Qeybo Ka Mid Ah Gedo Oo Xaley Dagaal Ka Dhacay

Dagaalka ayaa waxa ka hadlay gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil isagoona sheegay in ciidamo katirsan dowlada KMG Soomaaliya oo tababar ugu soo dhamaaday Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ay ku haleeleen inta u dhaxeysa Garbahaareey iyo Luuq ciidamo taabacsan Xarakada Al shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil in xarakada AL shabaab ay gaarsiiyeen khasaare aad u fara badan oo gaaraya ilaa iyo 12 ciidan oo ka tirsan AL shabaab oo ay ku dileen dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Maay kaareebeey

Sidoo kale Maxamed Cabdi Kaliil waxaa uu tibaaxay inay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan xarakada Al shabaab

Dhinaca kale dagaalkaas waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan xarakada Al shabaab waxayna sheegeen in xalay khasaare ayku gaarsiiyeen dagaalkii ka dhacay Deegaanka Maaykaareebeey oo ka tirsan Gobolka Gedo mana jiraan ilo ka madax banaan oo ka hadlay dagaalkaas

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: