War deg deg ah: Israsaaseyn uu ku dhaawacmay Fanaanka Caanka ah Cabdi Tahliil oo ka dhacay Degmada Wardhiigley

30.January.2012:- Iska hor imaad u dhexeeyey Ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Ex-fiyoore Degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir.

Wariyeheenna Nuur Shariif Shaacir oo ku sugan nawaaxiga halka uu iska hor imaadku ka dhacay ayaa waxa uu soo sheegayaa in iska hor imaadkaasi uu u dhexeeyey Ciidmo ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya uuna ku dhaawacmay Fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame.

Waxa uuna iska hor’imaadku ka dambeeyey kaddib markii ismaandhaaf uu soo kala dhex Ciidamada israsaaseeyey kaa oo ku qotomay is qab qabsi dhanka guriyaha ah kaddib markii Dowladda KMG Soomaaliya ay shaacisay in laga boxo guryaha Dowladda.

hal ruux ayaa geeriyooday oo ka mid ahaa Askarta israsaaseyntu dhexmartay waxaana uu dhaawac fudud ka soo gaaray Fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame.

Fanaanka ayaa xilliga uu dhaawacmayey waxa uu ku sugnaa sida wararku ay sheegayaan meel aan ka fogeyn goobta israsaaseyntu ka dhacday ee Ex-fiyoore oo ah goob hooy u ah Fanaaniin iyo abwaaniin ka tirsan Hobolada kala duwa ee Soomaaliyeed.

Durba diiba waxaa goobta soo gaaray masuuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Maalin waxa ayna kala dhex galeen Ciidankii israsaaseyey.

Xaaladda ayaa haatan waxa ay tahay mid deggan waxaana caadi ku soo laabtay isku socodka dadka iyo ganacsiga oo intii israsaaseyntu socotay hakad galay balse durbadiiba dib u bilowday Xaaladduna haatan waa mid hagaagsan.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: