Ra’isal Wasaaraha iyo wafdigiisa oo muddo saacado lagu xanibay Garoonka Joma Kenyati Air Port Magaalada Nairobi

Iyadoo wali ay jirto xasaasiyadii iyo murankii beryahan ka taagnaa soo gelitaanka Ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Wafdigii shaley ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee uu hogaaminayay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Gaas muddo saacado lagu xanibay Garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyati Airport.

Sida warar ay u heshey shabakada swsomalia, wafdiga Ra’isal wasaaraha ayaa ilaa saddex saacadoo ku xayirnaa qeybta VIB-da garoonka, markii Ciidamada CID ay xanibeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiisha qaar ay ku tilmaameen arrintan mid aan lala socodsiin, sidoo kale waxaa jiray inay qabeen mowqifka dowladda soomaaliya ee ahaa inay ka hortimid gelitaanka Ciidamada Kenya, kaasoo tashwiish geliyay xiriirka Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

Gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo xildhibaano kale oo lagu soo wargeliyay in wafdiga Ra’isal wasaaraha lagu heysto garoonka Joma Kenyati ayaa markii dambe aaday, iyagoo ka soo kaxeeyay.

Wafdiga Ra’isal wasaaraha ayaa waxaa caawa la keenay Hotelka Grand Regancy ee magaalada Nairobi, iyadoo ammaankooda si weyn loo adkeeyay.

Maalinta berri ayaa la filayaa inay la kulmaan Mas’uuliyiinta dowladda Kenya, si ay uga hadlaan arrinta labada dal ee ku aadan howl galka Ciidamada Kenya.

Magaalada Nairobi ayaa caawa si aad ah looga hadal hayaa xanibaada mudada saacadaha ah ee lagu sameeyay Ra’isal wasaaraha markii uu diyaarada ka soo degay, taasoo muujineysa halka ay gaarsiisan tahay hadaladii kululaa ee labada dhinac is weydaarsadeen.

Madaxweynaha soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa todobaadkii hore sheegay in aanay aheyn in ciidamo Kenya iska soo galaan, isla markaana dowladda iyo shacabka aysan raali ka aheyn.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: