo aqoon yahano ahaa, iyo wax garad, taana waxey qeyb ka aheyd curyaaminta qowmiyadda DigilMirifle.

Qore:Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

Hagardaamo Mahaatiri Iyo Foojignaan Darada DigilMirifle “Deyo DigilMiriflow” Q-18aad

February 10, 2011

In dhoweyd orka maansiyo, Geeraarkaan alifaayey waa tii aan iska oodey, arwaaxdeyda ka saaraye bal aan maanta ishaaro’e.
Nimuu maanta amaano, berina af xumeeyo, abtirsiinyo ku faankiyo axdi la isku ogaayoo odeyaalo dhigteenoo la isku oofin kareyn Afrikaanku ma daayoo waa waxaan ku aqaano, Illaah baa ku abuurey aanse la igama eego, asluubteyda ma aha’e.
Nimanyahoow Askareedoo Aayihii Wadankeenoo awoodii la wareegaan ereygeygaan oranaayiyo oraahdiisa dhegeysta.
Tobankii arimood ee arligeena xumeeyey hadii aan arki waayo intaan ifka joogo weydin aaminayaa:-

(1) Ereyga iigu horeeya:- In dhoweyd Diinta Islaamka waa tii aan ilowney iyada waaba la aasaye, hadaan hadda abuurno ubadkeeda la taago, intaan ifka joogo weydin aaminayaa.

(2) Ereygeygan labaade:- Abtirsiinyadan baasoo umadii kala geysey oo u gaareysey dadkii hadii aan arki waayo intaan ifka joogo weydin aaminayaa.

(3) Ereyga ii sedexeeya:- Ka awoow ka awoow aafadii na dhex tiiliyo, aramadii nagu raagtey umad la isugu aariyo aduun ay kala qaado hadii aan arki waayo intaan ifka joogo weydin aaminayaa.

(4) Ereyga ii Afareeya:- Dadkan waa ibnu Aadamoo illaaq baan laga waayinoo, ibleys baa ka dhex buuxa’e, labadii is ashtakeysa oo imaan doonta agtiina hadii aan loo kala eexan, intaan ifka joogo weydin aaminayaa,

(5) Ereygeyga Shanaad:- Ardadii yar-yared oo dhiganeysey iskuulkiyo, maalintey aflaxeysa oo imtaxaan laga qaado, kii aqoonta lahaa uur ku taaliyo ciil hadba meel kula ooyo, mid kaloo eber taagan abaartiisii la siiyo, hadii aan arki waayo intaan ifka joogo waa idin aaminayaa.

(6) Ereygeyge Lixaad:- Nin ardaal ahoo waalanoo iimaankii laga qaadey,
A’leylkii soconaaya, aqal uusan aqoonin albaabkiisa garaaca, hadba ruux afka saara, inta been ku afuufa anfac saas lagu siiya hadii aan arki waayo, inta aan ifka joogo waa idin aaminayaa.

(7) Ereyga ii Todobeeya:- Wax amaah lagu keeney, wax intaan ku ooney oo arligeena dhexdiis canshuur looga aruurshey in uu nin aqoosho, aqal loogu dhisaayo, amaana loogu daraayo hadii aan arki waayo, intaan ifka joogo weydin aaminayaa.

(8) Ereyga Sideeda ah:-Illaahii na abuurtey, nin asmadii ku dhaartey, axdi weyn inta qaadey misena oofin kareyn, hadii aan arki waayo weydin aaminayaa.

(9) Ereygeyga Sagaalna:- Arligeynu laheyn ugub weeye hadeere arzaaq baa ka dhex buuxda, hadii aan abuurno, masaakiinta ku oominoo, la aruursho agoonta ee af-Soomaali la beero, intaan ifka joogo weydin aaminayaa.

(10) Ereyga ii Toboneeya:- Iniqi ii daba taal, hadii aan joogo aduunka, ragiinaa arliga heysta odeygii u sareeyey arintuu ku dhawaaqayey maqashiiyey aduunka, hadii aad abidaanoo sidaa ay ku idlaatana awoodiina ha raagto yaan hadalkii ku idleeyey.

Waxaan Xaashi Cali Barre geeraarkiisa ka dhadhan saneynaa in wadanka ay ka jirtey Musuq-maasuq, Eexasho, Dhiig-miiradnimo.
Waxa kaloo uu ka hadley xaga wax barashada, wuxuu gabyaaga sheegeyna waa wax ka jirey wadanka, welibana uu sii balaartey xiligii xukunkii meleteriga, dhasheyna sanadkii 1969-ki, ka dibna tii rayidka oo si cadaalad daro u sameyn jirtey falalkaas.
Waxaa kaloo taas u wehlisey in ay dili jireen kan aqoonta leh oo u ololeynaya danaha dadka iyo dalka, waxaana ka mid ahaa USTAAD CUSMAAN oo u ololeynayey nidaamka federaalka, laguna diley gurigiisa hortiis goor aroor aheyd.
Xukuumadii rayidka aheyd waxaa ka sii darey, tii meleterigii oo uu ku khudbeeyey madaxweynahoodii Maxamed Siyaad Barre, in uu yiri waa la tuurey Maxaad taqaan iyo yaad taqaan, uuna sii yiri waxaa wadanka wax ka ah ninkii u hogaansamo kacaanka, isla markaana daacad u noqda, isagoo ula jeeda meleteriga ugana dan lahaa in uu meleteriga ku bedelo kuwii shicibka ahaa ee jegooyinka ka hayey wadanka, ha ugu yaraadee gudoomiye degmo.
Maarso 1970-ki wuxuu Siyaad Barre khudbad u jeediyey shaqaalaha, asagoo yiri waxaan qofka shaqaalaha ah ee u shaqeeya dowladda ku qiimeynayaa u toosnaanta kacaanka, wuxuuna yiri maxaad taqaan yaad taqaan waa la tuurey, waxaa wax noqonaya oo keliya qofka askariga ah iyo qofka u ololeeya kacaanka, sida qofkii taga “oryanteeshanka”.
Waxaana bilaabatey in governatoore laga dhigo qof aan aqoon laheyn sida “Faarax Tima weyne” oo orteeshanka boondheere ka ahaan jirey kuwa haweenka guryahooda ka soo saari jirey, oona ahaa kan mar walba yiraahda ha noolaado kacaanka, markii danbena laga dhigey Governatooraha Gobolka BAY, ninkii yaqaana wuu yaqaan kaan aqoonina wuxuu ahaa nin gobolka BAY laga yaqaano haysteyna sanadadii 1986, 87, 88, wuxuuna ahaa nin aan aqoon laheyn, wuxuuna xukumayey gobol oo dhan, iyo naagta la oran jirey “FAADUMO CAABI” oo ayadana joogtey dowladda Hoose “Minishiibiyo”, waxaana jirtey in aan qofna qaadan karin teesaro minishiibi asagoo soo marin naagtaas, teesarahana ma soconeyn saxiixeeda la’aantiis, ayadoo aheydna mid taqaana sida wax loo saxiixo.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

XUSUUS – XARIGII MAXAMED DHEERE EE BAYDHABO LAGU XIREY

February 4, 2011

WAREYSIGII MARKII MAXAMED DHEERE LAGU XIREY BAYDHABO

MAXAMED DHEERE IYO AL-SHABAAB OO PHONE ISKU CAYNAYO

MAXAMED DHEERE OO DOWLADA CAAYEY – 2010

HEES CUSUB OO LA YIRAAH “MAY MAY” iyo FANAANKII HUBUROW

February 3, 2011

HEES CUSUB OO LA YIRAAH “MAY MAY” iyo Fanaankii HUBUROW

HEESTII “IRIDHIIMO” OO MAANTA BAARLAMAANKA LAGA SAAREY CODEYNTII KA DIB – XASAN AADAN SAMATAR –

War deg deg ah: Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo saddex sano oo cusub ku darsaday xilliga ay shaqeynayaan

February 3, 2011

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay xilliga ku kororsadeen muddada ay shaqeynayaan, iyagoo waqtiga ku darsaday muddo saddex sano ah.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qaybgalay 435-xildhibaan, iyadoo guddiga dastuurka baarlamaanka ay soo jeediyay in muddada lagu kordhinayo saddex sano, iyagoo sidoo kalena soo dhaweeyay go’aankii ay gaareen IGAD iyo Midowga Afrika, kaasoo lagu go’aamiya in xilliga baarlamaanka la kordhiyo.

“Waxaan ku talinaynaa in muddada baarlamaanka lagu daro saddex sano oo ka billaabaynaysa 22, Ogoosto 2011, kuna eg 22, Ogoosto 2014. Muddadaas inta lagu jirana uu baarlamaanku ka shaqeeyo sidii lagu soo dooran lahaa guddoonka cusub ee baarlamaanka iyo madaxweynaha,” ayuu yiri Maxamed Nuur Sheego oo ka tirsan guddiga dastuurka baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulanka shir guddoominayay iyo xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa dhankooda soo-jeediyay in xiliga baarlamaanka lagu kordhioy laba sano, taasoo buuq badan ka dhexdhalisay xildhibaannadii baarlmanaka ee kulanka ka qaybgalay, waxaana labada fikradood markii dambe la geliyay cod.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ka hadlay qaabkii ay codeynta u dhacday, ayaa yiri: “Kulanka waxaa soo xaadiray 435-mudane, waxaana 421-xildhibaan ay u codeeyeen in saddex lagu kordhiyo xilliga shaqeynayo baarlamaanka, 11-mudane waa diideen, waxaana ka aamusay 3 mudane,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Shariif Xasan, ayaa intii uusan kulanka soo xirin wuxuu ugu baaqay xildhibaannada inay kulammada ka soo qaybgaleen, isagoo xusay in xilidhibaankii aan kulammada kasoo qaybgelin muddo laba bilood ah, xilka laga qaadayo, badalkiisana lama keeni doono.

Sidoo kale, intii uu kulanku socday ayaa waxaa laga aqriyay mooshin la sheegay inay soo diyaariyeen 429-mudane, kaasoo lagu codsaday in isbadal lagu sameeyo qodobka 32-aad ee xeerka baarlamaanka oo dhigaya in baarlamaanka uu shaqeeyo toddoba sano, lagu soo koobo saddex sano.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 550-xubnood, ayay IGAD iyo ururka Midowga Afrika waxay todobaadkan soo jeediyeen in xilliga baarlamaanka la kordhiyo, halka arrimaha xukumadda loo daayo shacabka Soomaaliyeed.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers