Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo oo ugu Baaqay Dowladda KMG in ay La Xaajooto Alshabaab

Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo), ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dowladda KMG in ay wadahadal la furaan xoogaga Alshabaab ee dagaalka kula jira.

Raysul wasaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Alshabaab ay ku jiraan rag ogol wadahadalka, waxaana uu ugu baaqay dowladda KMG in ay ku qanciso dhalinyarada sidii ay hubka u dhigi lahaayeen islamarkaasina uga mid noqon lahaayeen dowladda KMG.

Raysul wasaarahaa ayaa sheegay in xilligii uu xilka u hayay dowladda KMG ay jireen dhalinyaro tiro badan oo kusoo biirtay dowladda KMG, isagoona sheegay in ay haatanna jiraan rag badan oo weli kusoo biiraya dowladda KMG, arintaaso oo uu sheegay in ay tahay fursad wax looga dhaadhicin karo kuwa kale ee weli hubka sita.

Raysul wasaare Farmaajo ayaa mudadii uu xilka hayay siweyn ula dagaalamay musuqmaasuqa, iyadoona uu si habsami leh uga shaqeysiiyay dhamaan wasaaradihii kala duwanaa ee dowladda KMG, waxaana ay arintaasi siweyn usoo jiidatay dareenka umadda Soomaaliyeed oo iyagu aan in mudo ah arkin masuul si daacad ah u gudanaya xilka uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Farmaajo oo isagu xilka iska casilay kadib cadaadis xoogan oo uu kala kulmay beesha Caalamka, ayaa waxa iscasilaadiisa si kulul uga soo horjeesatay bulshaweynta Soomaaliyeed, iyadoona ay jireen mudaaharaadyo isxigxigay oo ka dhacay qeybo badan oo katirsan gobollada dalka iyo dibada, waxaana ay dad badan aaminsanaayeen in uu wax weyn ka badali lahaa siyaasadda Soomaaliya ee jahwareerka ku jirtay mudo ka badan 20 sano.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: