Yuweri: Waxaan Saraakiisha U Badalney Sidii Shabaab Looga Taqluusi Lahaa

Horaantii bishan ayay ahayd Markii loo soo magacaabay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho Jeneraal Cusub Ciidamada amisom ee jooga Magaalada Muqdisho.

Waxaa arintaas markii ugu horeysay ka hadlay Madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musafani oo sheegay in saraakiisha loo soo badalay Soomaaliya ay yihiin kuwii dharabka ka jabin lahaa waxa uu ugu yeeray argagixisada alshabaab ee ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

Yuweri Musafani ayaa sheegay in ujeedka gaarka ah ee isbadalka loogu sameeyay saraakiisha ugu sareysay ee ciidamada AMISOM ay aheeyd sidii ay dhabarka ugu jabin lahaayeen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ee la dagaalamaya ciidamadooda iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, iyo sidoo loo taageeri lahaa hay’adaha dowladda KMG Soomaaliya.

“ waxaan saraakiisha amisom ee jooga Muqdisho ugu samaynay is badalka sidii loo sii balaarin lahaa Dagaalka aan kula Jirno alshabaab, iyo sidii loo sii wadi lahaa Guulaha ay gaarayaan Ciidamada Midowga afrika ee jooga Soomaaliya oo garab ka Helaya kuwa Dowlada KMG” ayuu yiri Yuweri Musafani oo Saxaafada la hadlayay shalay mar uu ku sugnaa Madaxtooyada dalkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay markale in uui u Magacaabay Soomaaliya taliye ku xigeenka ugu sareeya ee ciidamada AMISOM kaasi oo loo magacaabay Col Apollo Kasita Gowa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: