Kismaayo Iyo Kuwa Sheegta Kala Fog. Q-1aad

Ayadoo aan Indhaha lag laaban karin waxa ay wadaan Qolooyinka sad bursiga ah,ahaayeena Marti, noqdeena marti qoryohooda wadata ayaan dareensiin doonaa in aan waxba ka jirin waxa ay sameynayaan oo ay mar walba shaacinayaan.

Waxaa soo shaac baxay 2001-di in ninka la yiraahdo Cali Khaliif Galeyr asagoo isku sheegaya in uu Ra’iisul wasaare yahay, mar uu yimid wadanka Imaaraadka magaalada Dubai, uuna ku qabtey shir jaraa’id, kuna khudbeeyey in aysan jirin cid leh ama sheegan karta Gobolada Jubooyinka, welibana uu ku shaaciyey idaacadan la yiraahdo idaacada xagleynta, dadka sameysteyna ay u yaqaaniin BBC London.

Hadaba hadii aan wax ka iraahdo hadaladii hunguri doonkii Cali Khaliif Galeyr, miyuusan ogeyn in laga wada dhegeysanaayo hadaladiisa aduunka daafihiisa, miyuusana aheyn qof ceybi qabata, mise waxa uu wataa qaacidadii ay sheegan jireen oo aheyd “Ceeb Looma Dhinto”, waxaase uu noqdey mid aan waxba isku faleyn.

Hadaba hadaan wax xoogaa ka taabto Jubada Hoose, gaar ahaan magaalada Kismaayo waa magaalo ay magaceedu uu ka kooban yahay laba magac, labadaas magac marka la isu geeyana yeelanayaan wax manaafacaad u leh noolaha oo dhan.

Intaana u guda galin magaca kismaayo sharaxaadeeda, waxaa Cali Khaliif Galeyr oranayaa qolodaad dhulka u raadineysid awowgooda wabiga ma soo gudbey.

Teeda labaad waa tii aad heshiiska ku aheydeene adiga iyo Cabdulqaasim in aad dhulka qeybsataane, markii aad heli weydey qeybtaad raadineysey miyaad mucaaradeysaa qofkaad heshiiska soo wada gasheen, oo aadna idaacadaha ka shaacineysaa adigoo oranaya asagoo maleeshiyadiisa ka soo saarin dhulka ay xooga ku heystaan uusana ku wareejin dhulka dadkiis Soomaaliya heshiis ka dhici maayo, Cali khaliif wuxuu hore u yiri Jubooyinka qolo gooni u leh oo sheegan karta ma jirto, hadana wuxuu yiri C/qaasim asagoon maleeshiyadiisa ka soo saarin oo uusan ku wareejin dhulka dadkiisa Soomaaliya heshiis ka dhici maayo, miyeysan is khilaafsaneyn hadaladiisa, maxaase ku kalifey in markii hore uu inkiro dhulka dadkiisa, markuu waayey cadkiisana u shaacisey in dhulka Jubooyinka ay dad leeyihiin, dadkaasna aad u tiri waa DigilMirifle.

Cali khaliif miyuusan aheyn qof aqoon leh, ileyn waa tan lagu sheegee in uu professor yahaye, miyuusan u fiirsanin hadaladuu ku hadlo, mise wuxuu yahay qof maskaxdiisa wax si ka yihiin, hadaba sidey ku dhacdey in sanad gudihiisa hadaladiisa ay isu buriyaan, labadan hadal sidey qof keliya sanad gudihiisa ooga soo wada bixi karaan haduusan jaahil aheyn, Caliyow aqoontaada waa mid ay fari ku taagan tahay, qolo aan aqoona macalim jaamacadeed ayey kaa dhigteen, waxaanse ku leeyahay markaad ardada wax bareysid ha kala hadlin, hadii kalese waxaad noqoneysaa mid shaqadiisa waaya.

Hadaba hadaan ka jawaabno wararkii uu Cali Khaliif Galeyr uu ku sheegey shirkii jaraa’id ee uu 2001 ku qabtey wadanka Imaaraadka Carabta “U,A,E” kuna yiri Jubooyinka cid gooni u sheegan karta oo iska leh ma jirto, hadaba hadaan u guda galno sharaxaada magaalada Kismaayo, Kismaayo waxay ka kooban tahay laba magac oo kala ah “KISIMA” oo ah Ceel iyo YOO oo ah Dheer” labada magac marka la isu geeyo waxey noqdaan “CEELKII DHEERAA”, luqadana waa af BAAJUUNI, Baajuuntuse ma Laas Caanood bay ka yimaadeen, mise magacan ayaa meesha laga baxshey.

Jubada Hoose waqtigii gumeysiga waxa ay ka tirsaneyd “Kenya”, waxaana Soomaaliya ku soo wareejiyey Ingriiska markii uu wadanka xoog oogala wareegey gumeysigii Telyaaniga.

Hadaba dhulka Jubooyinka hadii uu yahay dhul “HARTI” maxaa magacyada Gobolka oo dhan ka dhigey magacyo Baajuun ama Luqad Baajuun, Baajuuntuse ma Harti baa mise Hawiye, hadaan Baajuunta laftigeeda aan sharaxno, waa dad u dhashey TUNNI, Tuniduna waa dad aad iyo aad loo yaqaano, waana wiil ka mid ah wiilasha uu dhaley odeygii AW-DIGIL, taana ay ka tarjumeyso in ay Digil yihiin.

Hadaba Cali Khaliifow miyaadan aheyn qof xishooda oo wax isku fala, sow umadda oo dhan kuma filna magacyada magaalooyinka oo keliya intaanan meel kale isla aadin, waxaa iga su’aal ah jawaabna aan ka rabaa in ay ii kala saaraan Soomaalida, sababta ay isku magac u noqon waayeen, Degmooyinka Laas Caanood iyo Degmooyinka Jubada Hoose.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: