Imaaraadka Oo Ku Baaqey In Soomaaliya laga Qaado Cuniqabateenka Hubka

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka codsatay dalka Hindiya in uu hormuud u noqdo olole looga qaadayo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si loo qalabeeyo ciidamada dowladda.

Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta, Sheekh Cabdullaahi Bin Zayed Al Nahyaan ayaa booqasho hal maalin ah ku tegay dalka Hindiya, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa SM Krishna, waxaana ay labada dhinac ka wada hadleen arrimo badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Sheekh Cabdullaahi Bin Zayed, ayaa sheegay in ay tahay in la qalabeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabtaan burcad badeedda hubeysan.

Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, ayaa sidoo kale sheegay in keliya aanay aheyn in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, balse loo baahan yahay in dowladda loo tababaro ciidamada booliska.

Hindiya ayaa horay u sheegtay in iskaashi caalami ah loo baahan yahay si looga guuleysto burcad badeedda Soomaalida.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: