War deg deg ah: Dagaalo iyo duqeymo ka soconaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan

Dagaalo iyo duqeymo u dhaxeeya ciidamada dowladda Ethiopia iyo dowladda KMG oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa ka soconaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Ethiopia oo gacan siinaya dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab uu ka soconayo buurta Qowleed, Airporka iyo deegaanka Jante kundisho ee magaalada Baladweyne ee gobolkaasi.

Dad ay Waajidpress iyo Shabelle la xiriirtay oo ku sugan magaalada ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya oo shalay halkaasi soo gaaray ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baladweyne.

Duqeyn aad u xoogan oo u dhaxeysa labada ayaa lagu soo waramayaa in ay ka socoto duleedka magaalada Baladweyne, waxaana wararka ay sheegayaan in Al Shabaab ay isaga baxeen magaaladaasi sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan magaalada Baladweyne.

Macada ilaa hada qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashayd dagaalkaani bilwoday saaka saacadu marka ay ahayd 6:20 daqiiqo hase ahaatee waxa uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, iyadoo xaaladda magaalada ay wali tahay mid kacsan oo aan la saadaali karin waxa ay ku dambeyn doonto.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: