Baarlamaanka Oo Cod Buuxa Ku Ansixiixey Raisul Wasaaraha Cusub,

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaaz, kadib kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaanadii ugu faraha badnaa.
Kulanka Baarlamaanka oo ahaa kii u horeeyay ee ay yeeshaan Xildhibaanada tan iyo bishii Febraayo ayaa waxaa ka soo qeyb galay 443-xildhibaan, iyadoo kulanka Baarlamaanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiye Shariif Xasan uu madasha ka sheegay ajandaha shirka inuu yahay ansixinta Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub Dr. C/wali Gaaz ayaa ku sugnaa, iyagoo khudbado kala duwan ka jeediyay,isagoo Ra’iisul Wasaaraha ka sheegay fadhiga inuu soo magacaabi doono Gole Wasiiro tayo leh.

Intaas kadib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa lagu wargeliyay inay gacan taag ku ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha, waxaana 437-cod lagu ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha, halka ay diiday afar, 2 ay ka aamustay, sidaasna uu kaga dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan in Ra’iisul Wasaaraha uu ansax ku yahay muddo 30-cisho gudahood laga sugayo inuu soo dhiso Xukuumad.

Kulanka Baarlamaanka ayaa ahaa mid aad uga duwanaa kulamadii hore, waxaana xildhibaanada dhamaantood u muuqdeen kuwo isku mowqif ahaa, waxaana dad badan ay saadaalinayeen in Ra’iisul Wasaaraha cusub la ansixin doono, maadaama meesha uu ka baxay khilaafkii xarig jiidka ahaa ee u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: