HOR U DHAC:-MAXAY AHAAYEEN AMA YIHIIN QOWMIYADDA DIGILMIRIFLE Q-5aad

Waxa ay wax ka qoreen qowmiyad ayagoo ka been sheegaya Nasabkooda, haybadooda, iyo deegaankooda, ayagoo qoraaladooduna ay noqdeen kuwo is bur-buriya ileyn beentu waa mid aan meel dheer gaareynine, walow ay maalmo ku soconayaan, marka la qabtona ay liicayso,
Wax yaalihii ay qoraaladooda ay ku qoraayeen oo sedex arimood ah hadaan wax ka sheego

{A} DADNIMADA QOWMIYADDA
{B} DEEGAANADA QOWMIYADDA
{C} DHAQANKA QOWMIYADDA

{A} Soomaalidu sida la sheegay waxay asal ahaan ka soo jeedaa Kushiti, ama sida kale la yiraahdo Afro.

{B} Deegaan: waa dad dega Afrika geeskeeda bari, gaar ahaan Soomaaliya, gude ahaana ka dega gobollada Koofur Galbeed ee Soomaaliya, labada dhanna ka leh xuduudo dalalka kala ah Kenya iyo Ethopia, dhulkaas baaxadda wayn ayey ku nool yihiin, dhab ahaana xaqiiqdu waa ay ka fog yahay in la xaqiro ama la dafiro dad loo baahan yahay oo aan ayaga dad u baahneyn.

Runtii waxaynu ogsoonahay oo aan taariikhda marnaba la inkireyn in uu yahay dhulka ugu khayraadka badan ee uu leeyahay dhulka soomaaliya.

Waxaa iyana xusid mudan in la is xusuusiyo kaan aqoonina loo sheego in ay Qowmiyadda Digilmirifle dhulkooda ay xukumi jireen Suldaano iyo Malaaqyo ilaa iyo haddana aan siiradooda go’in, isla markaana aan oran karno kuwo ah in ay taariikhdooda si dhab ah ay u jirto, ha ahaato Gobol ahaan ama Qowmiyad ahaanba.

Ummada kale ee soomaaliyeed ee la soo dersay Qomiyaddan Digilmirifle waxay si dhab ah uga mid noqdeen ama la xeer noqdeen Qowmiyaddan, mana jirto cid ku khasabtey in ay ka mid noqdaan, waxaa u geeyey wuxuu ahaa nolol doon ayagoo ah qaxooti.

Run ahaantii waxa ay la dhaceen qaab dhaqankooda iyo deegaankooda oo ah mid barwaaqo badan, waxay dhab ahaan isu bedeleen in ay la xididaan, ku qaaraanna noqdaan, ayna go’aansadeen in aysan dib ugu laaban meelihii qalalnaa ee ay ka soo qaxeen.

Hadaba waxaa cad oo aan mugdi ku jirin in Qowmiyadda Digilmirifle ay aheyd qowmiyad awood badan, had iyo jeerna ay gacanta ku hayn jirtey nabad gelyada dhulkooda, aan la sheegin waligeed colaad dhexdooda ka dhacdey ka dibna ay la qaxeen, oo ay tageen gobol u dhow, ama meel aan meeshooda aheyn ha u dhawaato ama ha ka dheeraatee, hadaba waxaa la arkey kuwo goboladooda ama maamuladooda ka dhex dhici jirey dagaalo ayna u soo qixi jireen meel nabad ka jirto oo ay nolol ka heli karaan, meeshaasna waxay u noqotay dhulka Digilmirifle, waxaa kaloo muuqata oo aan qarsoonayn in la heli karo dad u soo qaxay dhulka Digilmirifle, laakiin lama arag dad u dhashey Digilmirifle ah oo u qaxa dhul aan kooda ahayn, taasna waxay kuu cadeyneysaa in dhulkan Digilmirifle uu yahay mid loo soo doonta nolol, kuwa u soo doonanayana ay ka yimaadeen meel qalalan oo noloshu ku adag tahay, waxaana cad kuwa soo qaxay in ay nololi ugu horeysey markey yimaadeen dhulka Digilmirifle, hadey leeyihiin taas waa been bal haku noqdaan dhulkooda.

Hadaba markey arkeen nabad gelyo oo barwaaqo bar-bar socota ayey isu qaylo dhaansadeen, oo isugu sheekeeyeen in ay nolol heleen, kooda danbeeyeyna ay u wacdeen. waxaa si is daba joog ah u imaan jirey dhulka Digilmirifle qax fara badan ayagoo uun raadin jirey nabad gelyo iyo nolol dhaanta tey ku jireen.

Waxaa kaloo jirta in qorayaasha qaarkood ay qoreen in Soomaalidu ay tahay reer guuraa hadba raadsadaan meeshii roob lagu sheegay,waxay kaloo ay meesha ka saareen in ay jiraan reer aanba guurin waligood hadey roob la’aan noqdaan xitaa, in xagooda loo soo guuro mooyee, cida guur-guurta had iyo jeer ama qaxda waa kuwa lagu magacaabey qaxooti, oo aan haysan hoy iyo nolol, taasina waa mid cadaan ah in uu had iyo jeer kan dadka soo dhaweeya uu yahay mid nabad gelyo iyo nololba haysta.

Hadaba waxaan oran karnaa Digilmirifle waxay qaxooti qaabili jireen ka hor intaanu United Nation-ka saxiixan in la qaabilo qaxooti, qaxootiyadii ugu horeeyay ee ay qaabileen Qowmiyadda Digilmirifle markey nolol arkeen, nasteen oo ay indhaha u furmeen arkeena cid aan cabsi gelineynin ayaa ay u bixiyeen Dhulkii raaxada weynaa.

Sida aan ka wada war qabno marka reer guuraagu ay is wareysanayaan waxaa ugu muhiimsan ee ay xooga saaraan waxay tahay xagey biyo fadhiyaan, xagee roob ka da’ay, taa oo macnaheedu uu yahay xageen u nolol raadsanaa, ama aan xoolaheena la’aadnaa {DAAQSIN}, meeshay isu sheegeen oo ay isu soo tilmaameen waa dhul Digilmirifle, ayagoo isu miisaamaya meeshey ka yimaadeen iyo meeshay imaadeen ayaa waxa ay ku tilmaameen in ay yimaadeen meel raaxo badan, caafimaad badan, oo intaana u sii dheer amaan, ka dib waatey yiraahdeen Raaxo-weyn, hadana waxaa la arkey dad dadkii dhulka degenaa ku sheegaya raaxo weyn waa halkii laga rabey in uu yiraahdo, REEWING ama Digilmirifle.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: