Ra’iisul Wasaaraha Cusub Oo Beesha Caalamka Ka Dalbadey In Loo Gargaaro Dadka Soomaaliyeed.

R/wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Dr. C/Wali Maxamed Cali ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay abaaraha iyo macluusha ka taagan Somaaliya, tan iyo intii la ansixiyay 72-saac ka hor.

Dr. C/Wali ayaa sheegay in gobollada dalka ay ka jiraan abaaro sababay in ay dadkii barakacaan qaar badana ay qaxaan, waxa uuna Beesha caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka codsaday in ay gargaar la soo gaaraan Umada Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

C/Wali Gaas Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed lagu yaqaano in ay is gargaaraan islamarkaana deriskooda ay ka warqabaan, waxa uuna ka digay in Soomaalida ay ku tashato gacan.

Waxaan Beesha Caalamka iyo Hay’adaha ka codsanaynaa in ay gargaar la soo gaaraan Umada Somaaliyeed, waxana si gaar ah ugu sheegayaa Jaaliyada Somaaliyeed ee dibada ku Nool in ay wax u taraan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri gaas oo shalay saxaafada ugu waramayay magaalada Muqdisho.

R/wasaaruhu wuxuu Hay’adaha Caalamiga ah, Beesha Caalamka iyo dadka Soomaliyeed ugu baaqay in ay cawiyaan dadkaasi, isagoo waqtigaan ku sifeeyay xilliga ay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin gargaarka.

Sidoo kale shalay ayay ahayd markii Raisal wasaare gaas uu gudoomay Deeq raashin iyo gaadiid u badnaa Booyado ay ugu deeqday Umada Soomaaliyeed Dowlada Imaaraadka carabta.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: