TAARIIKHDII SALAADIINTII SOOMAALIYA KA JIRI JIRTEY OO AAD U KOOBAN Q-2aad

Soomaaliya saldanadii ka jiri jirey gumeysiga ka hor waxey dhulka u kala maamuli jireen sidan:-

AJUURAAN: wuxuu xukumi jirey HIIRAAN, qarnigii 15-aad ilaa qarnigii 17-aad.

GELEDI {DIGIL}: suldaan YUUSUF MAHAMED wuxuu xukumi jirey inta u dhaxeysa MOGADISHO,AFGOOY, IYO BARAAWI.

GASAARGUDE {MIRIFLE}: wuxuu xukumi jirey inta u dhaxeysa “GEREED KALAFOW, AW-MAADOW, waa meesha hada loo yaqaano LUUQ GANAANE, BAY IYO BOKOOL.

HAWAADLE: wuxuu xukumayey laga soo bilaabo MAHADAAY ILAA MATABAAN iyo waliba HIIRAAN agaheeda, waxaana suldaanka Hawaadle la oran jirey MUUMIN AHMED FOODEY.

AJUURAAN: markuu xukumaayey SH/HOOSE waxaa ka saarey Saldanadii Silcis Gorgate, ayagana waxaa ka saarey dadkii dhulka lahaa, oona xoog aaga saarteen.
Labada ku dagaalameysey dhulkaas waxey ahaayeen kuwo hunguri doon ah ma ogiye wax ay ka lahaayeen dhulkaas ma jirin.

MAJEERTEEN: Boqor CUSMAAN MAXAMUUD waxey xukunka dhulkaas haysteen intii ay u dhaxeysey 1854 ilaa 1943 ka dibna ay baaba’dey boqortooyadii ay sheegan jireen, boqortooyadaas xukunkeeda ku dheehnaa gumeysi, ayna gumeysan jirtey qabaa’iladii yar-taraa ee ku hoos noolaa ha u badnaadaane Daarood, midna waa Hawiye,

Waxeyna kala ahaayeen: LEEL-KASE, WARSANGELI oo qayb ah, DHULBAHANTE oo qeyb ah, iyo qeyb HABAR GIDIR ah waana SACAD, gaar ahaan kuwa dhinac ka dega Gaalkacyo.

YUUSUF ALI KEYNADIID: oo asagana xukunkiisa taagnaa inta u dhaxeysa sanaddadii{1911 ilaa 1925} uuna xukumayey magaalada la yiraahdo HOBYO, isaga oo waagaas uusan haysan awood uu ku difaaco dadkiisa oo qeyb dhan ay gumeysaneysey boqortooyadii CUSMAAN MAXAMUUD. Ayna ku sameynaayeen dhibaatooyin aad iyo aad u fool xun, oo ayna ka mid ahaayeen, ayadoo askarta boqortooyada ay fardahooda habeenkii la raacin jirey, ragooda si ay fardaha habeenkii u soo miriyaan, gurahoodiina loo seexan jirey habeenkii inta fardo miriska ku jiraan, ayagoo og taa in ay fool xumo tahay hadana waxba kama aysan qaban karin, waxeyna ku dhex jireen nolol aad iyo aad u fool xun, maxaa ka fool xun xaaskaaga ha laguula seexdo adiga fardo soo miri, subaxdii markey soo noqdaan ayaa guyahoodii loo furaa, habeenkiina rag ayaa gurigooda ahaa, subaxdiina ayagaa u soo hurdo raadsan jirey.

Sidaa ayey kala ahaayeen xukuumadihii ka jirey soomaaliya gumeysigii ka hor, markii uu gumeysiga yimid ugu horeyntii wuxuu bur-buriyey wax ala wixii maamul ahaa ama xukun ahaa ee ka jireen dhulka soomaaliyeed oo idil, wuxuuna sameeyey hal xukun oo asagana uu yahay kii laga amar qaadanaayey, bilaabeyna in uu kala geeyo dad walaalo ahaa, asagoo hawl fududeyn ka helay calooshood u shaqeystayaal lagu magacaabi jirey {CONTRO BANDIERA}, rabeyna in soomaaliya gumeysi lagu hayo, gaar ahaan Qowmiyadda DIGILMIRIFLE, oona loo yaqaaney {CONTRO CASSA}.

Ayagoo dhulkooda lala rabey in wax xoogaa loo maal geliyo, marka laga qaato {9 meelood} meel uun la siiyo, ama loo dhiso dhulka, ayguse waa DIGILMIRIFLE uma muuqan ama uma cuntameyn gaalkaas iyo waxa uu watey, ayagoo kaba qaadayaashiisan ayba ka xumaayeen wax yaalaha uu u ballan qaadey ummadan dhulka iska leh, kabo qaadayaashii waxey gumeysigii kula taliyeen kuweebaa kuu dan ah, dad ah CONTRO BANDIERA iyo dad ah CONTRO CASSA, taas oo ay ula jeedeen dad adiga ku taabacsan oo aan rabin in ay xor noqdaan iyo dad ka soo hor jeeda in ay kaa xoroobaan isla markaana lid ku ah in aad dhulkan wax kheydaad ah ka qaadatid, gumeysigiina wuxuu qaatey taladii kabo qaadayaashiisa wuxuuna cagta cagta u saarey kuwii ka soo hor jeedey oo ay ahaayeen DIGILMIRIFLE, waana la ogaa tii uu ku dhigey gumeystihii dadkii diidanaa, asagoo u adeegsanaayey kabo qaadayaashiisa, bilaameyna gumeysi xun, soomaaliyana waa la og yahay in ay u kala baxdey dad la gumeystey iyo kuwo lagu dul gumeystey.

Qore: Isaak Eeding Hasing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: