Duqeyn Qasaaro Dhamasho Iyo Dhaawac Geysatey Oo Xaley Mogdisho Ka Dhacdey.

Madaafiic iyo raasaas ayaa xalay laga maqlayey xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka oo ay weerarkiisu qaadeen Ciidamda Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu xoogiisu uu ka dhacay Degmada Boondheere halkaasi oo dadkii degnaana ay iska barakaceen Ka dib markii ay xoogeysteen Xiisadaha Halkaasi ka jira.

Inta la ogyahay 5-ruux ayaa ku geeriyootay 7-kalana waa ay ku dhaawacmeen oo dagaalka kuwaas oo u badan dhinacayadii dagaalamayey.

Xaafadaha ka tirsan DegmooyinkaCabdicasii Shibis iyo boondheere ayaa waxaa isku horfadhiya dhinacyada xarig jiidka uu ka dhaxeeyo ee ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa xarakada al-shabab taasi oo suurta gal markasta ka dhigi karta inay dagaalamaan.

Dagaalkii Shalay ka dhcay degmada boondhere ayaa waxaa ku geeriyooday 15-ruux halka 20-kalana ay ku dhaawacmeen waxaana marka la isku geeyo dhimashada labada maalin ay ka dhigso 20-dhimasha iyo dhaawac gaaraya 27-ruux oo dhamaantooda u badan dhinacayadii dagaalamyey.

Xaalada deeganada lagu dagaalamay ayaa hada laga dareemayaa deganaansho aan caga badan ku taagneyn waxaaana laga maqlayaa degmada boondheere rasaas teel-teel ah oo ay ay isweydaarasanyaan labada dhinac ee dagaalamay.

Faallo u dhaaf